You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma Naciim Qaasim, hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah?
Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay Naciim Qaasim inuu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee kooxda ee badalaya Xasan Nasrallaah, hoggaamiyihii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka gaysatay magaalada Bayruut bishii hore.
Naciim ayaa beddelay hoggaamihii ugu muddada dheeraa ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay Beirut.
Naciim Qaasim ayaa horey u ahaa xoghaye ku xigeenka kooxda.
Qaasim ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xisbullaah ee weli nool, kadib markii Israa'iil ay ku dishay inta badan hoggaamiyayaashii kooxda weerarro taxane ahaa oo dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.
Naciim Qaasim ayaa ku dhashay Beirut sanadkii 1953, waxa uuna ka soo jeedaa qoys reer Lubnaan ah oo degganaa koonfurta Lubnaan.
Ninkaan ayaa muddo ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah ee ka dhisan Lubnaan, waxa uuna muddo 30-sano ah kamid ahaa kooxda ay taageerto Iran.
Mar uu ka hadlayay weerarkii 8-dii Octoobar waxa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa'iil uu yahay dagaal adag oo ku saabsan cidda marka hore ooysa, Xisbullah aysan noqon doonin cidda oysa.
Khudbaddiisa oo socotay 30-daqiiqo ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii Hashem Safieddine oo loo maleynayay inuu baddali lahaa hoggaamiyaha kooxda la dilay.
Xisbullah ayaana xaqiijisay dilka Safieddine 23-kii bishaan Octoobar.
Naciim Qassem waxa loo magacaabay ku xigeenka madaxa sannadkii 1991-kii, waxaana u magacaabay xoghayihii guud ee xilligaas Abbas al-Musawi, kaas oo lagu dilay weerar diyaarad helikobter ah oo ay Israa'iil fulisay.
Qassem ayaa xilkaas hayay muddo dheer waxa ayna soo wada shaqeeyeen Xassan Nasrallah, waxa uuna muddo dheer ahaa mid ka mid ah afhayeenada ugu sareeya ee Hezbollah, marar kala duwan ayuuna bixiyay wareysiyo uu siiyay warbaahinno caalami ah oo uu uga hadlayyo dagaalada ay kula jiraan Israa'iil.
Khudbadii Qassem ee telefishinka laga sii daayey 8-dii Octoobar ayaa ahayd tiisii labaad tan iyo markii ay sii xoogeysteen dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbullah bishii Sebtembar.
Waxa uu ahaa xubintii ugu horreysay ee hoggaanka sare ee Xisbullah oo hadal ka jeediya taleefishinka kadib dilkii Nasrallah ee lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday duleedka koonfureed ee Beirut 27-kii Sebtembar.
Kadib dilka Xassan Nasrallah, waxa uu sheegay in Xisbullah ay ku dooran doonto qofka bedeli lahaa xoghayihii guud ee la dilay "fursadda ugu horraysa" ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israa'iil si ay u garab istaagto Falastiiniyiinta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ku xigeenka madaxa ayaa sheegay in Xisbullah ay diyaar u tahay duulaanka dhulka ee Israa'iil, oo ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Israa'iil.
"Waxaan leeyahay kooxdu way sii wadayaan hawlgallada iyo werarada ka dhanka ah Israa'iil," ayuu yiri.
Waxa kale oo uu sheegay in Xisbullah ay og tahay inay ku jirto dagaal "ayna habboontahay in waqti la siiyo", doorashooyinkana "dib ka qaban karaan".
Mar uu soo hadal qaadayay cidda badali doonta Xasan Nasrallah ayuu sheegay in golaha dhexe ee xisbiga ay go'aan ka gaari doonaan.
Waa maxay Xisbullah?
Xisbullah waa xisbi siyaasadeed hubeysan oo Muslim Shiico ah oo saameyn leh.
Waxa ay awood weyn ku leedahay labada aqal ee baarlamaanka iyo xukuumadda Lubnaan, waxayna gacanta ku haysaa ciidanka ugu awoodda badan dalka.
Xisbullah ayaa si weyn u soo shaac baxday sanadihii sideetamaadkii iyaga oo ka soo horjeeday Israa’iil oo ay ciidamadeedu qabsadeen koonfurta Lubnaan intii u dhaxaysay 1975-1990 dagaaladii sokeeye ee dalkaasi.
Waxay taageero xooggan oo dhaqaale iyo mid ciidanba, ka heleen Iran sanado badan, Waxa ay sidoo kale xulafo adag la yihiin madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.
Garabka hubaysan ee Xisbullah ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday ciidamada Israa'iil iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan dalka Lubnaan.
Sannadkii 2006dii, dagaal ba’an ayaa ka dhex qarxay Xisbullah iyo Israa’iil, kaas oo ka dhashay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay xuduudda oo ay qaadeen Xisbullah.
Ciidamada Israa'iil ayaa gudaha u galay koonfurta Lubnaan si ay isugu dayaan in ay meesha ka saaraan Xisbullah.
Ilaa 1,000 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay intii uu socday iska horimaadka, balse Xisbullah ayaa sheegtay inay guulo ka gaartay dagaalka, waxaana tan iyo xilligaas ay kordhisay dagaalyahannadeeda, ayna sare u qaadeen hubkooda.
Waddamo badan oo ay kamid yihiin reer galbeedka, Israa'iil iyo waddamada Khaliijka Carabta ayaa Xisbullah u aqoonsaday urur argagaxiso.