'Weji bucbuc ah oo dhalaalaya' - sababta ay dadka caanka ah ugu dhaartaan shahwada kalluunka

- Author, Ruth Clegg
- Role, Weriyaha Caafimaadka iyo Fayoobi-qabka
Sanado badan oo aan weriye ahaa, waligey ma aanan filayn inaan qof weydiinayo sida ay u dareemayso in shahwada kalluunka looguaduro wajigeeda.
Haddana, halkan ayaan joogaa.
Abby Warnes waxay ku jiiftaa kursi weyn oo madow oo barkimo la geliyay, gudaha xarun yar oo is qurxinta ah oo ku taal Koonfurta Manchester.
Waxay gariireysaa xilli cirbad yar si tartiib ah looga gelinayo dhabannadeeda.
"Auuch… auuch," ayay tiraahdaa.
Waa inaan caddeeyo in Abby, oo 29 jir ah, aan dhab ahaantii lagu durayn shahwada kalluunka oo saafi ah.
Qaybta hoose ee wejigeeda waxaa lagu durayaa qaybo yaryar oo hiddo-side ah, oo loo yaqaan polynucleotides, kuwaas oo laga soo saaray shahwada kalluunka salmon.
Maxaa loo sameynayaa? Waxaa yaab leh in DNA-geennu uu aad ugu eg yahay kan kalluunka.
Sidaas darteed, rajadu waxay tahay in jirka Abby uu si wanaagsan u aqbali doono walxahan yaryar ee DNA-ga kalluunka, unugyada maqaarkuna ay aad u shaqeyn doonaan, iyagoo soo saaraya collagen iyo elastin — laba borotiin oo muhiim u ah adkeysiga iyo dhismaha maqaarka.
Abby, ujeeddadeedu waa inay maqaarkeeda nadiifiso, caafimaadkiisana ilaaliso, isla markaana ay daaweyso finan ay sanado badan la dhibbanayd, iyadoo yareyneysa nabarrada iyo casaanka dhabannada.
"Waxaan rabaa in la beegsado meelaha dhibka aan ku qabo," ayay tiri.

Polynucleotides-ka waxaa loo buunbuuninayaa inay noqdaan "mucjisada" cusub ee daryeelka maqaarka, waxaana si degdeg ah u kordhaya caannimadooda kadib markii dhowr jilaa iyo fanaaniin caan ah ay si furan uga hadleen waxa ay ugu yeeraan "is qurxinta wejiga ee shahwada salmon".
Horraantii sanadkan, Charli XCX ayaa sagaal milyan oo dadka ku xiran barteeda Instagram u sheegtay inay dareemayrso in "waxyaabaha ay wejiga ku buuxsatay ay hadda dhammaadeen", waxayna sharaxday inay u gudubtay polynucleotides oo ay ku tilmaantay "kuwo u ek fiitamiinno faa'iido badan leh".
Kim iyo Khloe Kardashian sidoo kale waxaa la sheegay inay aad u jecel yihiin.
Markii wax laga weydiiyay habkeeda daryeelka maqaarka mar ay ka qeyb galeysay barnaamijka Jimmy Kimmel Live qaybtiisii ugu dambeysay, Jennifer Aniston waxay ku jawaabtay:
"Ma aragtaan maqaarkayga quruxda badan ee salmon-ka u ek?"

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddaba, inkasta oo ay ka soo bilowdeen kalluun, ma polynucleotides baa beddelaya daryeelka maqaarka?
"Waxaan ku jirnaa waqti u ek kii Benjamin Button," ayay ii sheegtay Suzanne Mansfield, oo ka shaqeysa shirkadda bilicda ee Dermafocus.
Taas waxaa loola jeedaa filimkii 2008 ee The Curious Case of Benjamin Button, halkaas oo Brad Pitt uu ku jilayay nin aan gaboobeyn oo da'diisu ay dib u socoto. Markuu gaaro sanadaha dambe ee noloshiisa, maqaarkiisu wuxuu u ekaanayaa sida barida ilmaha oo kale.
