Geerida iyo shaqsiyaddii gabar ka tirsaneyd Weriyeyaasha Soomaalida ah ee BBC-da

Xigashada Sawirka, BBC Media Action
Waxaa maanta magaalada Hargaysa lagu aasay AUN saxafiyad Safiya Cali Yuusuf oo ka mid ahayd weriyeyaasha BBC Media Action ee ka howlgala magaaladaasi.
Xalay ayaa isbitaalka loo geeyay xanuun la oran karo wuu kusoo booday, inkastoo muddooyinkii dambe ay bukaan socod ahayd, sida ay soo tebiyeen saaxiibbada kale ee BBC-da ee ku sugan Hargeysa.
Saaka aroortii ayay ku geeriyootay isbitaalka oo xaaladdeeda lagula tacaalayay.
Ka hor inta uusan xanuunkan kusoo boodin, shalay waxa ay ku jirtay shaqada BBC-da, waxayna ka rawaxday 4-tii galabnimo, iyadoo xilligaas u muuqatay qof aad u caafimaad qaba.
Safiya ayaa muddo dheer u shaqaynaysay BBC-da, waxaana ay soo saari jirtay oo ay tebin jirtay barnaamijyada hay'addaas ay samayso ee ka baxa laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda iyo idaacadaha maxalliga qaarkood.
Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ay si dhow u wada shaqayn jireen marxuumadda tan iyo intii ay u shaqaynaysay BBC Media Action ayaa ka qeyb galay aaskeeda.
"Gabadh saxafiyad ahayd, oo ka mid ahayd dadka qaaliga ku ahaa saxaafadda Soomaalida, Safiya Cali Yuusuf, ayaan maanta xabaalaha masallaha ee ku yaalla koonfurta magaalada Hargeysa ku aasnay," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Radio Hargaysa
Safiya ayaa ifka uga tagtay shan carruur ah oo isugu jira afar wiil iyo hal gabadh. In muddo ah ayay carruurteeda ku korineysay agoontinnimo, kaddib markii uu aabohood dhintay tobaneeyo sano ka hor.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabdullaahi waxa uu ka sheekeeyay shakhsiyaddeeda iyo shaqadeeda saxaafadeed.
"Sanadkii 1992 ilaa maanta waxaan is ag joognay Safiya oo intaas saxaafadda ayaan ku wada jirnay. 7 sano iyo bilo ayay nala joogtay xafiiska BBC Media Action ee Hargeysa, oo ay ka ahayd farsama-yaqaan, barnaamij soo saare iyo barnaamij tebiye.
"Safiya waxay ahayd mid ka mid ah hablaha Soomaalida ugu waayo aragsan. Waxay ka mid tahay hablihii ugu horreeyay ee ka howl-galay Radio Hargeysa. 1986-kii ayaa la ii sheegay in ay billowday shaqadii Radio Hargeysa."
Markii uu dhacay burburkii, waxa ay ka howlgashay Raadiye kale oo ay lahaayeen dhaqdhaqaaqii kasoo horjeeday dowladdii kacaanka.
Kaddib waxay dib ugu laabatay shaqada Radio Hargeysa.
"Toddobadii sano ee ugu dambeysay ayay BBC-da la shaqeyneysay, waxayna ahayd qof aad iyo aad shaqada daacad ugu ah, u jecel, shaqadeeda ka adag, dadku wada jecel yihiin, aqlaaq badan, salaad badan. Waxaad ka garaneysaa in la wada jeclaa in maanta aaskeeda aan loo kala harin."










