Maxay tahay lacagta cayrta ah ee uu Ingiriiska ka joojinaya dhalinyarada, sidee ayayse Soomaalida u saameyneysaa?

Dalka Ingriiska dhalinyaradii diida in ay shaqeystaan ayaa wajihi doona in laga jaro kaalamda gunooyinka ama lacaga Cayrta, sida ay sheegtay xoghayaha shaqada iyo hawlgabka.

Liz Kendall ayaa u sheegtay BBC-da in dowladdu ay siin doonto dhalinyarada fursad ay kaalmo ku helaan ama ay wax ku bartaan.

"Dllainyarada waxaa looga beddelan doonaa fursadahaas cusub in dhallinyaradu ay la yimaadaan mas'uuliyad ay ku qaataan fursadahaas," ayay tiri.

Tirokoobka rasmiga ah ee la daabacay horraantii todobaadkan ayaa muujiyay in ku dhawaad hal milyan oo dhalinyaro ah ay ka maqnaayeen waxbarashada, shaqooyinka ama tababarka intii u dhaxaysay bilihii July iyo September.

Marka la eego tillaabooyinka cusub ee dib u habaynta nidaamka daryeelka, "Dammaanad-qaadka Dhallinyarada" ee 18 illaa 21-jirka ayaa ujeeddadiisu tahay in la tababaro dhallinyarada ama dib loogu soo celiyo shaqada.

Kendall oo mar sii horreysay la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in tallaabadan ay xambaarsantahay dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka tababarka si "dad badan ay u helaan fursad lagu tababaro" iyadoo dhalinyarada la siinayo "fursad ay ku shaqeystaan ama wax ku bartaan".

Markii la weydiiyay haddii kuwa aan qaadan dalabyadan in ay lumin doonaan kaalmada, Kendall waxa ay ku jawaabtay: "Haa."

Waxay sheegtay in tani ay wax ka bedeli doonto fursadaha dhalinyarada.

"Haddii aad shaqo la'aan tahay marka aad dhallinyaro tahay taas wax ay ku keeni karta cawaaqib xagga nolosha ah marka loo eego rajadaada shaqo ee mustaqbalka iyo kartida aad ku heli karto."

Qoraal uu ku soo qoray Mail on Sunday, Ra'iisul Wasaare Keir Starmer ayaa ballan qaaday in dib u habeynta faa'iidooyinka ay la dagaallami doonto "dambiilayaasha" ee "ciyaarta nidaamka".

Kendall ayaa BBC-da u sheegtay in ay aaminsantahay in ay jiraan dad shaqayn kara laakiin diiday in ay sahqeeyaa, waxa ay sheegtay in ay u malaynayso in dadkani ay "ku jiraan kuwa laga tiro badan yahay" ee ah dadka cayrta qaata.

Hoos u dhaca dhaqaale ayaa si degdeg ah u kordhay tan iyo markii uu dhacay cudurki Safmarka ahaa ee faafay. Hadda waxaa jira 9.3 milyan oo qof oo aan shaqo la’aan ah ama aan shaqo raadsan - waxay tirade korortay 713,000 tan iyo safmarkii 'Covid'.

Ku dhawaad saddex milyan oo qof ayaa shaqo la’aan ku ah caafimaad darro awgeed, taas oo 500,000 oo qof korortay tan iyo 2019kii.

Mar wax laga waydiiyay sare u kaca dadka dalabanaya lacagaha ceeyrta ah sannadihii la soo dhaafay, Kendall waxa ay sheegtay in dadka qaar ay "si iskood ah isku-baareen" kuwaas oo sheeganaya in ay qabaan dhibaatooyinka caafimaad oo xagga dhimirka, iyo sidoo kale kuwa "dhakhaatiirtu sheegeen" - laakiin waxa ay intaas raacisay inay jirto "dhibaato dhab ah" oo caafimaadka maskaxda ah Ingiriiska.

Dadak ajaanibta ah ee deggan UK oo ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa ka mid ah dadka uu saameynta ku yeelanayo go’aankani, gaar ahaan dhallinyarada.

Maryan Axmed Jaamac oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee UK, ayaa qabta arinkani in uu saameyn ku yeelan doono dhallinayarada Soomaaliyeed UK , waxa ay sheegtay in hadda UK ay ka hadleyso in la jarayo lacagaha cayrta laakin laga yaabo in qaanuunkaasi uu soo baxo mar dhaw oo uu dhaqan galo.

Maryan ayaa sheegtay in dallinyarada ay horrey u haysteen mashaakiil badan oo ay ka mid yihiin in qaarkood ay xabsiyo ku jiraan. Waxay sidoo kale sheegtay in loo baahnyahay in Soomaalidu ay noqoto bulsho adag sida bulshooyinka kale sida Pakistaanta , qoysaskana loo baahanyahay in ay noqdaan qoys adag oo ilamahooda ka warqabo.

“Arintan jarista kaalamada ayaa saameyn ku yeelan karto sidii jaalliyadahu ay u kaalmenyn lahaayeen dhallinyarada maadaama laga yaabo in aanay helin lacagihii ay adeegaasi ku qaban lahaayeen”, sdia ay sheegtay Maryan.

Xoghayaha guriyeynta ee xisbiga Mucaardka Kevin Hollinrake ayaa sheegay in tirada dadka sii kordheysa ee shaqada uga maqan caafimaad darro awgeed ay tahay " xaaalad ay inta badan sababtay masiibada masibadii samarka".

Waxa uu sheegay in dowladdii horre ay "wax ka qabataya wuxuuna soo dhaweeyay in diirada ay saaraan arintan xisbiga shaqaaluhu, laakiin waxa uu intaas raaciyay: "Waxa aan rabaa in aan hubiyo in ay sameeyaan arimaha saxda ah halkii ay ku hadli lahaayeen uun hadalawanaagsan."