You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay xaaladda walaaca leh ee laga sheegay carruurta Soomalida ah ee gobolka Minnesota?
Cudurka autism-ka ayaa si aad ah u kordhay sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan dalka Maraykanka, tirada dadka bixiya daryeelka ayaa sidoo kale korortay, arrintan ayaa noqotay mashaakil bulsho, gaar ahaanna carruurta ajnabiga ah.
Hay’ad la yiraahdo (MN-ADDM) oo la socota xanuunka autism-ka ee gobolka Minnesota kana tirsan Jaamacadda Minnesota ayaa warbixintii ugu dambaysay ay soo saartay ay muujisay wax lala cajabay sida uu BBC-da u sheegay Mahdi Warsame oo ah maamulaha guud ee ururka Somali Parents Autism Network (SPAN) ee gobolka Minnesota.
Sida uu BBC-da u sheegay Mahdi Warsame waxaa korortay tirada carruurta Somaalida ah ee Maraykanaka ee qaba xanuunkaas.
Daraasadda cusub ayaa muujisay sida uu Mahdi sheegay heerka kororka ee xanuunka, iyadoo hay’addu baaritaanku ku sameeyeen carruurta iskoollada dhigata.
“Waxay baareen caruurta iskooalada dhigata ee Soomalida ah, laba kooxood ayey baareen. Kooxda afar sano jirada ah iyo kooxda siddeed sano jirada. Kooxda siddeed sano jirka 25kii ilmoodba mid ayaa qab halkii horey ay uga ahayd 32-dii ilmo mid qabay,” ayuu BBC-da u sheegay Mahdi.
Daraasaddu waxay muujisay in carruurta afar sano jirka ay ka sii daran yihiin kuwa siddeed sano jirka ah iyadoo warbixintu sheegtay in 16-kii cunug oo da'da afar jirka uu mid qabo xanuunka autism-ka.
Warbixintan ayaa kaliya la baaray carruurta dhigata iskoolka kuma jiraan kuwa aan wali gaarin iskoolka.
Mahdi Warsame maamulaha guud ee Somali Parents Autism Network (SPAN) ee gobolka Minnesota, ayaa BBC-da u sheegay in kororka autism-ka ay Soomaalidu la wadaagto qoomiyadaha kale ee deggan dalka Maraykanka.
Inkasta oo aysan jirin caddayn baaritaan oo sax ah haddana waaliddiin badan oo Soomaali ah ayaa xiriiriya talaalka carruurtooda ay qaataan iyo xanuunka autism-ka basle Mahdi Warsame, oo arrimana muddo ka shaqaynayey ayaa sheegay inaysan haba yaraatee jirin caddeyn cilmi ahaaneed oo arrintaas ku saabsan.
“Waaliddiin ayaa ku oranaya ilmahayga isagoo fiican oo an waxba qabin ayaa tallaalay isla markiiba waa xanuunsaday, waxaase la hayaa waaliddiin aan carruurtoodii tallaalin oo haddana autism ay qabaan oo qurbaha jooga sidaas daraaddeed lama oron karo tallaalka ayaa keena,” ayuu yiri Mahdi.
Caqabadaha uu la kulmo waalidka haysta carruurta autism-ka qaba
Mahdi ayaa sheegay in ilaa saddex qaybood uu u qaybin karo caqabadaha haysta waaliddiinta dhalay carruurta qaba xanuun autism-ka.
Wuxuu sheegay in tan kowaad tahay aqoon la’aan xanuunka laftiisa autism oo wax badan laga aqoon.
“Waxaa jirta in waalid badan ay la tacaalayaan ama dhib ka haysto inay helaan ama bartaan meelihii ay caawimooyinka ka heli lahaayeen maaddaama waalidkaas ay haysato luuqad la’aan ama wadanka ay ku cusub yihiin ama ay dhici karto in ilmaha hadda lagu sheegay oo uusan horey u lahayn”ayuu yiri Mahdi.
Caqabada kale ayuu Mahdi ku sheegay inay tahay inay dadka ku dhex faafayaan warar khaldan oo aan ku dhisnayn cilmi saynis ah ama aan xaqiiq lahayn kuwaas oo ay ka mid yihiin.
“Haddii ilmahaaga aad geyso Hindiya dad daaweeya jooga, waxaase daawo noqon kara waxyaabo badan oo waalidka ku dhex faafaya oo kutiri ku teen ah oo marar badan waalidka jidka ka lumin kara” ayuu BBC-da u sheegay Mahdi.
Carruurta qaba autism iyo caqabadaha ay la kulmaan
Waxaa la sheegaa in mararka qaar ay carruurta la nool xanuunka autism-ka ay takoor kala kulmaan bulshada ay ku dhex nool yihiin.
Isagoo arrintaas ka hadlayey Warsame ayuusan meesha ka saarin caqabadaha ay carruurtu la kulmaan.
“Way wayn tahay walaal, waxaa jirta oo nasiib darro weyn ah, cuqdada laga qabo Autism waa in meesha laga saaraa” ayuu yiri Mahdi.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Minnesota meelah lagu ogaado in carruurta qabta Autism ay gaabis ka jirto, suaash oo ay BBC-du waydiisay Mahdi Warsame Mamaulah guud Somali Parents Autism Network (SPAN) ee gobolka Minnesota ayaa sheegay taasi ay jirto.
“Arrintaasi run weeye, waana hal meel baa laga hadlaya waxaa laga hadlayaa waxa weeyne waxa loo yaqaano qiimaynta lagu ogaanayo inuu qabo cudurka iyo in kale ayaa leh liis sugitaan oo ilaa lix ilaa sanad, arrintaas waa ka hadalnay, waxaa kale oo sugitaankedu badan yahay adeegyo in la helo” ayuu yiri Mahdi.
Isagoo ka hadlayey daraasadan cusub iyo waxa laga dhaxli karo ayuu sheegay in faa’iidi laga heli karo ay tahay in la ogaado meesha xaaladdu marayso.
“Xaaladdu xaalad khatar ah weeye oo runtii welwel leh”ayuu BBC-da u sheegay Mahdi Warsame.
Gobolka Minnesota ayaa ka mid ah gobollada Maraykanka ee tirada ugu badan ee Soomaali ay deggan yihiin, kuwaas oo saamayn ku leh dhinacyada siyaasadda, buslahda iyo dhaqaalaha gobolkaas.