Maxaa ka jira in kooxo Islaamiyiin ah ay qarka u saaranyihiin in ay la wareegan dalka Mali?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali ayaa beeniyay sheegashooyinka ah in kooxaha jihaadiyiinta ay dhowaan qabsan doonaan caasimadda, isagoo sheegay in arrintaas aysan macquul ahayn. Tani waa hadalkii ugu ballaarnaa ee dowladdu ka bixiso walaacyada amni ee sababay in dalal reer Galbeed ah ay ku dhiirrigeliyaan muwaadiniintooda inay dalka ka baxaan.

Mali oo ah dal aan bad lahayn oo ku yaalla Galbeedka Afrika, ayaa weli dagaal kula jira kooxo xiriir la leh al-Qaacidda. Bishii Sebteembar, kooxahan ayaa ku dhawaaqay waxa ay ugu yeereen xannibaad shidaal, taas oo sababtay safaf dhaadheer oo ka samaysmay saldhigyada shidaalka ee caasimadda, isla markaana si ku-meel-gaar ah u xiray dugsiyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee kooxda Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa walaac ka abuuray caalamka, iyadoo laga baqayo inay isku dayaan inay maamul gacanta ku dhigaan dalka oo dhan.

Ururka Midowga Afrika ayaa Axaddii ku baaqay in si degdeg ah loo helo jawaab caalami ah oo lagu xakameeyo xaaladda amni ee sii xumaanaysa, halka dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaaniga ay dadka ay u dhasheen ugu baaqeen inay dalka ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay jiraan walaacyo, haddana dugsiyo badan ayaa toddobaadkan dib u furmay, waxaana magaalada Bamako lagu qabtay carwo difaac oo ay ka qaybgalayaan shirkado Turki ah.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo lagu qabtay bandhigga difaaca fiidkii Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdoulaye Diop ayaa sheegay in Mali si guul leh u yareyneyso saameynta xannibaadda shidaalka, isla markaana aaney JNIM "awood u lahayn" in ay u babac-dhigaan ciidamada ammaanka.

Wuxuu yiri: "Waxaan aad uga fog nahay sawirka la idinku sawirayo bannaanka, ee la leeyahay argagixisadu way soo dhowdahay, waxay joogaan Bamako, waxay doonayaan inay qabsadaan meeshan arrintaas ma jirto."

Kuwa saadaalinaya arrintaas "waa inay ka soo toosaan riyadooda," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada xannibaadda shidaalka ay ahayd in la abuuro kacsanaan bulshada dhexdeeda ah oo horseedi lahayd in la afgembiyo dowladda militariga ah ee talada haysa tan iyo afgembiyadii 2020 iyo 2021.

Diop sidoo kale wuxuu sheegay in baaqa Midowga Afrika ee ku aaddan jawaab caalami ah — oo ay ku jirto wadaagista sirdoonka — uu muujinayo in aan si dhab ah loo fahmin xaaladda dhabta ah ee dalka.

Wuxuu sheegay inuu ixtiraamayo "go'aanka dalalka qaar ee dadka ay u dhasheen uga codsaday inay ka baxaan Mali," balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalka weli "soo dhoweynayo ajaanibta."

Dowladaha militariga ah ee Mali, Niger, iyo Burkina Faso ayaa dhawaan ka baxay ururka gobolka ee ECOWAS, waxayna xiriirkii siyaasadeed iyo milatari ee ay la lahaayeen dalalka reer Galbeedka u rogeen dhinaca Ruushka.

Diop wuxuu sheegay in xiriirka Mareykanka uu soo hagaagayo xilligan maamulka Trump iyo in labada dal ay ku jireen "wadahadal" ku saabsan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha, iyada oo aan faahfaahin laga bixin.