Dal caasimaddiisa magaca ka baddalaya

Madaxweynaha dalka Kazakhstan ayaa qorsheynaya inuu magaca ka baddalo caasimadda dalkaasi.

Caasimadda dalkaasi ayaa haatan loo yaqaanna Nur-Sultan kaddib marki uu madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev uu magaceeda hore ka baddalay 2019-kii.

Iyada oo magaca magaaladaasi loogu yeeri jiray wixi markaa ka horreeyey uu ahaa Astana.

Madaxweyne Kassym oo marki horaba magaca magaaladaasi baddalay ayaa haatan wado qorshe uu magaca magaalada uu keedi hore ugu soo celinayo.

Magaca Nur-Sultan oo loogu magac daray madaxweynihi ugu horreeyey oo dalkaasi soo hoggaamiyey tani iyo marki uu xorriyadda ka qaatay Midowgi Soofiyeeti Nur-Sultan Nazarbayev.

Madaxweynaha si uu qorshahiisa uu u meel mariyo wuxuu wadaa mashruuc uu ka mid yahay qodob dastuurka dalkaasi ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo si magaca caasimadda Astana loogu soo celiyo.

Fikirka ah in magaca magaalada keedi hore lagu soo celiyo wuxuu ka yimid qaar ka mid ah xildhibaannada baaramaanka dalkaasi madaxweynahan fikirkaasi uu la qaatay.

”Magaca taariikhi ah oo ay magaaladu leedahay in shaqsi magacii lagu baddalo waa khalad taasina waxay wadda xun u fureysa hoggaamiye kasta oo yimaaddo magaca uu doono inuu magaalooyinka dalka Kazakhstan ula baxo taasina dastuurka ayey ka hor imaneysaa,” ayey yirahdeen xildhibaannada hindisahan ka dambeeyey.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee Interfex waxay sheegtay khamiisti afaafka hore ee baarlamaanka iney isugu yimaaddeen mudaharaadayaal ka soo horjeeda magaca magaalada in la baddalo kaddibna laamaha amnigu ay dadkaasi xabsiga u taxaabeen.

Waxaana dalkaasi ka billawday olole madaxweynaha iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee Nur Otan looga dalbanayo iney magaca magaalada si fudud u baddalin ilaa wadda sharci ah looga marayo ama ay shacabku uga codeynayaan.

Waraaqaha madaxweynaha looga dalbanayo inuu magaca magaalada baddalin 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa saxiixay dad ka badan 36,000.

Dadka ka soo horjeeda tallaabbada madaxweynaha waxay ku doodayaan in magaca magaalada marweliba uu ahaado Astane maadaamaa magaca Nur-Sultan uu yahay magaca hoggaamiyihi hore ee dalkaasi lagu magacaabay goobo badan oo dalkaasi ku yaalla sida gigada diyaaradaha caalamiga ee caasimadda, Jaamacad, goob shidaalka laga soo saaro iyo meela kale.

Magaalooyinka magaci hore laga baddalay

Dunida aan ku nool nahay waxaa sida oo kale ka jira magaalooyin badan oo magacdi ay horay u lahaayeen laga baddalay oo magac cusub loo bixiyey iyo qaar magaci asal ahaan loogu yeeri jiray dib loogu celiyey.

Magaalooyinkaasi waxaa ka mid ah:

  • Magaalada Midowgi Soofiyeeti hore ama Ruushka hadda jira hoos tagto oo loogu yeeri jiray Königsberg waxaa magaceeda loo baddalay Kaliningrad. 1953-kii geeridi Stalin kaddibna Stalingrad waxaa loo baddalay Volgogard.
  • Dalka Jarmalka, magaaladi la oran jiray Karl-Marx-Stadt 1990-kii marki ay labada Jarmal midoobeen waxaa loo baddalay Chemnitz.
  • In ka badan 100 magaalo oo ku yaalla dalka Hindiya waxaa laga baddalay magacdi loogu yeeri jiray xilligi Ingiriiska uu dalkaasi guumeysanayey waxaana magaalooyinkaasi ka mid ah Madras oo loo baddalay Chennai, halka Allahabad loo baddaly Prayagraj.
  • Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo oo 1960-kii uu magaceedu ahaa Léopoldville waxaa loo baddalay Kinshasa.
  • Caasimadda Mozambique ilaa iyo 1975-kii uu dalkaasi xorriyadda qaatay waxaa la oran jiray Lourenço Marques, waxaana loo baddalay Maputo oo ah magaca caasimadaasi hadda loogu yeero.