You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabadhii uu ku barbartay dhaqtarka 'lama taabtaanka ah' iyo sida uu nolosheeda ugu dheelay
Leann Sutherland waxay ahayd 21 jir waxayna ka caban jirtay madax xanuun daran, markii mid ka mid ah dhaqaatiirta qalliinka ugu waaweyn dalka Scotland uu usoo bandhigay inuu qalliin ku sameeyo.
Waxaa loo sheegay inay isbitaalka ku jiri doonto maalmo yar isla markaana ay 60% fursad u heysato inay caafimaaddo. Taas beddelkeed, bilooyin ayay isbitaalka ku jirtay markii dhaqtar Sam Eljamel uu ku sameeyay toddobo qalliin.
Dhaqtarkan oo madax u ahaa waaxda qalliinka neerfaha ee Adeegga Caafimaadka Qaranka Britain ee gobolka Tayside ee Scotland, ayaa la sheegay inuu muddo sanado ah dhibaato u geysanayay bukaanno.
Xarunta NHS ee Tayside ayaa sheegtay inay keliya ka war heyso dacwadaha loo heystay laga soo bilaabo June 2013, isla markaana xilligaas baaritaan lagu sameeyay.
Si kastaba, qof ka tirsan NHS ayaa BBc-da u xaqiijiyay in guddiga caafimaadka ay ogaayeen tan iyo sanadkii 2009 in walaac xooggan laga qabay dhaqtarkan.
BBC Scotland ayaa la hadashay ilaa saddex dhaqaatiirta qalliinka ah oo la soo shaqeeyay Eljamel. Saddexdoodaba waxay sheegeen inuu ku jeesjeesi jiray dadka, isla markaana ay usuurtogali jirtay inuu ka baxsado wax walbo isagoo dhibaato u geystay bukaanno.
"Waxaan ahaa doofaarkiisa"
Kahor qalliinkeeda 2011, Leann si buuxda ayay u shaqeyneysay iyadoo dibadda fasax u raaci jirtay saaxiibbadeed, balse madax xanuun ayaa daashaday.
Eljamel, oo loo aqoonsanaa dhaqtarka qalliinka neerfaha ugu fiican Scotland, ayaa u xaqiijiyay inuu caawin karo. Hal qalliin ayuu u sheegay inuu ku sameynayi isla markaana ay maalmo yar kadib guriga aadeyso.
Waxaa kale oo uu u sheegay inuu ka saari doono qalfoof yar oo madaxeeda ka mid ah si cadaadiska xanuunka uga yaraado iyo inuu isticmaali doono nooc cusub oo koollo ah oo u uku daboolo dhaawaca.
"Nasiib-darro, si fiican uma daboolmin wuuna dillaaci jiray dhaawaca," ayay Leann u sheegtay BBC.
"Dhaawaca ayaa dillaacay dheecaanka maskaxda ayaana ku quban jiray dhabarkeyga," ayay tiri.
Leann ayaa sheegtay in hooyadeed ay u tagtay Eljamel kana codsatay inuu xaalkeeda eego, markaas oo haddana qalliin kale lagu sameeyay.
Leann ayaa bilooyin ku jirtay isbitaalka. Waxaa ku dhacay jadeeco iyo xanuunno kale. Leann ayaa haatan ogaatay inuu koollada u adeegsanayay tijaabo uu sameynayay.
"Inuu tijaabo igu dul sameeyo, taasi waa waxa aan sameynayay ," ayuu yiri.
"Waxaan ahaa doofaarkiisa."
Markii Leann ay isku dayday inay shaqaalaha u cabato waxaa loo sheegay in Mr Eljamel uu nolosheeda badbaadiyay. Looma sheegin inuu baaritaan wajahayo, iyo in markii dambe lagu qasbay inuu shaqada isaga tago.
Keliya markii ay aragtay warbixin ay dhowaan sameysay BBc ayay ogaatay inaysan keligeed ahayn.
Saameynta
Leann haatan waa 33. Xanuun joogto ah ayay wajaheysaa. Ul ayay ku taagsataa markay ay soocneyso waxaana ku jirta tubbo - called alagu magacaabo shunt – oo xakameyneysa dheecaanka dhabarkeeda.
