You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Arday Sudan ka timid oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya
Ardaydii ugu horreysay ee ka mid ah ku dhawaad konton arday oo reer Suudaan ah oo deeq waxbarasho ka helay dawladda Soomaaliya ayaa waxbarashadooda ka bilaabaya Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Tirada hadda timid oo gaaraysa dhowr iyo labaatan arday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay deeq waxbarasho siin doonto ardayda dalka dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan, taas oo loogu abaal gudayo deeqihii waxbarasho ee ay sii jiireen Soomaaliya xiliyadii dagaaladu ka socdeen halkaas.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa arintan ka waraystay wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar