You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxamed oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday doontii giriigga ku degtay oo BBC la hadlay
“Maraakiibta badda mareysay biyo ayey nagu soo tuurayeen ee nama caawineyn, aad ayaan u qeylinay anagoo ka dalbanay inay na caawiyaan balse nooma joogsan”. Sidaas waxaa yiri Muhammad Hamza Khan oo ka mid ahaa 12 qof oo u dhashay Pakistan oo nolol lagu soo badbaadiyay kaddib markii ay la degtay doontii ay la socdeen.
Muhaajiriinta waxay ka soo baxeen Libya iyagoo ku jeeday Talyaaniga balse doontooda ayaa ku degtay meel xeebaha Grigiiga u jirta 80 Kilomitir 14-kii bishan June.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in doontu saaranaayeen in ka badan 500 qof. Mas’uuliyiinta Giriigga waxay sheegeen in 104 nolol lagu soo badbaadiyay halka iyagoo meyd ahna la helay 82.
Muhammad Hamza waxa uu sheegay in doontu saarnaayeen 350 qof oo Pakistan u dhashay balse wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa heyadda FIA ee Pakistan ayaa sheegtay inay la soo xiriireen qaraabada 209 qof. Tirada dhabta ayaa u baahan in la xaqiijiyo. Dadka soo badbaaday 12 ayaa Pakistan ahaa, waxaana la keenay xerada Malacca. Qaar ka mid ah dadkii u dhashay Pakistan oo Maxamed Hamza ku jira ayaa halkaas ka baxay.
Hamza ayaa laanta afka Urdu-ga ee BBC u sheegay in si xun loola dhaqmay. Isago iyo muhaajiriin kale ayuu sheegay inay kaalmo weydiisteen doonyo iyo maraakiib xamuulka ee halkaas ka dhawaa balse aysan caawin.
Hadalka Hamza ayaa ka duwan warka ay soo saareen hey’adaha Giriigga oo lagu eedeynayo inay mardambe u gurmadeen doontaan oo muddo halkaas taagneyd.
Hamza waxa uu BBC-da u sheegay in muhaajiriinta la socday doontii degtay ay doonayeen in laga badbaadiyo doonta dageysay balse doonyaha iyo maarkiibta halkaas joogay ay biyo kaliya u soo tureen .
Qaramada Midooay ayaa ku baaqaday in baaritaan lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen.
Hamza ayaa BBC-da u sheegay in biyo iyo doolsho ay maraakiibtu u soo tureen. Maraakiibta ayaa sidoo kale la socday in dadkan ay khatar weyn ku jiraan.
Hamza wuxuu sheegay in doonta uu xili habeen ah ku dhacay Markab weyn.
Arintan ayaa muhiim ah maadama ay yihiin dadkani kuwii ka badbaaday shilka, waxay goobjoog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen.
Labo ilaa saddax maalmood ayey doonta hal meel ku wareegeysay. Naaquudaha doontana waxba lama socon.
Kuwa la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa sheegay in doon dad badan ka buuxeen ay ugu yaraan 7 saacadood taagneyd hal meel ka hor inta aysan degin.
Xogta la xiriirta socodka doonta ayaa shaki gelisay hadalka saraakiisa Giriirgga ee ah inay diideen in la cawiyo.
Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ku adkeysanaya sheegashadooda ah in doonta ay ku sii jeeday Italy oo aysan kaalmo u baahnyn.