Masar oo markii ugu horreysay soo bandhigtay agabkii lala aasay mid ka mid ah boqorradii Faraaciinta

Tutankhamun

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Yolande Knell
    • Role, Middle East correspondent
    • Reporting from, in Cairo,
    • Author, Wael Hussein
    • Reporting from, in Cairo

Meel ku dhow mid ka mid ah Lixda Mucjiso ee Aduunka ee Qadiimiga ah – Xabaasha Weyn ee Khufu ee Giza ee dalka Masar waxa si rasmi ah looga furayaa xarunta dhaqanka oo xilligan noqonaysa mid ka mid ah kuwa ugu casrisan.

Maktabadda weyn ee lagu kaydiyo aasaarta ee dalka Masar oo lagu tilmaamay in uu yahay xarunta cilmi-baarista taariikhda adduunka ayaa waxa ka buuxda ku dhawaad 100,000 oo agabyo taariikhi ah oo laga soo ururiyay taariikh soo taxnayd ku dhawaad toddobo kun oo sano.

Waa taariikh ka soo bilaabanaysa xilliyadii ka horroysay dhismayaasha boqortooyo ilaa xilliyadii Giriigga iyo Roomaanka.

Cilmi-baadhayaasha Masar ee caanka ah waxay ku doodaan in furitaanka xaruntani ay xoojineyso dalabkooda ah in qaar ka mid ah asaartii qadiimiga ahayd ee Masar ee yaalla dalalka kale dib loogu celiyo. Waxyaabahaas waxa ka mid ah Dhagxaanta Rosetta ee caanka ah ee lagu soo bandhigay Matxafka Ingiriiska.

Mid ka mid ah waxyaabaha layaabka leh ee dadka soo jiitay waxa ka mid ah dhammaan agabyada ku jira xaabaaalaha duugoobay ee Tutankhamun. Waxa ka mid ah maaskii dahabka ahaa ee Tutankhamun, kuraasta boqortooyada iyo gaadiidka dagaalka.

Dr Tarek Tawfik
Qoraalka sawirka, Dr Tarek Tawfik

"Waxaan u baahday in aan ka fikiro, qaab kale oo aan u soo bandhigno oo ka duwan sidii hore loo samayn jiray, maaddaama tan iyo markii la helay xabaasha sannadkii 1922-kii oo ku dhawaad 1,800 oo shay oo ka mid ah guud ahaan in ka badan 5,500 oo ku jiray xabaasha ayaa la soo bandhigay," ayuu yidhi Dr Tarek Tawfik, Guddomiyaha Ururka Caalamiga ah ee Cilmi-baadhayaasha Masar iyo madaxa hore ee xaruntan.

"Waxaan fikrad ahaan soo jeediyay in la soo bandhigo xabaasha oo dhan, taasi oo macnaheedu yahay in aanu kaydka waxba ku hadhin, islamrkaana aan waxba lagu reebin matxafyada kale, waxaana qof kastaa heli karaa khibrad dhammaystiran, sida Howard Carter uu sheegay in ka badan boqol sano ka hor."

Qiimihiisu wuxuu gaadhayaa ku dhawaad $1.2 bilyan (£910m; €1.1 bilyan), waxaana la filayaa in xarunta weyn ee matxafka ay soo jiidato ilaa 8 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkiiba, taasi waxay kor u qaadaysaa dalxiiska Masar.

"Waxaan rajaynaynaa in Matxafka Weyn ee Masar uu horseedo xilli dahabi oo cusub oo wax wanaagsan u noqda cilmiga Masaarida iyo dalxiiska dhaqanka," ayuu yidhi Axmed Seddik, oo ah isuduwaha iyo cilmibaadhe Masri ah

"Marka laga reebo bandhigga Tutankhamun iyo bandhig cusub oo ah qabri kale oo ay ku jiraan aasaar qadiimi ah, waxa kale oo cajiib ah Khufu oo 4,500 sano jir ah. Waa mid ka mid ah markabkii ugu da'da weynaa uguna mudnaa kuwa aasaarta sida wacan loo ilaaliyay ee quruumihii hore – inta badan matxafyadan ayaa dadweynaha u furnaa tan iyo sannadkii hore."

