Gabar yar oo muddo todobo sano ah meel ku xirneed

Gabar siddeed jir ah hooyadeed iyo ayeeydeed ayaa la baarayaa ka dib markii dacwad oogayaasha Jarmalku ay sheegeen in ay ku xirneyd meel muddo7 sano ah.

Ugu dambayntii waxaa laga soo daayay ghalkii ay ku go’doonsnaeed dhamaadkii bishii Sebtembar waxayna hadda ku jirtaaa mid ka mid ah goobaha carruurta lagu xannaaneeyo.

Saraakiisha daryeelka carruurta ayaa sheegay in ay ku dhibtoonayso hawl maalmeedka sida koritaanka jaranjarada guriga ay ku nooshahay.

 Warbixinada arrintaan ku saabsan ayaa sheegaya in aanay waligeed arag kayn iyo duur toona.

Hooyadeed waxay si been abuur ah ugu sheegtay maamulka inay u guureen Talyaaniga.

Laakiin dacwad oogayaasha ayaa sheegay in hooyada iyo waalidkeed ay gabadha ku hayeen halkaas muddo toddobo sano ah. Muddadaas, waxaa la rumaysanyahay, in aanay cid kale la xiriirin, weligeed iskuul ma tagin, dibaddana wakhti kuma qaadan.

Waxay sheegeen inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in jirdil loo geystay ama ay nafaqo darro hayso.

Madaxa waaxda daryeelka carruurta ee deegaanka, Michael Färber ayaa sheegay inay akhrin karto oo ay samayn karto xisaabta, laakiin ay ku dhibtoonayso howlaha kale: "Waa inaan aragnaa sida ay taasi u hirgasho." ayuu yiri Michael Färber.

Hadda waxaa gacanta ku haya waaxda daryeelka cilmu-nafsiga carruurta. Khabiir ka tirsan Ururka Qaranka ee Ilaalinta Carruurta ayaa u sheegay warbaahinta Jarmalka in xaalkeedu uu wanaagsanaan doono gabadha yar.

 Xeer-ilaaliyeyaashu hadda waxay isku dayayaan inay go'aan ka gaaraan waxa dhacay iyo sida ay arrintaan u dhacday. Waxay sheegeen in hooyada iyo ehelka kale ay ka aamuseen kiiskan, isla markaana aysan ilaa hadda u suurtagelin inay sheegaan sababta waxaani u dhaceen.

 Laakiin waxaa la isla dhexmarayaa in hooyadu ay isku dayday inay ilmaha ka fogayso aabbaheed, kaas oo ay kala tageen wax yar ka hor inta aanay gabadhu dhalan.

 Waxa la sheegay in ay ka mamnuucday inuu xiriir la samaeeyo gabadhiisa.

 Mas'uuliyiinta Jarmalka ayaa rumeysan in hooyada ay ka tagtay waddanka iyada iyo gabadheeda.

 Sannadkii 2015, waxay si rasmi ah u sheegtay inay u guurtay dalkaTalyaaniga. Xeer-ilaaliyeyaashu hadda waxay ogaaden in xaqiiqdu tahay , in aysan waligeed hooyada gabadha dhashay aaney ka tegin dalka oo ay la nooleed qaar ka mid ah ehelkeeda, kuwaas oo, u muuqda, in ay ka caawiyeen hooyada in muddo gabadha la qariyo.

 Arrinta gabadhaan yar ayaa soo ifbaxday kadib markii maamulku ay heleen labo xog oo ku saabsan gabadha sanadihii u dambeeyay, balse waxay sheegeen in markii ay baaritaan ku sameeyeen aysan jirin cadeymo sugan oo muujinaya in ilmaha yar lagu hayo guriga hadda laga soo helay.

 Bishii Juune ee sanadkan ayay ahayd markii qoys ay sheegeen inay arkeen gabadha yar, taasoo keentay baaritaan lagu ogaaday in iyada iyo hooyadeed aysan waligood ku noolaan Talyaaniga, taasoo sababtay in la ogaado guriga lagu hayo.

 Awooweyaasheed iyo hooyada ayaa la baarayaa iyadoo looga shakisan yahay xarig iyo xadgudub sharci darro ah. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in hooyadan ay wajihi karto ilaa 10 sano oo xarig ah, balse ilaa iyo hadda wax dambi ah laguma soo oogin.