You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Siyaabo aad ku joojin kartid xiisaha macmacaanka xilliga ramadaanka
In badan oo ka mid ah dadka sooman ayaa caadaystay inay cunaan cuntooyin macaan oo aad u badan bisha Ramadaan. Reem Al-Abdallata oo ku xeeldheer nafaqada waxa ay leedahay:
"Dhibaatadu waxay ka jirtaa habka aynu u cunno cuntada, qofka sooman marka uu cuno xaddi badan oo timir ah, kuwaas oo sonkor ah - bilowga afurka...
"Waxay kicisaa oo kordhisaa heerarka insulinta ee dhiigga, taas oo keenta in qofku rabo inuu wax cuno, gaar ahaan cuntooyinka macaan."
Waxa ay intaa ku dartay: "Qaladka dadka qaarkiis ay sameeyaan waa in ay afurka ku bilaabaan in ay cunaan inta u dhaxaysa (3-5) xabo oo timir ah kadibna ay cabbaan casiir, gaar ahaan kuwa ay sonkortu ku badan tahay.".
Khabiirku waxa ay sabab uga dhigtay in bisha Ramadaan ay dadku aad u cunaan cuntooyinka macaanka leh, koroka ku yimaada ribitaanka loo hayo macaanka, ka dib markii ay heerka sonkorta ee jirku hoos u dhacdo xilliga soonka.
Reem Al-Abdallah waxa ay sharaxday: "Qofka sooman waxa aad ugu wanaagsan in uu ku afuro timir ka dibna uu cuno shay ay ku badan yihiin borotiinka, sida digaaga, kalluunka, hilibka, ama xataa koob caano ah.
Khubaradu waxay ku talinayaan in la cabbo biyaha wakhtiga afurka, kuwaas oo kaa caawinaya dhimista rabitaanka macaanka.
Khubarada nafaqadu waxay kaloo sheegeen in cabbitaanka biyo kugu filan ay ka caawiyaan fuuq-celinta jirka oo ay ka ilaaliyaan fuuq-baxa.
Reem Al-Abdallah oo ku takhasustay nafaqada ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay isticmaalka cabitaannada casiirka ah ee aan sonkorta lagu darin, iyada oo ujeeddadu tahay in la ilaaliyo caafimaadka dadka iyo in laga fogaado miisaanka oo kordha.
Sida loo xakameeyo rabitaanka badan ee macaanka
Khubarada nafaqada ayaa sheegay in xakameynta rabitaanka cuntada macaan inta lagu jiro bisha Ramadaan ay ka bilaabato afruka ilaa cashada.
Go'aanso wakhti cayiman oo aad cunayso cuntooyinka macaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, waayo dadka sooman waa in aanay cunin waxyaabaha macaan marka la bilaabayo xilliga afurka.
Haddii sidaas la sameeyo waxay u horseedi doontaa cunto oo aad halmar wada isticmaasho waxaana laga yaabaa inay keento calool xanuun.
Sidaa darteed, wakhtiga ugu fiican ee la cuni karo macmacaanka waa laba ama saddex saacadood ka dib xilliga afurka, waana inaad ka cuntaa qadar yar oo aanad cunin maalin kasta.
kaliya ha cunin waxyaabaha macaan, waxaa fiican inaad ku cuntid wax qadhaadh, sida koob kafee ah, si aad u yarayso dareenka aad u baahan tahay inaad cunto macaan badan.
Ka dib markaad wax macaan cuntid, cab biyo, caano, garoor, ama in yar oo loos ah si aad u dheelitirto heerarka insulinta ee jirkaaga.
Guriga ku karso macmacaankaaga si aad u xakamayso tirada iyo tayada, una yarayso qaadashada kaloriinta intii suurtogal ah.
Hubi in waxyaabaha macaan aan mar walba laga heli karin gurigaaga, maadaama oolitaankoodu uu kordhiyo rabitaanka cuntada.