Daawo: Warbaahinta ay dumarka keliya ka howlgalaan ee abaalmarin caalami ah u sharraxan

Qoraalka Muuqaalka, Waa warbaahin ay keliya ka shaqeeyaan dumar
Daawo: Warbaahinta ay dumarka keliya ka howlgalaan ee abaalmarin caalami ah u sharraxan

Soomaaliya waxaa sanadkii hore laga hirgaliyay markii ugu horreysay warbaahin loogu magac daray Bilan oo maqal iyo qoraal ah oo diiradda lagu saarayo warrarka la xiriira haweenka iyo xadgudubyada loo gaysto.

Barnaamijka warbaahintan dhammaantii dadka ka shaqaynaya waa dumar, laga bilaabo tifafaftiraha, soo saarayaasha iyo weriyayaasha warbixinnada sameynaya.

Barnaamijkan oo ay maalgalinayso hay’adda horumarinta qaramada midoobay ee UNDP ayaa si gaara loogu eegi doonaa warbixnada adag iyo kuwa jilicsan ee saameeya dumarka.

Haatan ayay u sharraxan yihiin abaalmarin caalami ah.