You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Somaliland oo amar ka soo saartay sare u kaca qiimaha shaaha ee Burco. Waa maxay sababta?
- Author, Saleebaan Saxansaxo
Deegaanno ka tirsan Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa laga dareemay sare u kac ku yimid qiimaha Shaaha lagu iibiyo.
Magaalada Burco oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ee aadka looga xiiseeyo cabitaanka shaaha, ayaa qiimo korodhka ku yimid shaaha si aad ah looga dareemay, ka dib markii koobka shaah ah oo ahaa markii hore 1500 oo shilinka Somaliland ah laga dhigay 2000 oo shilin. Haddaba maxaa keenay Qiime korodhka ku yimid Shaaha?
Sida uu BBC-da u sheegay Aadan Axmed Cali, oo mid ka mid ah mulkilayaasha Maqaaxiyaha Magaalada Burco, waxa uu ku sababeeyey qiime korodhkan cusub ee ku yimid shaaha saddex qodob oo uu xusay in ay muddo soo taagnaayeen, isla markaana ay culays ku keentay ganacsigooda.
"In aan qiimaha kordhino waxa keenay markii Sonkortii, dhuxushii iyo Caanihii geela ee aan shaaha ku daray qaaliyoobeen." Ayuu yidhi Aadan Axmed.
Waxa kale oo uu sheegay Aadan Axmed in muddo sicir bararka ka taagan Burco uu culays ku ahaa Maqaaxiyahooda, oo ay iyagu ay kabi jireen si ay aanay macaamiisha culays u fuulin, balse taasi ay sii wadi kari waayeen markii sicir-bararku sii kordhay, cashuurana lagu soo rogay, waxaanu yidhi "Shaahu markii hore kun iyo shan boqol ayuu ahaa, imikana laba kun ayaanu ka dhignay, markii hore muddo ayaan qiimaha hore u wadnay oo aanu jeebkayga ka kabaynay, laakiin markii dambe duruufta nagu khasabtay in aanu qiimaha kordhino".
Qiimaha Sonkorta oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee shaahu muhiimka u ah ayuu sheegay Aadan Axmed in qiimaheedu si joogto ah isu beddelo "Bakhaarada sonkorta maalinba wax ayey ku daraan, tusaale ahaan laba bilood ka hor Kiishka Sonkorta ah wuxuu ahaa 36 dollar, imika 40 dollar uu ka badan yahay" ayuu yiri.
Haddaba waa maxay amarka ay Dawladda hoose ee Burco ka soo saartay qiimo korodhka Shaaha?
Amar qoraal ah oo ay maanta soo saartay Dawladda hoose ee magaalada Burco, oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Dawladda hoose Amiin Cabdilaahi Yaasiin, ayaa digniin loogu diray Mulkiileyaasha Maqaaxiyaha Shaaha sameeya, waxaana lagu amray in aanay qiimaha Shaaha dhaafin karin kun iyo shan boqol oo ah qiimihii uu hore u ahaa "Waxa looga digayaa Maqaaxiyaha Shaaha Iibiya in ay kun iyo shan boqol wax ka badan ku iibiyaan shaaha" ayaa lagu sheegay amarka.
Dawladda hoose ee Burco, waxa kale oo ay ku sheegtay amarkan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Maqaaxiyaha kordhiya qiimaha Shaaha.
Magaalada Burco, ayaa ka mid ah Magaalooyinka sida weyn Shaaha looga cabo, sida uu BBC-da u sheegay Aadan Axmed oo ah Mulkiilaha Maqaayada lagu magacaabo Mansha-allaah, waxa uu xusay in maalintii ilaa laba kun oo koob oo Shaah ah uu iibiyo, isaga oo intaas ku daray in Shaqo la'aanta jirtaa ay sabab u tahay in dadku ay muddo halkaas fadhiyaan, shaahana ku cesh-ceshadaan.
Sannadkii 2021-kii ayey ahayd markii sidan oo kale Maqaayadaha Burco qaarkood Shaaha qiimihiisa ay kordhiyeen, taasina ay keentay in la xidh xidho mulkiileyaasha qaarkood.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, waxaana inta badan xiran goobaha laga cunteeyo ama cabitaannada laga helo bisha soonka. Hase yeeshee fiidnimada ayaa waxaa jira goobo laga cunteeyo, laguna shaaho.