Yaa xaq u leh qaxootinimo - yaase go'aaminaya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobaadkii hore, 59 qof oo caddaanka Koonfur Afrika ah ayaa soo gaaray garoonka Dulles ee u dhow Washington DC, ka dib markii la siiyay aqoonsi qaxootinimo.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Afrikaanka laga tirada badan yahay ee kasoo farcamay gumaystayaashii reer Yurub ay dhibanayaal u yihiin "takoorka midab-takoorka" iyo "xasuuq".
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan run ahayn, isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya arintaas.
Kooxdan oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur oo ku lesbian dhar caadi ah, isla markaana lulaya calanka Maraykanka, ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas'uuliyiinta Maraykanka, tallaabadaas oo dadka dhaliila ay sheegeen inay ka duwan tahay mawqifka uu hadda maamulka Trump ka qaato qaxootiga.
Bishii Janaayo, madaxweyne Trump wuxuu soo saaray amar amar oo uu ku joojinayo barnaamijka dib u dejinta qaxootiga. Tani waxay hakisay qaabilaada qaxootiga, taas oo ka dhigtay in in ka badan 100,000 ay xayiran yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, amarka ayaa oggolaaday ka-reebis xaddidan in kiisaka loo go'aamiyo mid mid. Bishii xigtay madaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar kale oo fulin ah oo dad Afrikaan ah uu ku siinaya aqoonsi qaxoontinimo.
Go'aankan ayaa dhaliyay dhaleecayn iyo carro baahsan oo ka jirta Koonfur Afrika, halkaas oo dadkaasi Afrikaanka ah oo ka kooban 7% oo keliya ay leeyihiin kala bar dhul beereedka waddanka. Madaxweyne Rampahosa ayaa kooxda u guuraysa Maraykanka ku tilmaamay "fulayayaal".
"Haddii aad u fiirsato dhamaan umadaha dalkeenii ku nool caddaan iyo madowba waxa ay joogaan dalkan waayo waa dalkeenii, yaynaan ka cararin dhibka ina haysta, waa in aan halkan joognaa oo aan xallinnaa dhibka ina haysta".
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha, kuwa wax faalleeya iyo xitaa kaniisadda Episcopalian, oo sheegtay in aysan gacan ka geysan doonin dib u dejinta dadkaasi loo yaqaan Afrikaners, sababtoo ah go'aankeeda la xiriira "cadaalad jinsiyadeed iyo dib-u-heshiisiinta", waxayna si degdeg ah u soo afjaraysaa iskaashiga ay la lahayd dawladda Maraykanka ku dhawaad afartan sano.
Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Landau, ayey BBC-da ay weydiisay sababta dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika loo siiyay sharci qaxootinimo, ee aan loo siin dadka kale ee kasoo cararaya cadaadiska, sida Afgaanistaan.
Waxa uu sheegay in shuruudaha gelitaanka la tixgeliyey sida ugu fudud ee qaxootigu u milmi karaan, taas oo dhalisay dood ku saabsan doorka siyaasadda iyo danaha istiraatijiyadeed ee go'aaminta cidda loo qoondeeyey qaxootinimo.
![Axdiga Qaxootiga ee 1951-kii waxa uu qeexaya qaxoontiga in nuu yahay qof " leh cabsi sal leh oo ah in lagu silciyo sababo la xiriira jinsiyad, diin, dhalasho, ka mid noqoshada koox bulshadeed gaar ah ama ra'yi siyaasadeed oo jooga meel ka baxsan dalka [uu u dhashay] kaas oo aan awoodin ama, cabsida jirta awgeed, aanrabin inuu ku laabto."](https://ichef.bbci.co.uk/ace/ws/640/cpsprodpb/78a6/live/b1ecb7b0-3572-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg.webp)
Xigashada Sawirka, Getty Images
Cahdiga Qaxootiga ee 1951-kii waxa uu qeexaya qaxoontiga in nuu yahay qof " leh cabsi sal leh oo ah in lagu silciyo sababo la xiriirta jinsiyad, diin, dhalasho, ka mid noqoshada koox bulshadeed gaar ah ama ra'yi siyaasadeed kaas oo jooga meel ka baxsan dalka [uu u dhashay] kaas oo aan awoodin ama, cabsida jirta awgeed, aan rabin inuu ku laabto."
