'Waan argagaxay markii daldalaadda la igu xukumay waxaanan dareemay xanuun daran'

Rose

Xigashada Sawirka, Rose

Gabar lagu magacaabo Rose Yona Malle ayaa waxay la kulantay imtixaankii ugu waynaa ee nolosheeda markii ay 18 jir ahayd, kadib markii la xiray sanadkii 2012 kii, dhawr sano kadib na lagu xukumay daldalaad.

Dhacdadaas ayaa waxay badashay nolosheedii oo dhan, waxayna dishay riyooyinkeedii, xilligaas ayayna eheed ardayad dhigata koleej.

“Waxaas oo dhan markii ay dhaceen waxay iga badaleen wax badan oo riyooyinkeyga ah, maanta waxaan sameeyo ma ahan wixii aan rabay”, ayay Rose.

Sanadii 2017 kii ayaa laga sii daayay xabsiga, kadib markii ay racfaan ka qaadatay xukunkii lagu riday waxayna ku guulaystay racfaankii iyada oo xabsi ku jirtay tan iyo 2012 kii.

Rose

Xigashada Sawirka, Rose

Sidee kiiskeedu u dhacay?

Waxay ahayd maalin caadi ah oo ay tagaysay koleejkii ay wax ka baran jirtay Rose Malle, waxay u yeeratay mooto laba-lugaaleey ah si ay ugu qaado koleejka ay wax ka baraneysay oo ku yaalay Moshi oo gobolka Kilimanjaro ee dalka Tanzania ku taalla.

Mootoolihii wuxuu qaaday Rose oo geeyay koleejkeedii nabad ah si ay wax u barato.

Iyada oo aan waxba ka war hayn ayaa waxaa maalinkii xigay soo dabagalay boolis waxayna u sheegeen in loo haysto in ay dhaawac u gaysatay mootoolihii maalin kahor geeyay koleejka.

“Balse, maalintii xigtay ee aan koleejka ka tagay waxaa kireystay mootadiisii dad kale dambigana galay,” ayay tiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maadaama Rose ahayd qofkii ugu dambeeyay ee wacay waxay noqotay

“Guriga ayaan imid si la ii xiro, askar badano o hub wadata ayaana yimid, waxaa la ii qabtay sidii inaan ahay burcad wayn oo dhibaato qoyska u gaystay waxaanan dareemay cabsi maadaama ay igu cusbayd”.

Waxaa lagu eedeeyay in ay dhaawac qof u gaysatay kadib laba todobaad oo ay gacanta booliska ku jirtay, ninkii ayaa dhintay kiiskiina waxaa laga badalay dhaawac waxaana laga dhigay kiis dil ah oo aan dabiin lahayn.

Markii baaritaanka la dhameeyay, Rose waxaa la geeyay maxkamad si ay uga jawaabto eedeymaha, waxaa lagu helay dambi markii ay taarikhdu ahayd 28 kii bishii December 2015 kii ayaana lagu xukumay daldalaad.

“Aad ayaan u argagaxay sababtoo ah ma aanan filayn, waxaan dareemay xanuun aanan waligeey dareemin kadib waxaa la igu xukumay daldalaad, jirkayga oo dhan dareenka ayaa ka tagay,” ayay si murugo leh u sharraxday.

Rose waa is dhiibtay, waxayna is tiri nolol intaas ayay kuugu egtahay, waalidkaana dib dambe uma arki doontid, riyadaadiina sidaas ayay ku dhimatay.

Waxaa loo wareejiay xabsi wayn oo ku yaalay Dodoma oo ah bartmaha Tanzania si ay nolosheeda halkaas ugu dhamaysato.

.

Xigashada Sawirka, .

Rose waxay sheegtay in ay nolo adag ku martay xabsiga, taas oo xuus badan ku reebtay nolosheeda. Waxyaabaha ay wali xusuusato ayaa waxaa ka mid ah in ay seexan jirtay afarta galabnimo.

Bishii December ee sanadkii 2017 kii ayaa waxay sheegtay in ay ka guulaysatay racfaankii, waxaana u fududeeyay in racfaan hesho markii hore markii uu xabsiga soo booqday ra’iisul wasaarihii ee dalkaas Minister Kassim Majaliwa, oo doonayay in uu dhagaysto cabashada xukmanayaasha.

Kadib guushaas, waxay markii ugu horeysay muddo lix sano ah oo xabsi ah ay heshay xoriyadeedii.

Rose haatan waa hooyo haysata laba caruur ah, marwana ah.

Ninka qaba iyada waxay isku barteen xabsiga, waxayna sheegtay in uu ahaa hugaamiyaha koox ay wada xirnaayeen.

Ninka ayaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in uu gaystay dhac hubaysan, balse qalad ayay ahayd.

Markii ay xabsiga ka baxaysaba isagu waa uu dhameystay xukunkuusuu.

“Saaxiibo ayaan xabsiga ku ahayn, balse maalinkii la isii daynayay ayuu ii yimid, waxa uuna ii sheegay in uu I jecel yahay uuna rabo inana xaas u noqdo” ayay tiri.

Labadoodiina sidaas ayay isku guursadeen sanadkii 2019 kii.

Hadda waxay hugaamiye u tahay, ururka Maxaabiistii hore ee Tanzania, iyaga oo ka caawiya maxaabiista in ay maskax ahaan u adkaadaan inta ay joogaan xabsiga.

Rose

Xigashada Sawirka, Rose

Baaq ku socda dawladda

Rose waxay ugu baaqaysaa madaxda in ay si joogta ah u booqdaan xabsiyada ayna dhagaystaan cabashada maxaabiista, sababtoo qaarkood ayay caawin kartaa sidaasi.

Sidoo kale waxay ku baaqaysaa in kiisaska la dadajiyo oo racfaanka la dhagaysto.