You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo dhinac adag ka istaagay qadiyadda Falastiin, xabad joojin degdeg ahna dalbaday
Waxaa maanta magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga ka furmay kalfadhigii ugu horeeyay ee Isbaheysiga Caalamiga ah ee hirgelinta xalka labada dowladood.
Isbahaysigani waxa uu ka walaacsan yahay tarjumaada yoolka lagu dhisayo dawlad falastiini ah ee “nabad ku wada noolaanshaha Israa’iil,” sida uu horay sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan dhammaadkii Sebtembar 2024.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa sharuud ku xiray in la dhiso dowlad ay leeyihiin Israa’iil, isagoo xusay in dhowr waddan oo waaweyn ay bilaabeen inay aqoonsadaan dowladda Falastiin ayna sii wadi doonaan dedaalka ay wadamada kale ku aqoonsanayaan.
Bin Farxaan wuxuu sharraxay in kulanka isbahaysiga caalamiga ah ee lagu taageerayo xalka labada waddan uu yahay tallaabadii ugu horreysay ee dhowr oo ay ka qayb qaadanayaan 90 waddan, iyada oo loo marayo Boqortooyada ayna isku dayi doonto inay "abaabusho" ra'yiga dadweynaha ee caalamiga ah ee ka soo horjeeda dhaqamada Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin.
Wasiirka Sucuudiga ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza, beesha caalamkuna ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka, isagoo xaaladda Gaza ku tilmaamay mid naxdin leh oo masiibo ah oo ka dhalatay go’doominta Israa’iil.
Hadalka wasiiirka ayaa imanaya iyadoo guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini uu sheegay in Marinka Gaza "si nidaamsan loo burburiyey", wuxuuna ugu baaqay Israa'iil inay ka laabato go'aanka ay ku mamnuucday hay'adda.
Cilmi-baaraha dhanka istiraatijiyadda iyo amniga Fawaz Kasab Al-Anzi ayaa aaminsan in martigelinta Riyadh ee kulankii ugu horreeyay ee isbahaysiga caalamiga ah si loo hirgeliyo xalka labada dawladood "ay ka tarjumaysaa isbeddelka dhaqdhaqaaqa siyaasadda caalamiga ah iyo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee hogaaminta dadaallada nabadeed ee gobolka.”
Kulankan ugu horreeya ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan wakiil ka socda Jaamacadda Carabta, maamulka Falastiiniyiinta, dalalka Carabta sida Baxrayn, Urdun, Qatar, Masar, wakiil ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka, Turkiga, Nigeria, Indonesia marka laga reebo Midowga Yurub iyo Norway.
Ma cadda in kulanka ay ku jiraan dalal dhawaan aqoonsaday dowladda Falastiin, sida Spain, Ireland, Slovenia iyo Armenia.
Ruushka iyo Shiinaha ma aysan shaacin ka qeyb galka kulanka, inkastoo ay door ku leeyihiin faylka Falastiin, iyadoo Moscow iyo Beijing ay dhawaan marti galiyeen kulamo "si la isugu soo dhaweeyo aragtida kooxaha Falastiiniyiinta."
"Xoojinta doorka Boqortooyada ee hogaaminta gobolka"
Al-Anzi ayaa BBC u sheegay in "Sacuudi Carabiya ay ciyaareyso doorka dhexdhexaadiyaha iyo sare u qaadidda nabadda gobolka, waxayna u socotaa sidii ay kor ugu qaadi lahayd doorkeeda hoggaamiye iyo dublamaasiyadeed ee arrimaha waaweyn ee gobolka, taasoo ka tarjumaysa rabitaankeeda ah inay noqoto awood wax ku ool ah oo isbedel wanaagsan horseeda." iyada oo la jaanqaadaysa hammigeeda gudaha ee Hiigsiga 2030-ka.”
Al-Anzi oo ka hadlay baaqashada Mareykanka ee kulanka ayaa yiri: “Maqnaanshiyaha Mareykanka lama macno ah fashilka xulafada, balse waxay fursad u noqon kartaa dalalka Yurub iyo kuwa gobolka si ay u xoojiyaan mowqifkooda. lana dhiso xulafada istiraatijiyadeed ee Sucuudiga.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa shir-gudoomiyay fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirada Sacuudiga Talaadadii, wuxuuna yiri, “Waxaan rajaynaynaa kulankii ugu horreeyay ee heer sare ah ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hirgelinta Xalka Labada Dal, kaas oo lagu qabanayo Riyadh si loo gaaro tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu taageerayo dadaallada nabadeed, iyo dejinta jadwal loogu talagalay xaqiijinta dawladda Falastiin ee madaxbannaan iyo soo afjarida qabsashada xoogga ah ee dhulkooda."