Dhegeyso: Dhibaatada ay leedahay marka baraha Bulshada fikrad laga dhiibto mowduuc aan aqoon loo lahayn

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Dhibaatada ay leedahay marka baraha Bulshada fikrad laga dhiibto mowduuc aan aqoon loo lahayn

Isticmaalka baraha bulshada ayaa sanadba sanadka ka dambeeya sii kordhaya iyada oo da'yartu tahay inta badan dadka aadka u isicmaala.

Dhanka kalena waxaa aad u badanaya wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn ee baraha bulshada lagu faafiyo.

Abwaan iyo fannaanka Soomaaliyeed Axmed Cali Cantar waxa uu iftiimiyay isbeddelo isa soo taraya oo ay dhallinyaradu kaga qayb qaataan faafinta wararka been abuurka ah ee baraha bulshada iyaga oo isku dayaya in ay fikradahooda ka dhiibtaan mawduucyo aanay aqoon u lahayn.

Waxa uu u waramay Saxnuun Axmed.