Waa tuma Fardowsa Cusmaan, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee baarlamaanka looga yeeray balse la baajiyay?

Waxaa la baajiyay Kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanaa in berri oo Axad ah ay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowso Maxamed Cigaal hor-timaado Golaha, si su’aalo looga weydiiyo hakadkii maalmo ka hor ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Dhacdada hakadka duulimaadka ayaa la xiriirtay lacago lagu soo rogay tikidhada rakaabka raaca duulimaadyada gudaha sida ganacsatadu ay la wadaageem warbaahinta.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxamed Cigaal u yeeray ka hor inta aan la baajin kulankaas, sida ay xildhibaanada qaar u sheegeen BBC da.

Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaan xildhibaanada in kulankaan uu berri dhacayo, isla markaana su’aallo looga wayediin doono dhacdadaasi Wasiir Fardowso Maxamed Cigaal.

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63,” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo ay BBC du heshay.

Khalalaasaha ayaa dhacay ka dib markii bartamihii toddobaadkii hore ay duulimaadyada gudaha ee ka bixi jiray garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho laba maalmood hakad ku jireen kaddib markii shirkaddaha diyaaraddaha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu ay isku khilaafeen lacago dheeraada oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Wasaaradda oo BBC du la xiriirtay ayaanan wax jawaab ah ka helin.

Maamulka Ururka Diyaaraddaha ayaa war ay soo saareen ku sheegay in lagu soo rogay qof kasta oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cabdulle ee u socda gobollada wadanka, lacag dhan $9, iyagoo maraya nidaam cusub oo ay dajisay shirkad gaar loo leeyahay oo ay ruqsad siisay wasaaradda duulista hawada. Shirkadduhu waxay sheegeen in ay culeys wayn ku tahay dadka diyaaradahooda raacaya, lacagta dheeraadka ah ee la saaray.

Hase yeeshee markii dambe raysal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa si deg-deg ah arriintan usoo farogeliyay, waxa uuna booqday gudaha garoonka, kadibna amray in la fasaxo dhamaan duulimaadyadii xanibmay.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu intaasku ku daray in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Haddaba waa tuma Fardowsa Cismaan Cigaal?

Siyaasadda

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, waa siyaasiyad Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha wasiiradda ee xukuumadda haatan talada haysa.

Gabadhan oo si dhaqso ah horumar uga sameysay siyaasadda ayaa waxa ay sidoo kale xubin ka tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana laga soo soo doortay Degmada Goldogob, ee Gobolka Mudug.

Waxay Baarlamaanka kaga soo biirtay Puntland, halkaa oo markii la dooranayay ay ka ahayd Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha ,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xilkaas oo ay haysay intii u dhaxeysay 2019 kii ilaa 2022 kii.

Waxa ay haysataa khibrad ka badan 15 sano oo ay u leeyahay Adeegga Bulshada ee Soomaaliya iyo gudaha Maraykanka.

2008 – 2018 waxay ka soo shaqeysay Xiriirka bulshada iyo waxbarashada ee Dugsiyada Dadweynaha ee Minneapolis.

Waxbarshsada

Waxay waxbarashadeeda dugsi sare illaa Jaamacadda heerka labaad ku soo qaadatay dalka Maryekanka.

Waxay haysataa shahaadada labaad maamulka dadweynaha iyo clilmiga siyaasadda oo ay intii u dhaxeysay 2016-2018 ka baraneysay Minnesota State University, oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halka shahaada koobaadna ay Adeegyada Bini’aadanka iyo Maamulka Dadweynaha ka qaadatay.

Waxay shahaadadan ka qaadatay Jaamacadda Metropolitan, ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka intii u dhaxeysay 2011-2015.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa ka falceliyay kulankaan baaqday, waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay go'aanka lagu baajiyay.

"In Golaha Shacabka uu kulan si rasmi ah ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa ee lagu soo rogay, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha", ayuu bartiisa Fcebook ku soo daabacay xildhibaan Cabdiraxmaan.

Ma jiro heshiis rasmi ah oo dhinacyadu ka gaareen xalka arrinka sababay hakadka duulimaadka gudaha todobaadkii la soo dhaafay.