Sida ninkan maalintiisii arooska ay isugu beddeshay tacsi uu ku aasay 16 kamid ah qoyskiisa

Meydka qoyska

Xigashada Sawirka, MAMUN

Qoraalka sawirka, Meydka qoyska

Mamoun waxa uu rajeynayay in maalinta arooskiisu ay qurux badnaan doonto, balse waxay isu beddeshay tacsi iyo tiiraanyo.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa aasay 16 qof oo qoyskiisa ah, kadib markii danab ama biriq ay galaaftay noloshooda, xilli ay ku sii jeedeen xafladda.

Habeenkii arooska ayaa qoyskiisu waxa ay soo xirteen dharkii ugu qurxoonaa oo ay ka mid ahaayeen hidaha iyo dhaqanka iyo suudadka xafladaha, waxa ay soo raaceen doon si ay u tagaan arooska, balse roob xowli ah ayaa billowday intii ay wadada kusii jireen, taas oo keentay in ay istaagaan oo ay gabaad ka dhigtaan goob yar oo u dhow wabiga, halkaas oo ay ugu dhinteen danab kusoo dhacay.

Bangladesh, oo ay haysato xaalado cimilo oo aad u xun iyo duufaanno ba’an, ayaa diiwaangelisa qiyaastii 300 oo dhimasho ah sannadkiiba danab awgeed, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Wiilkan oo 21-sano jir ah ayaa waxa uu isku diyaarinayey arooska, waxaana uu maqlay dhawaqa onkodka, daqiiqado ka hor inta uusan helin warka xanuunka badan.

Mamoun oo ka hadlayay wixii uu arkay ayaa yiri, “Dadka qaar ayaa laabta gelinayay meydadka, dhaawacana waxay la qaylinayeen xanuun, waxaan maqlay caruurta oo qaylinaysa, waan wareeray, ma garaneyn qofka qoyskayga ka tirsan ee aan dhiniciisa aadi lahaa si aan u eego."

Maalintaas, Mamuun waxa uu waayey Aabihii, Awoowayaashii, ayeeyayaashii, adeerro iyo abtiyaal iyo qaraabo kale oo badan.

Mamoun wuxuu yiri: "Markii aan helay meydka aabahay, waxaa igasoo daatay ilmo badan, waxa ayna ahyd xanuun aad u daran”.

Mamoun markii dambe wuu guursaday, laakiin wuxuu sheegay inuusan u dabaaldegin sannad-guurada arooskiisa sababtoo ah taasi waxay keenaysaa xasuus xanuun badan. Ninka dhalinyarada ah ayaa ku daray: "Kadib shilkii naxdinta lahaa, waxaan hadda dareemayaa cabsi badan oo aan ka qabo roobka iyo onkodkaba."

Mamoun

Xigashada Sawirka, Mamoun

Qoraalka sawirka, Mamoun oo waayay 16 qof oo kamid ah qoyskiisa

"Kuleylka caalamiga ah, isbedelka deegaanka iyo qaab nololeedka ayaa ah dhammaan arrimaha keenay kororka tirada dhimashada ee danabka," Agaasimaha guud ee waaxda maareynta masiibooyinka ee Bangladesh Mohammad Mijanur Rahman ayaa u sheegay BBC.

Inta badan dhibanayaasha danabku waa beeraley, kuwaas oo la kulma xilliyada ay ka shaqeynayaan beeraha, gaar ahaan xilliyada roobabka dayrta ee guga iyo xagaaga.

SALMAN SAEED

Xigashada Sawirka, SALMAN SAEED

Qoraalka sawirka, Dharka uu danabku googooyay

Sawirka kore, waxaa shaar googo’ay oo ka laalaada xayndaab alwaax ah.

Abdullah, oo ah dhibane danabku ku dhacay, ayaa xirnaa shaarkan markii, bishii May ee la soo dhaafay, uu aaday beeraha si uu u qabto shaqadiisa caadiga ah ee maalinlaha ah ee beeralayda.

Rehana, oo ah xaaska Abdullah muddo 30 sano ah, ayaa ka hadashay wixii dhacay maalintaas.

Rehana waxay sheegtay in uu yaallo dalaggii Cabdullaahi, oo uu goostay maalin ka hor dhimashadiisa.

Lammaanaha ayaa dhawaan helay deyn si ay u dhistaan qol labaad si ay u ballaariyaan gurigooda.

"Baqdin aad u weyn baa i qabata, haddii aan daruur samada ku arko," ayay raacisay, iyadoo ilmadu ka buuxdo indhaheeda.

Danabka ayaa sidoo kale ah walaac sii kordhaya oo ka jira wadamada kale oo ay ku jiraan Hindiya, laakiin tirada dhimashada ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib markii dhowr qorshe oo wacyigelin ah laga bilaabay halkaas.

Danab

Xigashada Sawirka, SALMAN SAEED

Qoraalka sawirka, Danab

Mid ka mid ah caqabadaha haysta Bangladesh ee arrintan ku saabsan waxaa ka mid ah shabakadda isgaarsiinta oo daciif ah iyo la'aanta isticmaalka taleefoonnada gacanta, meelaha ay dadku ugu badan yihiin khatarta.

Nin beeraley ah oo lagu magacaabo Rebon Xuseen oo maalintii uu dhintay Cabdullaahi la socday, ayaan waligiis maleysan qaabka uu wax u dili karo danabka oo meel aad ugu dhow wax ku dilay.

"waxay u egtahay buur dab ah oo nagu soo dhacday. Waxaan dareemay koronto weyn oo dhulka ah."

Waxa uu intaa ku daray: "Muddo kadib, waxaan indhaha kala qaaday oo arkay in Cabdullaahi dhintay."

Wuxuu yiri: "Waan ooyaa mar kasta oo aan ka fikiro saaxiibkay Cabdullaahi, markaan indhaha isku qabto habeenkii, dhammaan xusuusta maalintaas waxay ku soo noqotaa indhahayga hortooda, nafteyda waxa ay dareentaa welwel weyn.”