Wax ka ogow masjidka taariikhda fog leh ee mar xabsi uu u beddelay Salaaxu-diin al-Ayuubi

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo dalka Masar jooga shalay iyo maanta ayaa booqanaya masjidka Al-xakiim.

Wasiirka Arrimaha Dibadda India Vinay Mohan Kwatra ayaa sheegay in maanta uu madaxweynuhu booqanayo masjidka Al-xakiim ee Masar kaas oo la dhisay qarniigii 11-aad.

Masjidka waxaa leh firqada Dawoodi ee Shiicada kaas oo ay dib u dhiseen bulshada Bohra.

Masjidka waxay hay'adda UNESCO ee Qaramada Miodobay ku dartay goobaha dhaxalka taariikhiga adduunka sanadkii 1979-kii kaas oo sidoo kale qeyb ka ah taariikhda magaalada Qaahira.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Modi ku tago Masar iyo tii ugu horreysay ra’iisul wasaare Hindiya uu ku tago dalkaas ilaa iyo 1997-dii.

Taariikhda Masjidka Al-xakiim

Magaalada Qaahira oo taariikh ku leh Islaamka waxaa ku yaal dhismooyin iyo masaajid xilliyo kala duwan la dhisay. Masjidka Al-xakiim waxa uu ka mid yahay kuwa taariikhda ku leh dalkaas.

Prof. Doris Behrens Abussif ayaa buugeeda ‘Dhismooyinka Islaamka ee Qaahira’ ku qortay in duruufaha lagu dhisay masjidka Al-xakiim aysan caadi aheyn.

Dhismaha masjidka waxaa la bilaabay dhammaadka qarnigii 10-aad. Dariiqada Ismaaciilya ee Shiicada ayaa dhistay.

Sanad kaddib markii la bilaabay dhismaha ayey dadku ku tukadeen iyadoo aan la dhammeyn.

Jonathan M. Bloom oo ah taariikhyahan u dhashay Mareykanka ayaa buuggiisa masjidka Al-xakiim wuxuu ku qoray in 12 sano lagu dukanayay masjidka oo aan la dhammeyn.

Dhulka uu masjidka ku fadhiyo waa labo laabka masjidka weyn ee Al-azhar, waxaana ku baxay dhismihiisa 45 kun oo diinaar.

Masjidka markii hore waxaa laga dhisay dibadda Qaahira balse hadda waxa uu dhexda ka galay magaalada.

Masjidka waxyeello ayaa soo gaartay

Masar waxaa ka dhacay dhulgariir 1303-dii taasna waxay keentay in masaajid badan ay burburaan. Masjidka Al-xakiim wuxuu ka mid noqday kuwii burburay.

Dib ayaa loo dhisay waxa uu masjidku ahaa goob sidoo kale wax lagu barto. Waxyaabo badan ayuu noqday masjidka. Salaaxudiin Al-ayuubi xabsi ayuu ka dhigtay sidoo kale qarnigii 20-aad wuxuu noqday iskuul wiilasha wax lagu baro.

Maxay tahay sababta Modi uu masjidka u tagayo?

Masjidka waxaa dib loo dhisay 1970-kii, waxaana mas’uul ka ahaa dhisidda iyo dib u habeynta Maxamed Burhaanudiin oo ah hoggaamiyaha 52 ee dariiqada Dawoodi.

Maxamed Burhaanudiin waxa uu u dhashay Hindiya, dowladda ayaana abaalmarin ku siisay qeybta uu ka qaato arrimaha bulshada.

Masjidka waxaa lagu qurxiyay marmar cad iyo dahab, waxaana ay qaadatay dib u habeynta 27 bilood. 24-kii November 1980-kii ayaa si rasmi ah loo furay.

Xafladdii furitaanka waxaa ka qeybgalay madaxweynihii hore Masar, Maxamed Anwar Sadaat, Maxamed Burhaanudiin iyo culumo ka socotay Jaamacadda Al-azhar.

Sidee u arkaan booqashada Modi bulshada Dawoodi Bohra?

BBC-da waxay la hadashay dadka tirsan bulshada Dawoodi Bohra si ay wax uga ogaato booqashada Modi ee masjidka.

Dr. Talib Yusuf oo koleej ku yaal magaalada Mumbai macallin ka ah ayaa yiri “bulshada Dawoodi waa dad tiro yar oo ku nool Hindiya, farxad ayey noo tahay booqashadiisa, waana astaan midnimo”.

Ma ahan markii ugu horreysay uu ra’iisul wasaare Modi masjid booqdo. Modi wuxuu hore u booqday masjidyo ku yaal Cumaan iyo Imaaraatka Carabta.