"Wax walba way is beddeleen," ayay tiri. "Riyadeyda waxay ahayd inaan sarkaal booliis noqdo taasina weligeed ma dhici doonto.
"Taas ayaan la daalaa dhacaa, inaadan awoodin inaad yeelato xirfaddii aad dooneysay, inaadan saad doonto u noolaan, inaadan carruur dhali karin.
"Waxyaabo badan ayaa la iga qaaday anigoon wax shaqo ah ku lahayn."
Leann waxay ka mid ah tahay 100 bukaan oo doonaya in wax laga weydiiyo dhibka uu Mr Eljamel geystay.
Dhaawaca uu iyada iyo bukaanno kale u geystay waxba lagama qaban karo balse waxay doonbeysaa in waaxda caafimaadka ay qaadato mas’uuliyadda iyo in dhaqtar kale oo qalliin uusan dhibaatadan oo kale geysan.
"Waxaan moodayay inaan keligey ahay, ma ogeyn inay jiraan 99 qof oo kale," ayay tiri.
"Ma garan karo sida uu dhiigga gacmihiisa uga masaxo uuna aayar guriga isag aado."
Qof sirtiisa sheegay
Mr Eljamel ayay NHS Tayside shaqada ka joojisay kaddib qiimeyn bannaanka iyo gudaha oo lagu sameeyay sanadkii 2013 wuxuuna aaday Libya si uu uga shaqeeyo.
Markii ugu horreysay, saddex qof oo la shaqeeyay Mr Eljamel ayaa la hadlay BBC.
Mark, ma aha magaciisa saxda ah, wuxuu sheegay inuu haatan hadlayo sababtana ay tahay inuu ka baqayo in waaxda caafimaadka aysan wixii hore casharro ka baran.
"Markii hore ayaan walaaceyga gudbiyay balse waa lay aamusiiyay," ayuu yiri.
"Qeyb iga mid ah waxay dareemeysaa eed ah inaan waxba sameyn [wax badan] arrinta balse waan cusbaa.
"Waxaa naloo sheegay inaynaan weligeen tababar heleynin."
Wuxuu sheegay in kalkaaliyeyaasha, dhaqaatiirta qalliin ee waaweyn iyo maamuleyaasha ay ogaayeen ugu yaraan in horraantii 2009 uu Mr Eljamel uu joogto uga maqnaa isbitaalka isagoo shaqooyin gaar ah soo qabsan jiray xilli la doonayay inuu bukaanno qalliin ku sameeyo.
Mark ayaa sheegay in si toddobaadle ah uu Mr Eljamel dhaqaatiirta cusub ee qalliinka uu keligood uga tagi jiray inay qalliin ku sameeyaan dhaqaatiir.
"In dhaqtar cusub aad uga tagto inuu qalliin sameeyo adigoo xitaa aan dhismaha joogin waa dayacaad," ayuu yiri.
'Lama taabtaan'
Mark ayaa dib u milicsanaya xilli uu eegayay dhaqtar cusub oo qallliin ku sameynaya bukaanka Mr Eljamel markaas oo dhaqtarkii howsha ku cusbaa uu si kama’ ah u jaray laf-dhabarta bukaanka.
Wuxuu sheegay in dheecaanka dhabarka uu "qubanayay" isla markaana isaga iyo dhaqaatiir kale loo diray inay soo raadiyaan dhaqtar weyn. Bukaanka wuxuu noqday mid gebi ahaanba curyaan ah.
Saddexda dhaqtar ayaa sheegay in Mr Eljamel uu diiday adeegsiga raajada X-rays sababtoo ah wuxuu ahaa nin qallafsan laca ayayna taas u badbaadineysay.
Waxaa loo maleynayaa in sababtaas darteed uu ugu yaraan 70 bukaan qalliin uga sameeyay meel khaldan oo dhabarka ah, taasoo keentay inay curyaan noqdaan.
Mark ayaa aaminsan in mid ka mid ah sababaha uu Mr Eljamel u ahaa "lama taabtaan" ay tahay inuu lacag badan soo gelin jiray waaxda isagoo sameyn jiray mashaariic baaritaan.