You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shan caqabad oo BBC ay wajahayso
Xilli ay BBC u dabbaaldegayso xuska boqol sano guuradeeda ayuu tifaftiraha qaybta baahintu, wuxuu qoraalkan ku eegayaa caqabadaha la wajahayo, oo ka billowda dhanka tartanka, xagga tabinta iyo gaaridda dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada sida Tiktok.
Hay'adahaa waaweyn, sida suugaanta mucda leh, waxay inta badan ka dhashaan werwerka bulsheed ee jira, taas oo jawaab u ah cabsida jirta ee xilligooda. Waxaa tusaale u ah buug suugaaneedka caanka ah ee TS Eliot uu qoray ee lagu magacaabo The Waste Land, oo la baahiyay 1922-kii, si la mid ah BBC-da oo iyana xilligaas hawada soo gashay.
Lord Reith – markii u dhammaaday Dagaalkii Koowaad ee Adduunka - wuxuu noqday Maareeyihii Guud ee ugu horreeyay ee BBC, waxa uuna u arkayay dan qaran oo weyn. Xilligaas oo uu howlgeliyay teknooljiyaddii ugu fiicnayd xilli u damacsanaa in ay dhaydo boogo ku yaallay dal ay dagaallo aafeeyeen.
Maanta dad yar ayaa soo-jeedin lahaa in la dhiso hay'ad warbaahin dadweyne ah. In intaa ka sii yar ayaana ku maalgelin lahaa khidmadda shatiga, oo ay dadka qaar u arkaan canshuur qoysaska laga qaado.
Hase yeeshee, sida ay muujinayso falcelintii ka timid dhimashadii Queen Elizabeth II, BBC inta badan waxay ahaanaysaa mid u adeegta si heer sare ah.
Muddo qarni ah, BBC-du waxay u taagnayd dadka Ingiriiska ah waqtiyada waaweyn ee noloshooda saamaynayay, haddii ay tahay dan qaran iyo tan caalamiga ah.
Waxa ay tebisay dhacdooyin miisan leh, sida Baahinta dagaalka Churchill; Caleemo-saarkii boqorad Elizabeth; Koobkii Adduunka ee 1966-kii; ninkii dayaxa tegay, Burburkii Darbigii Berlin; iyo qoob-ka-ciyaarkii caanbaxay ee Gangnam Style.
Inta badan dadka ku nool Britain waxay arrimahan ka ogaadeen BBC-da. Laakiin, in dalka la isu keeno ayaa hadda ka sii adag sidii hore, qeyb ahaan waxaa sabab u ah sida Britain ay isu beddeshay, laakiin inta badan waxaa sabab u ah sida ay saxaafaddu isu beddeshay.
Muddo 100 sano ah, BBC waxay adeegsatay teknoolajiyada ugu dambeysay si ay u xaqiijiso qandaraaskeeda cashuureed ee dadka. Waxay dhalatay xilligii raadiyaha, waxayna na siisay muuqaalkii ugu horreeyay ee TV-ga. Kacdoonno teknoolajiyadeed oo is-dabajoog ah ayay qayb ka ahayd sida - internet-ka, taleefannada casriga ah, baraha bulshada- kuwaas oo dhanka kalena si aan ka soo noqosho lahayn u wiiqayay awooddii BBC iyo hab-dhaqankeedii.
Kacdoonnadan oo isu tagay ayaa abuuraya caqabadaha waaweyn ee maanta ay BBC-du wajahayso. Shantan ayaana ugu mudan:
Aaminaad
Kalsoonida si fudud ayaa loo burburiyaa, laakiin si fudud looma abuuro. Fadeexado soo noqnoqday – sida Jimmy Savile; Wareysigii Amiirad Diana ee Bashiir; qaar kale oo badan - waxay meesha ka saareen kalsoonidii ay shacabku ku qabeen BBC-da.
Tanina waa da'dii war-xuma-tashiilka. Taas oo dunidan ay beentu ku faafto si ka dhaqso badan runta, aaminaadda in saxnimadu ay tahay muqaddas ayaa hoos u dhacday. Baraha bulshada ayaana masiibo ku noqday ganacsigii wararka.
Tani waxay fursad u tahay saxafiyiinta qaar, kuwaas oo waqti, maal iyo dadaalba ku bixiya sidii ay xaqiiqada u ogaan lahaayeen, taas oo ka dhigta kuwo dadka intiisa badan ay weli aaminsan yihiin. Laakiin, kalsoonida oo hoos u dhacday waxay khatar ku tahay BBC-da. Dadku hantidooda kuma bixi doonaan wax aanay ku kalsoonayn.
