Nin xaday qalfooftaan 60 sano ka hor ayaa haatan iska soo celiyay

Xigashada Sawirka, St Stephen's Cathedral
"Ma ahan wax aad filaneyso," ayuu yiri Franz Zehetner, oo furay baakad xiran oo lagu soo hagaajiyay ciwanka kaniisadda St Stephen's Cathedral ee ku taalla Vienna kaas oo markii uu furayba indhaha ku dhuftay qalfoof ku dhex jirta.
Ninkaan oo kaydiyay waxyaabaha qadiimigaha ee goobta ayaa qirtay in uu la yaabay baakadaan, laakiin waxa uu sheegay in ay la socotay baakadaan warqad sharracaysa sida wax u jiraan.
Nin jooga waqooyiga Jarmalka ayaa sheegay in uu qalfoofta madaxa xaday isaga oo da'yar oo dalxiise ah 60 sano ka hor, haatanna uu doonayay in uu dib u soo celiyo.
Waxa uu qaatay qalfoofta mar la tusinayay qabuuro ku yaalla kaniisadda hoosteeda halkaas oo lagu duugay haraaga jirka ee ilaa 11,000 oo qof oo la aasay Qarnigii 18-aad.
Ninkii xaday qalfoofta oo damiirkiisu ka xun yahay sida wax u dhaceen ayaa warqaddiisa ku sheegay sida uu doonayo in uu naftiisa ula heshiiyo oo uusan dambi u dareemin maadaama uu soo gaaray gabagabada noloshiisa.
"Kadib markii uu faahfaahiyay arrinta, waxa ay ahayd mid dareenka qofka taabaneysa in qofi uu doonayo in uu wax ka beddelo fal dhallinyaranimo ay u geysay," Franz Zehetner ayaa u sheegay BBC. "Sidoo kale in uu si taxadar leh u ilaalin jiray qolfootaan sanadahii uu hayay - inkasta oo ay ka soo horjeedo shuruucda in qalfoof la haysato - halkii uu iska tuuri lahaa isaga oo aan kala jeclayn waa uu hayay."
Ma cadda cidda ay tahay qofka madaxiisa uu dalxiisuhu u qaatay gurigiisa oo uu intaas oo sano haystay.
Inkasta oo qaar badan oo ka mid ah haraaga maydadkan la duugay ay ka yimaadeen waqti haatan laga joogo 40 sano kuna beegan qarnigii 18-aad, xubnaha qoysaska sare ee Vienne ayaa sidoo kale lagu aasay qaybta hoose ee kaniisadda wayneed ee hore.













