Sababtii ka dambeysay inuu Ruushka soo rido diyaaraddii rakaabka oo ay saarnaayeen 269 qof

Habeennimadii 31-ka August 1983-kii garoonka caalamiga ah ee John F.Kennedy oo ku yaalla magaalada New York waxaa ka kicitintay diyarad rakaab ah oo Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah.

Diyaaraddaasi oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee ‘Korean Airlines’ duullimaadkeeduna ahaa KAL-007 kuna socotay magaalada Soul.

Diyaaradda inta ay safarkeeda ku jirtay ku sii dagtay garoonka Anchorage ee gobolka Alaska si shidaal gaarsiiyo caasimadda Soul ay halkaasi uga qaadato.

Afartii galabnimo marki ay diyaaradda ka kicitintay garoonka Anchorage oo ay hawada gashay duuliyeyaasha diyaaradda waxay xilki ku wareejiyeen ‘Auto Pilot’, oo ah nidaamka duulista diyaaradda iskii u haga oo duuliyaha xilka kala wareega.

Balse nasiib darro duuliyeyaashu ma eysan ogeen inuu nidaamka ‘Auto Pilot’ cillad ku timid oo maalintaa uu shaqeyneyn.

Diyaaraddii oo ay nidaamki ‘Auto Pilot’ ee hagi lahaa cillad ku timid waxay ka weecatay marinka Soul oo waxay u jaheysatay dhulka Midowgi Soofiyeeti uu maamulayey.

Balse Rakaabki waxay diyaaraddi ka maqleen cod dhahaya ‘Mudanayaal iyo Marwooyin 3 saacadood kaddib waxaan caga dhigan doonnaa Gigada diyaaradaha Caalamiga ee Gimpo oo ku yaalla magaalada Soul. Saacadda magaalada Soulna waxay hadda mareysaa 9-ka subaxnimo intaa ka horna waxaan idin siin doonnaa adeegga Qureecda.”

Balse nasiib darro diyaaraddaasi ma eheen mid ku dagi kartay Soul maadaamaa ay xaalad murugsan ay dhexda u gashay.

26 daqiiqo kaddib duuliyihi koobaad ee diyaaradda Chun Byung ayaa rakaabki ku amray ‘iney si degdeg ah u xirtaan’ maaskarada Oxygen-ta oo neefsiga qofka ka caawiyo.

Diyaarad ay reer galbeedku leeyihiin xadka Midowga Soofiyeet haddii ay ku soo dhawaato waxaa markiba la socon jiray ciidamada cirka USSR maadaamaa ay diyaarado badan uu Mareykanka leeyahay oo wax basaaso ay howla basaasnimo halkaasi ku tagaan.

Waxaana xaladda sii xumeysay diyaaradaha wax basaaso uu Maeykanka adeegsado oo intooda badan u eg diyaaradaha rakaabka ee ay shacabku adeegsadaan.

Diyaaradda Kuuriya laga leeyahay uu duullimaadkeeduna yahay KAL-007 waddadi saxda ahayd ee looga talo galay iney ku duusha waxay ka soo habaawday ku dhawaad 200km.

Markiba taliyaha saldhigga ciidamada cirka Ruushka ee Dlinsk wuxuu amar siiyey laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah si ay diyaaraddaasi wax uga qabtaan.

Duuliyihi Midowga Soofiyeti oo waday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu magacaabo Gennady Osipovich oo wareysi bixiyey 1988-kii wuxuu sheegay “Duuliyaha diyaaradda rakaabka ee nooceedu ahaa Boeing 747 inuu daaqadda kala hadlay uuna tusay astaanta caalamiga ah ee ay duuliyeyaasha isku afgartaan, waxaanna u sheegay inuu xadka Midowga Soofiyeeti ay diyaaradda soo tallaawday balse nasiib darro dhanka duuliyaha diyaaradda rakaabka duulinayey jawaab uu ka helin, kaddib waajibaadkeygi shaqo ayaan gutay,” ayuu yiri.

Ciidamada Midowgi Soofiyeeti waxay sida oo kale sheegeen iney duuliyaha digniino uu fahmi karo siiyeen wax jawaab ah ay dhanka kale ka helin.

“Diyaaradda Rakaabka ee Kuuriyada Koonfureed in la soo rido waxaa sabab u ahaa diyaarad Mareykanka oo kuwa wax basaasa ah nooceeduna yahay RC-135 oo xilligaa mareysay meel u dhow halka ay diyaaraddaasi mareysay,” ayuu yiri Valentin Verenikov qoraal uu 1-da January 2013-kii uu kaga hadlay waxa sababay in diyaaraddaasi la soo rido.

Ugu dambeynti diyaaradda rakaabka ee ay lahayd Kuuriyada Koonfureed oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha dagaalka Midowga Soofiyeeti waxaana sidaa ku dhimatay dhamaman rakaabki iyo shaqaalihi diyaaraddaasi saarnaa.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaasi Ronald Regan dhacdadaasi wuxuu ku tilmaamay ‘Xasuuq’ iyo dambiyo laga galay baniaadanimada.

Halka hoggaamiyihi Midowgi Soofiyeeti ee xilligaasi Yuri Andropov uu Mareykanka ku eedeeyey diyaarad ay leedahay Kuuriyada Koonfureed iney u adeegsatay howlo basaasnimo.

Jasiiradda Sakhalin ee dalka Ruushka dadki ku dhintay diyaaradda ay lahayd Kuuriyada Koonfureed waxaa looga dhisay taallo yar oo magacda rakaabki diyaaradda saarnaa iyo waddamada ay ka soo jeedeen lagu xusay.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaa iyo waddamada ay ka soo jeedeen

Dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi ku dhintay waxay u badnaayeen waddamada Kuuriyada Koofureed (105), Mareykanka (62), Japan (28) Taiwan (23) iyo Philippines (16).

Sida oo kale waxay muwaddiniin kaga dhinteen Australia (4), Hong Kong (12), Canada (8), Dominican Republic (1), Hindiya (1), Iran (1), Malaysia (1), Sweden (1), Thailand (5), UK (2) iyo Vietnam (1).