Inkasta oo saameyn sidan oo kale ah aysan aad u badneyn inay dhici karto, islamarkaana xitaa laga yaabo inay wax yar cabsi geliso, haddana Ms. Mansfield waxay sheegtay in polynucleotides ay waddada u furayaan daryeelka maqaarka ee dib-u-soo-nooleynta.
Daraasado yaryar oo soo badana iyo tijaabooyin caafimaad ayaa soo jeedinaya in ku durista polynucleotides ay ka caawin karto maqaarka inuu cusboonaado — iyadoo aysan kaliya ka dhigayn mid caafimaad badan, balse sidoo kale laga yaabo inay yareeyaan coorcoorka, laalaabka iyo nabarrada.
"Wax kasta oo aan samaynayno, annagoo isticmaalayna warshadaha bilicda," ayay tiri, "waa xoojinta wax uu jirku horeba u sameeyo. Taasina waa sababta ay u yihiin kuwo gaar ah."
Laakiin qiimahoodu aad buu qaali u yahay.
Hal kal-fadhiga durista polynucleotides wuxuu ku kici karaa £200 ilaa £500 – waxaana lagu taliyaa in la sameeyo saddex jeer muddo toddobaadyo ah.
Ka dibna rugaha caafimaadku waxay ku taliyaan in la sameeyo "kordhin" lix ilaa sagaal bilood kasta si loo ilaaliyo muuqaalka.
Markii aan dib ugu soo laabannay rugta is qurxinta, daaweynta Abby ayaa ku dhow in ay dhammaato.
"Hal meel ayaa hartay oo keliya," ayay tiri Helena Dunk, oo ah kalkaaliso bilicda ah oo leh rugta Skin HD.
Waxay sheegtay in polynucleotides ay aad caan u noqdeen 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
"Kala bar macaamiishayda waxay dareemaan isbeddel weyn – maqaarkoodu wuxuu noqdaa mid qoyaan badan leh, caafimaad fiican leh, oo u muuqda mid da'yar – halka kala bar kalena aanay arkin isbeddel aad u weyn. Laakiin weli maqaarkoodu wuu adkaadaa oo wuu cusboonaadaa."
Abby hore ayaa loogu duray meelaha hoosta indhaha qayb ka ah saddex ballamo daaweyn ah oo ay rugta ka qaadatay – waxayna aad ugu faraxsan tahay natiijooyinka ay ka heshay.
Waxaa la siiyay durisyo yaryar oo badan oo polynucleotides ah, taas oo ahayd "hab aad u xanuun badan", laakiin waxay sheegtay inay ka caawisay yaraynta madmadowga meelaha indhaha hoostooda.

Xigashada Sawirka, Charlotte Bickley
Inkasta oo cilmi-baarisyo sii kordhaya oo la sameeyay ay habkan u arkaan is-daawayn ammaan ah oo wax ku ool ah, haddana weli waa mid cusub, waxaana jira khubarro ka digaya in dadka oo ku yaacay ay sababi karto inaan xog badan laga helin.
Dr John Pagliaro, oo ah dhakhtar maqaarka ku takhasusay oo ku sugan Brisbane, Australia, ayaa sheegay in inkasta oo aan ognahay in nucleotides-ku ay door muhiim ah ka ciyaaraan jirkeenna – waa qaybaha dhisa DNA-deenna – haddana waxa uu su'aal ka qabaa in "DNA-ga kalluun la jarjaray" oo wajiga lagu duro ay u shaqayn doonto si la mid ah nucleotides-keenna dabiiciga ah.
"Xog adag oo wanaagsan oo ku filan ma hayno," ayuu yiri. "Aniga oo ah khabiir caafimaad, waxaan rabaa inaan arko ugu yaraan dhowr sano oo cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya badbaado iyo waxtar ka hor inta aanan ku isticmaalin rugtayda. Weli halkaas ma gaarin."
Charlotte Bickley waxay ku tilmaamaysaa u kuur-geliddeeda dunida polynucleotides-ka inay ahayd "albaabka salmon-ka".