Ahmed Seddik
Qoraalka sawirka, Ahmed Seddik
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalxiise British ah ayaa sheegtay in ay hore u aragtay bandhigyada Tutankhamun ee lagu soo bandhigay Matxafka Masaarida ee neoclassical-ka ah ee ku yaal Suuqa Taxriir ee mashquulka badan.

"Matxafka hore wuxuu ahaa mid aad u cakiran, waxaana uu u muuqday muid waxoogaa isku dhex daadsan," ayay ku tidhi. "Waxaan rajaynayaa in Matxafka Weyn uu aad u sahlanaan doono oo ay macquul noqon doonto in si wanaagsan loo booqdo, waxaana u maleynayaa in aad wax badan ka faa'iidi doonto."

Matxafka cusub waa mid aad u weyn, isagoo dhererkiisu gaadhayo 500,000 mitir laba jibbaaran (5.4 milyan ft²) – ku dhawaad cabbirka 70 garoon oo kubbadda cagta. Dibadda matxafka waxaa ku daboolan qoraallo iyo waxyaabo kale oo u go'an sidii saddexagalka, iyada oo albaabkuna uu u qaabaysan yahay sidii ahraamta Masaarida.

Fikradda matxafka waxaa markii ugu horreysay la soo jeediyay sannadkii 1992-kii, intii uu xukunka hayay Madaxweyne Xusni Mubaarak, waxaana dhismaha la bilaabay sannadkii 2005-tii. Sida qiyaasayo, dhismahu wuxuu hadda qaatay muddo ku dhawo mid la mid ah tii Ahraamta weyn ee Giza.

Aasaarta Boqorraddii hore ee Masaarida

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aasaarta Boqorraddii hore ee Masaarida

Mashruucu wuxuu la kulmay dhibaatooyin dhaqaale, Kacdoonkii Guga Carabta ee 2011-kii – kaasi oo xukunka lagaga tuuray Mubaarak kuna sababtay sannado burbur ah iyo qalalaase – safmarkii Covid-19 iyo dagaallo gobolka ka dhacay ayaa iyaguna noqday caqabad kale.

"Waxay ahayd riyadayda. Aad ayaan ugu faraxsan ahay in matxafkan ugu dambeyntii la furay!" ayuu Dr. Zahi Hawass, oo ahaa wasiirkii muddo dheer ka soo shaqeynayay dalxiiska iyo hiddaha Masar u sheegay BBC-da. Khabiirku wuxuu sheegay in matxafku muujinayo in Masaridu ay la siman yihiin khubarada shisheeye marka laga hadlayo qodista, ilaalinta taallooyinka, iyo maamulka matxafyada.

Dhagaxa Rosetta oo la helay sannadkii 1799-kii ayaaahaa mid ay heleen ciidammo Faransiis ah. Waxaana Ingiriisku markii dambe ku qaatay dhaxal dagaal. Koox Faransiis ah ayaa jaray Dendera Zodiac, oo ah khariidadda cirka u eg ee Masaarida ee qadiimiga ah, waxayna ka qaadeen qaadeen macbadka Hathor ee Masar, sannadkii 1821-kii. Masar waxay ku eedeysaa khubarada dhaxalka Jarmalka in ay si sharci-darro ah dalka uga soo saareen sawirka midabaysan ee Nefertiti oo ahaa xaaska Faraaci Masari ah oo la odhan jiray Akhenaten, in ka badan boqol sano ka hor.

Dendera Zodiac

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dendera Zodiac

Mas'uuliyiinta Matxafka Ingiriiska ayaa BBC-da u sheegay in aanu helin "wax codsi rasmi ah oo ku saabsan soo celinta Dhagaxa Rosetta oo ay leedahay Masar."

Khubarada Masar ee aasaarta qadiimiga ah ayaa muujinaya farxaddooda ku aaddan in matxafkan cusub uu noqdo xarun cilmi-baadhis iyo aqooneed oo horseedaysa helitaanka waxyaabo cusub.

Marar hore ayaa Masaridu ay dib us oo celisay walxo uu lahaa Tutankhamun, oo ay ku jiraan hubkiisa cajiibka ah. Sida ku xusan qaanuunka Masar, dib-u-habeynta noocan oo kale ah waxaa sameyn kara oo keliya Dadka Masaarid ah.