El Niño iyo Soomaaliya: Sidee uga badbaadi kartaa uguna diyaar garoobi kartaa duufaannada iyo fatahaadaha?

Hay'adaha caalamiga ah iyo qaarka mid dawladaha Geeskuba waxa ay ka digayaan isbeddel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Meelaha xeebaha iyo dhulka webiyada ee Soomaaliya ayaa ka mid goobaha khatartaas wajihi kara.

Marka taas laga tagana muddooyinkii u danbeeyey isbeddelka cimillada oo adduunka oo dhan ba saamaynaya ayaa laga qaylo dhaamayey.

Haddaba Soomaaliya meelahee duufaantaasi ku wejahan tahay?

Soomaaliya meelaha si gaar ah loo saadaalinayo in ayaa ah dhulka xeebaha ah, si gaar dadka ag dhaw meelaha webiyadu maraan.

Magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha wasaaradda cimillada iyo deegaanka Soomaaliya ay si gaar ah ugu digayso in ay samayn karto.

Sida oo kale magaalooyinkii awel horeba caanka ku ahaa ahaa fatahaadaha iyo daadadka ayaa iyana la saadaalinayaa in ay la kuomi karaan isbeddel cimileedka El Niño.

Maxay tahay in aad samayso?

Dhegeyso wacyigelinta oo la soco xogta u danbaysa: Dadka deggan meelaha khatarta ugu jira waxaa ugu mudan ee lagu taliyo ayaa in ay heleen xogta isla mar ahaantaana la socdaan baaqyada wararka ee ka imanaya dawladda iyo haayadaha ay khusayso.

Ka bax gurigaaga haddii aad areento in ay khatar tahay: Haayadda Ttravel insurance ayaa ku doodaysa in qofku kolka uu ogaado in dhismuhu khatar yahay ay lagama maarmaan tahay in uu ka baxo.

Sii qaado waxyaalaha muhiimka haddii aad ka baxdo gurigaaga: Haddii ay qasab noqoto in aad ka baxdo gurigaaga, sida ay soo jeediyeen waaxda ka hortagga masiibooyinka ee Maraykanka, isku day in aad sii qaadato qalabyadan muhiimka ah:

  • Saddex maalmood oo cunto iyo biyo ah
  • Daawooyinka muhiimka ah
  • Toosh
  • Baytariyada dabka
  • Lacag
  • Qalabka gargaarka degdega ah ‘haddii aad haysato’

Calaamadayaso goobta badbaadada: Haddii ay kugu qasabto in aad guurto ama ka baxdo hoygaagii waa in ay kuusii qorshaysnaataa halka aad aadi doonto, si aanay marka u danbaysa xaalad lama filaan ahi kuu qabsan.

Khatarta kadib maxay tahay in aad ka digtoonaato?

Mar haddii aad ogaato in duufaantii ama daadadkii ku barakaciyey ay yaraadeen, dadkuna ay awoodaan inay guryahooda ku laabtaan, waxaa weli jira tiro khatar ah, sida ay saraakiishu Maraykanku kula taliyeen dadkooda.

"Ka fogow in aad dhex mushaaxdo biyaha daadadka ah, kuwaas oo ka koobnaan kara qashin khatar ah. Xadhkaha korontada oo khatar keeni kara," Sidaas ayay ka digtay haayadda reer Maraykank Ready Campaign.

Waxa kale oo ay ku talisaa xidhashada dharka loogu talagalay in wax lagu nadiifiyo marku qofku hagaajinayo gurigiisii iyo goobaha ka agdhaw. .

“Iska ilaali in aad ku dhaawacanto xaalad aad keligaa tahay," ayuu yidhi Mr Joseph.

"Adeegyada taleefoonka gacanta waxaa laga yaabaa inaysan shaqeynin markaa waxaa muhiima in aad ahaataan gu yaraan laba qof noqoto si haddii ay wax dhacaan qofka kale uu kuu raadiyo gargaar” ayuu qabaa khabiirkan arrimaha deegaanka iyo khatarata ee reer Maraykankan.

Sida oo kale waxa iyana muhiim oo haayadda PRC ee Maraykanku ku talinaysaa in wax kasta oo khatar ah oo aad aragto xilliyada daadadka iyo duufaannada in aad ogaysiiso booliska iyo maamulka magaalada waa haddii ay kaa ag dhaw yihiin, haddii kale in aad isku deydo in ka fogaato khatarahaas.