Gabadhan 31-jirka ah ee New York ka timid ayaa sannadkii hore daaweynta qaadatay iyadoo u diyaargarowday arooskeeda, si ay u hesho "dhaldhalaal xilliga arooska".
Laakiin Charlotte waxay ku dambeysay infekshan maqaarka ah oo ku dhacay, barar iyo wareegyo madow oo ka sii badan kuwii ay hore u lahayd oo indhaha hoostooda uga yaalla.
"Waxaan helay wax ka soo horjeeda wixii aan rabay," ayay tiri. "Dhakhtarka waan aaminay, laakiin wuxuu iiga tagay nabarro."
Charlotte waxay aaminsan tahay in si aad ah loogu duray indgaha hoostooda, taasoo sababtay fal-celin xun. Waxaa jiri kara dhibaatooyin ku-meel-gaar ah – sida casaan, barar iyo nabarro – balse badanaa waa ku-meel-gaar oo maalmo kadib way iska tagaan.
Mararka qaarkood, dadka qaar waxay yeelan karaan fal-celin xasaasiyad, ama haddii polynucleotides si khaldan loogu duro jirka, waxaa jiri kara khatarro waqti dheer ah sida midab-beddel maqaarka ah iyo infekshanno.
Polynucleotides waxaa si ballaaran looga isticmaalaa UK. Waxaa loo diiwaangeliyay sidii qalab caafimaad oo ay maamusho Medicines Health and Regulatory Authority (MHRA), laakiin looma xakameeyo sida dawooyinka oo kale.
Laguma ansixin hay'adda u dhiganta UK ee Mareykanka, Food and Drug Administration (FDA).
"Mar walba waxaan isweydiinayaa, 'Maxaan ugu dhacay dabinkan?'" ayay Charlotte tiri. "Marka wax iga khaldamaan wejigayga si xad dhaaf ah ayaan fiiro gaar ah ugu yeeshaa."
Waxay ku bixisay kumannaan doollar oo kharashaad caafimaad ah si ay xaaladda u saxdo, laakiin 10 bilood kadib weli waxaa ka muuqda nabarro hoosta indhaha uga yaalla.
"Marnaba dib uma oggolaan doono DNA-ga salmon wajigayga lagu duro," ayay Charlotte tiri, "waligeey."
Ashton Collins, agaasimaha Save Face – urur u ololeeya xeerar adag oo lagu maamulo warshadaha bilicda isla markaana maamula diiwaan dawladdu ansixisay oo rugaha bilicda UK lagu qoro – ayaa sheegay in polynucleotides guud ahaan loo arko daawayn ammaan ah haddii uu sameeyo qof caafimaad ahaan u tababaran, isla markaana calaamadda (brand-ka) polynucleotides-ka la adeegsadayo ay ka timaaddo shirkad sumcad leh.
"Laakiin, hadda waxaan aragnaa waxyaabo suuqa soo gelaya oo si habboon aan loo tijaabin – taasi waa waxa na walaacinaya," ayay tiri.
Dr Sophie Shotter, oo ah guddoomiyaha British College of Aesthetic Medicine, ayaa taas ku raacday.
"Maaddaama aysan jirin xakameyn adag, qof walba wuu isticmaali karaa badeecooyin aan si adag loo baarin. Taasi waa dhibaato dhab ah," ayay tiri.
Marka fekerkeeda la eego, wax ku ool ma yihiin polynucleotides?
"Waxaan ku hayaa xarunteyda. Runtii waxaan u soo bandhigaa macaamiisha doonaya muuqaal dabiici ah oo diyaar u ah inay muddada fog muuqaalkooda maal-gashtaan," ayay tiri Dr Shotter.
"Polynucleotides ma aha daawada kaliya ee wax walba xal u ah. Waxaa jira daawayn kale oo badan oo samayn kara wax la mid ah, isla markaana leh xog cilmi ah oo ka badan."
Ma jirto hal daaweyn oo qof walba u shaqaynaysa, ayay ku dartay.
"Jirkeennu si kala duwan ayuu uga jawaabaa daawayn kasta, mar walbana lama saadaalin karo"













