Wariyeyaal "tacaddi ba'an" loogu geystay Muqdisho

Suxufiyiinta ka howl gala Soomaaliya ayaa dhawaanahan lagu soo warramayaa iney heysato dhibaato la xidhiidhta soo tabinta dhexdhexaadka ah ee wararka dowladda, iyagoo inta badan aysan u suurtoobin inay si madax bannaan u wajahaan.
Badanaa munaasabadaha ay dowladdu qabato ama shirarka kala duwan, wariyeyaashu ma helaan fursad ay si iskood ah ugu tabiyaan.
Waxaa maanta la daah furay mashruuc ay maalgelineyso dowladda Qadar, kaasi oo ah mid waddooyin looga dhisayo inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar.
Daah furka mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay ra'iisul wasaarha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre iyo wafdi ka socda dowladda Qadar.
Hasayeeshee, weriyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay faaf reeb ay shegeen inay ku sameyeen howlwadeenada xafiiska ra'iisul wasaaraha ee dhanka warfaafinta.
Qaar kamid ah weriyeyaasha oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in saacado kahor lagu wargeliyay inay u yimadaan tebinta wararka la xiriira daah furka mashruuca, balse taasi aysan dhicin.
"Walaaca dhinaca xogta helisteeda ah ee aan ka qabno waa walaac weyn oo aan ka muujineyno dhinaca hay'adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra'iisul wasaaraha, waxaa maanta nagu dhacday in aan tegi weyno dhagax dhigga mashruuca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, xalay ayaa nalagu soo wargeliyay in saxaafadda loo kaxeynayo waddadaasi, si ay usoo duubtaan xogaha wararka halkaasi laga sameyn doono, balse ma dhicin in halkaasi aan tagno oo waxaa la yirir wararkaasi waa la ididn soo duubayaa oo waa la idiin soo dirayaa, taasi waxay nagu noqotay caqabad xoog leh oo dhinaca war helidda iyo xogta ku saabsan". Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay weriye Cabdicasiis Ibraahim Okay, oo ka howlgala telefishenka Universal, kana mid ah weriyeyaasha Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Cabdicasiis Ibraahim
Cabdicasiis Ibraahim ayaa sheegay in aysan garaneyn sababata, ayna ahayn markii ugu horreysay oo ay dhacdo arrintan, waxaana uu intaa raaciyay in dhacdadan ugu dambeysay ay ku wargeliyeen dowladda balse ay ka gaabsadeen mas'uuliyiintii ay khuseysay.
"Marar kala duwan oo aan sidan oo kale shirar uga qeyb gali laheyn way na hor istaageen, oo nooma aysan oggolaanin in xog iyo warar fiican aan ka helno magaalaada ama shirarka ay qabanayaan, marka arrintaa iyada ah, weriyeyaasha ku sugan magaalada Muqdisho aad ayay baryahan dambe ugu noqoqtay caqabad", ayuu yidhi.
Weriyeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in wararka loo soo diro aysan aheyn kuwo dhameystiran oo tifaftiran, sidoo kalena aysan isu dheelli tirneyn, dowladduna ay dooneyso in sida ay rabto wax loo tabiyo.
Sidoo kale waxaa jirta in maanta magaalada Muqdisho ciidammada dowladda ay "ku dhibaateeyeen" labo wariye oo ku howlanaa shaqa maalmeedkooda.

Labada suxufi oo lagu kala magacaabo Seed Qarafaan iyo Cabdullaahi Daahir ayaa horay uga shaqeyn jiray warbaahinta madaxa bannaan, iyagoo markii dambena sameystay baro xiriirka bulshada ah oo ay wararka kusoo tabiyaan.
Cabdiqaadir Faarax Dulyar oo ka mid ah Suxufiyiinta rug caddaaga ah ee Soomaaliyeed ayaa noo xaqiijiyay dhacdada wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay tacaddiga maanta loo geystay labada wariye.
"Labada wiil waxay ahaayeen suxufiyiin duubanayay waddooyinka xirnaa saaka, ka dib ciidamada dowladda ayey is arkeen, markaas ayaa labadoodaba inta indhaha laga xiray ayaa laamiga xabadka loo dhigay, waxaana la sheegay in ciidanka laftooda ay arrintaas isku khilaafeen. Runti taasi waa aarin aad u fool xun waana arrin ka hor imaaneysa xuquuqda aadanaha iyo midda xuriyatul qowlka. Saxaafaddu waa xor waxayna xaq u leeyihiin iney tabiyaan wax walba oo ay arkaan", ayuu yiri Dulyar.
Labada suxufi ayaa ugu dambeyn lasii daayay, iyagoo aan wax raalli galin ahna la siinin.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayey BBC-da la xiriirtay, si aan wax uga weydiinno dhaliilaha dhinaca warbaahinta ee loo jeedinayo dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in qaban qaabada ka dib ay munaasabaddii maanta ku wareejiyeen xafiiska ra'iisul wasaaraha, wax dhibaato ah oo ku talagal loogu sameeyay wariyeyaashana aysan jirin.
"Waxaan aad uga xumahay sida ay wax u dhaceen, anigu waxaan hadda joogaa magaalada Bujunbura ee dalka Burundi, kolley waxaan filayaa iney dhacday farsamo xumo, aniguna ma aanan joogin meesha. Cilla xaga shaqada ah unbaa jirtay mooyee ma jirin wax bahdil ah oo loo geysanayay suxufiyiinta. Anigu xitaa shakhsi ahaan waxaan dareemayaa xanuunka ay qabaan mid la mid ah. Suxufiyiintu aad bay noogu dhawaayeen waxayna noo muujiyeen wada shaqeyn fiican annaguna waxaan ula dhaqmi jirnay si ka duwan kana wanaagsan sidii ay ula dhaqmi jireen maamulladii naga horreeyay", ayuu yidhi Cabdinuur.
Wuxuu bahda saxaafadda ka raalli galiyay wixii maanta ku dhacay, isagoo sidoo kale ballan qaaday in ay la fariisan doonaan mas'uuliyiinta warbaahinta iyo wariyeyaasha ay maanta dhibaatada ku dhacdayba.