Kharash
Xilli tartameyaasha tooska ah lagu qiimeeyo boqollaal ballaayiin oo lacag ah, sida Netflix iyo Disney, BBC-du waxay wajahaysaa dhib dhanka kharashka ah. Maalgelinteeda waxa lagu koobay ku dhowaad 5 bilyan oo geni. Taas oo ka dhigan in BBC-da ay ku waajibayso in ay sameyso waxyaabo aysan qaban jirin (warar, raadiyo, barnaamijyo), dhanka kalena si adag ayaa loo nidaamiyay, waxaana ay la kulmaysaa cadaadis siyaasadeed oo aan kala joogsi lahayn.
Adeegyada tabinta tooska ah ayaa sidoo kale kor u qaaday shaqaalaha iyo kharashyada barnaamijka. Ugu dambayntii, BBC-du waxa ay noqon doontaa in ay wax yar qabato, taas oo la macno ah in ay ka shaqeyso waxa ay qaban karto, waxaas oo aanay kuwa kale samayn karin.
Gaarista dadka da'da yar
Waxaa jira kala qaybsanaan weyn oo jiilal ah, oo ku saabsan la socoshada xogta ay tebiso BBC.
Dadka Ingiriis ee da'doodu ay u dhaxayso 16 iyo 24 jir ayaa waqti badan ku qaata TikTok kaligood, marka loo eego daawashada telefishinka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, tirada waqtiga ay ku qaataan daawashada TV-ga hoos ayay u dhacay saddex meelood labo meel.
Inkastoo waxyaalo kale oo xiiso leh ay dhallinyarada u buuxinayaan meelahaas, haddana waqtiyada waaweyn, BBC waxay u baahan tahay inay ahaato lama-huraan. Sida ay hadda u tahay oo kale.
Laakiin, waxaa waddada ku ciriirinaya, isla mar ahaantaana isku deyeya in ay meesha ka saraaan TikTok, Doollarka Netflix iyo liisaska heesaha ee Spotify.
Gaarid caalami ah
Arrintan si waa ay ula xiriirtaa BBC, balse goonni kuma aha oo waa arrin lala qabo.
Si loo sii haysto khidmadda shatiga, BBC-du waa inay racfaan ka qaadato dhammaan - ama ugu yaraan, sida ugu dhow dhammaan intii suurtagal ah. Tani waa sababta Agaasimaha Guud Tim Davie uu mudnaanta u siiyay soo celinta sumcadda liicaysa ee BBC, xilli awoodda la saarayo dhexdhexaadnimada.
Waddan dhijitaal ah, kala duwan, oo u kala qaybsan sida Ingiriiska casriga ah, soo-jiidashada dadka oo dhan waa mid aad u adag.
Siyaasado
BBC-du waxay had iyo jeer ka caraysiinaysay dowladaha, si kasta oo ay u kala duwanaayeen. Maanta, waxaa jira labo farqi oo waaweyn.
Marka hore, cadaawadda ka imanaysa dowladda ayaa ah mid aan kala joogsi lahayn, taas oo ay ugu wacan tahay baraha bulshada iyo hab-dhaqanka dagaal ee maanta taaganaha iska noqday.
Midda labaad, cadowga BBC-da ee mayalka adag ayaa iyana dhankooda isticmaali kara kacdoonnadaas qulqul si ay macno ugu yeelaan kiiskooda, iyagoo leh khidmadda shatiga kuma habboona ujeeddo-la’aantan. Ajendahoodu waa dagaal fikradeed; dooddooduna waxay ku salaysan tahay teknoolajiyada.
Dhaqan ahaan waxaa jira diidmo xooggan oo ku aaddan kharashka shatiga sida dhabta ah: taas oo ah, hanjabaadda cunaqabatayneed.
Inkasta oo dhaliiluhu ay yihiin kuwo sii socda, haddana sida toddobaadyadii dhawaa ay muujiyeen BBC waa mid si weyn loo qaddariyo oo si gaar ah u qabata waxyaabo faa'iido leh. Hoggaankeeda haddana waxa uu leeyahay qorshe uu wax uga qabanayo caqabadaha jira.
BBC-da ayaa isku deyaysa in ay isticmaasho teknoolajiyadihii ugu dambeeyay si ay heshiis cusub ula gasho dadka, uga dhaadhiciso inay mudan tahay in la maalgashado, iyo inay iska ilaaliso u jabidda dacaayadaha kuwa ka soo horjeeda.
Boqol-jirkan BBC ay noqotay rajadeeda ugu wanaagsan waa inay dib ugu noqoto aragtidii quruxda badnayd ee uu lahaa wiilkii wacdiga wanaagsanaa ee aasaasay Lord Reith, waxaa uu ogaa 1922-kii, tayadu in ay mar walba ka sarrayso tirada, ku dhaqanka taas ayaana ah rajada ugu fiican ee BBC.