Gabadha Soomaalida ah ee hoggaamisa kooxda Kubbadda Cagta ee taagan fiinaalka

Siyaado oo ku dhex jirta kooxdeeda Elman

Xigashada Sawirka, SIYADO

    • Author, Abdikadir Yussuf Ali
    • Role, Multimedia Broadcast Journalist

Marka laga hadlayo kubadda cagta Soomalida dhexdeeda ah waxaa inta badan ciyaara islamarkana hogaamiya kooxaha rag keliya.

Balse gabadh lagu magacaabo Siyaado Maxamed ayaa waxa ay magaalada Kismaayo ka aasaastay koox kubadda cagta ah.

Kooxdan ayaa waxaa ay imika ka mid tahay kooxaha ugu caansan Kismaayo, kuwaasi oo maalinta Sabtida ciyaar kama dambeysa ah la yeelan doona koox kale oo ka dhisan isla magaaladaas.

Haddaba Siyaado ayaa sheegtay inay caqabado badan kala kulantay markii ay sameynayeen kooxdan kubadda Cagta ah.

Waxay u warrantay BBC-da waxayna ka sheekeysay sheekada soo kala martay iyada iyo ciyaartoyda kooxdeeda iyo bulshadaba.

Goormaa la dhisay kooxda?

Siyaado iyo kooxdiisa

Xigashada Sawirka, SIYADO

Siyaado ayaa BBC-da u sheegtay inay sannadkan dhammaadka ah ee 2022 aasaastay kooxda oo magaceeda la yirahdo Elman Jubaland Sports.

Waxay sheegtay in sababta ay u abuurtay ay tahay markii ay aragtay Jubaland oo ay ku sugantahay ay tahay hooyga ciyaaraha kubbadda cagta, horay aysan u jirin dumar aasaasay kooxo kubbadda cagta ah, sidaas awgeedna ay go’aansatay in kooxda Elman sameyso.

“Ciyaaraha waa nabadayn waxayna ka qeyb qaataan is dhexgalka bulshada, sidaa darteed waxaan ka fakaray inaan isu keeno dhalinyaro ay maskaxdooda furan tahay oo lugtoodana ka faa’iideysan kara oo haysta hal meel oo ay ka duulaan si ay u yeeshaan mustaqbal iyo aayatiin,” ayay tiri Siyaado.

Dadaal dheer ka dib kooxda waan aasasay hadana meel fican ayay mareysaa,” ayay tiri.

“Dhalinyarada waa qori laba afle leh ah, xumaan iyo wanaagba waa loo adeegsan karaa laakin aniga arrin fiican baan ula imid weyna ila qaateen.”

Caqabadda ay la kulantay markii ay aasaaseysay kooxda Elman Jubaland?

Siyaado Maxamed

Xigashada Sawirka, SIYADO

Marka laga soo tago inay ku guuleysatay aasaaska kooxda ayaa waxay Siyaado sheegtay inay jireen caqabado ay la kulantay gaar ahaan bulshada.

“Waxaa jiray dad badan oo igu yiri sidee ayaad adigoo gabadh ah u hoggaamineysaa koox kubbadda cagta ah?"

"Waxaa kale oo markasta la igu dhihi jiray, waa ay kugu adkaan doontaa inaad dhalinyaro isku keento oo aad ka dhaadhiciso ra’yigaaga."

Hase yeeshee waxay sheegtay in qaar ka mid ah dadkii su’aalahaasi weydiinayay ay markii dambe ku aammaaneen dadaalka iyo inay ka miro dhaliso hadafkeedii ahaa inay kooxda aasaasto.

Tartanno badan ayay kooxda ka qeyb qaatay kuwaas oo ay ka soo hoyiyeen guulo la taaban karo.

Kooxda Elman Jubaland ayaa Sabtida la kulmeysa tijaabo kale oo weyn waxayna Siyaado ku hanweyn tahay inay koobka ku guuleystaan.