"Waxaa kaliya ee aan u dagaallamayo ayaa ah in aan ku badbaado Rwanda"

"Waxaa kaliya ah ee aan u dagaallamayo ayaa ah sidii aan ku badbaadi lahaa" ayuu yiri nin naxsanaa oo uu codkiisa gargariirayay.
Maxamed waxa uu dalkan usoo raadsaday magangalyo, waxa uu sheegay in uu kasoo cararay dalka Itoobiya, halkaas oo uu magangalyo ku joogay ilaa ciidan ka socda dalkiisa ay isku dayeen in ay afduubtaan.
Maxamed waxa uu sheegay in nolosha Kigali ay ahayd mid adag, balse uu aad uga baqayo in dhibaato lagula kaco waa haddii uu la hadlo weriyaha la hadlay, wuxuuna ka codsaday inaysan shaacin magaciisa dhabta ah ama magaca dalkiisa hooyo, marka laga reebo inuu yahay Afrikaan.
Maalmo waxaan isku daynay inaan helno qof magangalyo-doon ah oo ku nool Rwanda si uu noola hadlo.
Mar kasta oo aad ku heshiisaan inay kula hadlaan, ayaa markii dambe waxaa dhacda in la waayo sababtoo ah waxaa halkaa soo booqda 'hoggaamiyaha bulshada' ee goobta ay ku nool yihiin dadka magangelyo doonka ah.
"Waxaan halkan kasoo raadsaday magangelyo" ayuu yiri Maxamed. "Mas'uuliyiinta, maya ma yaqaannaan, waxay nagu dhahayaan berri imow ama bisha dambe soo laabo, muddo sanad ah ayaa kasoo wareegtay welina codsigeyga lama aqbalin".
Weriyaha waxay la hadashay Maxamed oo ka soo horjeestay go'aankii Maxkamadda Sare ee London iyadoo tixgelinaysa sharcinimada qorshaha muranka dhaliyay ee dawladda UK ee ahaa in qaar ka mid ah magangalyo-doonka la geeyo Rwanda, halkaas oo, hay'adda u ololaysa xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ay leedahay, waxaa jira "in dadka la caburiyo,, xarig aan sabab lahayn, si xun loola dhaqmo, iyo jirdil".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ayaa maxkamadda u sheegtay in Rwanda aysan laheyn hannaan hufan oo wax ku ool ah oo qeyb ka ah qaabilaadda dadka magangelyo doonka ah.
UNHCR waxay ka walaacsan tahay in dadka dib loogu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen halkaasoo ay kala kulmi karaan jirddil.
Warbixin ay bishii June soo saartay Qaramada Midoobey waxay walaac ka muujisay hannaanka lagu qaabilayo dadka magangelyo doonka ah, iyadoo dadka qaar ay muddo sanad ilaa laba sano ay ku qaadato in la aqbalo. Maxamed ayaa ku jira xaalad jahwareer ah, halkan kama shaqeyn karo sababtoo ma hesato dokumentiyadii uu ku shaqeyn lahaa.
"Saaxiibbo iyo qaraabo ayaa i caawiya" ayuu yiri, inkasta uu dhaqaale aad u yar ka helo shaqooyin dhif ah.
Wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu isaga tago Rwanda isla markaana uu jeclaan lahaa in uu tego dalal nabad ah sida Canada ama Australia.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale waxaa jira sheekooyin horumar leh oo ku saabsan qaxootiga Rwanda, Teklay Teame wuxuu halkan yimid 25 sano ka hor, wuxuu ka yimid Eritrea sanadkii 1998.
Haatan wuxuu dukaamo iyo xarumo laga dukaameysto ka furtay dalka Rwanda.
Shaqaalihiisa waxay ku howlan yihiin inay badeecado ka dejiyaan gaari xamuul ah oo alaabta u keenay, ayay tiri weriyaha BBC-da, Lebo Diseko oo booqatay dalka Rwanda.

"Markii aan imid halkan, wax kasta wuu igu cusbaa, dadka waddanka wey furfurnaayeen, muddo iguma qaadan in aan dhexgalo, markii hore afar qof ayaa ii shaqeyneysay haatan waxay ka badan yihiin 600 oo qof".
Teklay Teame wuxuu sheegay in Rwanda laga helo fursado waa haddii aad u hoggaansato sharciga.
Wuxuu intaa ku daray in uu garanayo qof kale oo kasoo jeeda Eritrea "oo markii uu yimid halkan uusan waxbo heysan balse markii dambe ay nolol iyo ganacsi halkan ka wada bilaabeen".
Marka ay gabadha weriyaha wax ka weydisay , go'aanka dowladda UK ay dadka magangelyo doonka ah ku keeneyso Rwanda, wuxuu ku jawaabay, "Ma garan karo, sababta ay u cabsanayaan, mana arko sababtaas"