Qeexitaankii hore wuxuu ku koobnaa qaxootiga Yurub ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, laakiin Axdiga waxaa la beddelay 1967-kii oo meesha laga saaray xannibaadaha juqraafiga.
Marka laga soo tago bixinta qeexista qaxootiga, heshiisku wuxuu kaloo qeexayaa xuquuqda qaxootiga.
Tirada Qaxootiga
Sida laga soo xigtay Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR, laga soo bilaabo Bishii Juun 2024kii waxaa jiray 43.7 milyan oo qaxooti ah adduunka oo dhan. 65% dhammaan qaxootiga hoos yimaada awoodda hay'addu waxay ka yimaadeen afar waddan oo keliya: Suuriya, Venezuela, Ukraine iyo Afgaanistaan.
Inta badan qaxootiga, 71%, waxaa martigeliya wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah. Iran,Turkey,Colombia,Germany iyo Uganda ayaa ah shanta wadan ee ugu horeeya ee marti galiya qaxootiga. Ku dhawaad 70% qaxootiga waxaa lagu martigaliyaa waddamada deriska ah.
Xilligii madaxweyne Joe Biden, tirada qaxootiga la geeyo Mareykanka waxay ahayd 125,000 sanadkii.
Sanadkii ugu dambeeyay ee madaxweynanimadiisa in ka badan 100,000 oo qof ayaa la siiyay aqoonsi qaxootinimo, taas oo ah tii ugu sarreysay muddo soddon sano ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay farqiqa u dhexeeya qaxootiga, magangalyo doonka iyo soogalootiga?
Qaxootigu waa qof dalkiisa uga soo cararay dagaal, rabshad ama cadaadis. Qofku wuxuu xaq u leeyahay ilaalin sharci ah marka la siiyo sharci qaxootinimo.
Magangelyo-doonku waa qof sidoo kale dalkiisa uga soo tagay rabshado, dagaal ama cadaadis, laakiin aan weli sharci ahaan loo aqoonsan qaxoontinimo.
Sida laga soo xigtay IOM, ma jirto qeexitaan la taaban karo oo "soo galootiga" ah laakiin tilmaanta guud ee la aqbali karo waa "qofka ka guura meeshuu caadi ahaan u degganaa, ha ahaado waddan gudihiis ama xuduud caalami ah, si ku meel gaar ah ama si joogto ah, iyo sababo badan oo kala duwan."
Maxay yihiin arrimaha saameeynta u leh qofka in la siiyo sharciga qaxootinimo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaxootiga waxaa lagu aqoonsadaa iyada oo lagu salaynayo qeexitaanno uu dejiyo sharciga caalamiga ah, laakiin waddamo gaar ah ayaa leh hannaan u gaar ah oo lagu go'aamiyo cidda u qalanta.
Tendai Achiume, oo ah barfasoor ku takhasustay sharciga Stanford, horeyna u ahaan jirtay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cunsuriyadda iyo takoorka, ayaa sheegtay in eexdu ay jirto marka ay timaaddo cidda la siinayo aqoonsiga qaxootiga.
Waxa ay sheegtay in dalalka qaar ay door bidaan inay caawiyaan dadka ay xiriirka la leeyihiin, iyadoo qaxootiga caddaanka ah ay inta badan heleen heer "mudnaan iyo ilaalin" taas oo aysan helin qaxootiga aan caddaanka ahayn.
"Ukrayn waa tusaale dhab ah oo muuqda oo arintan ah," ayay tiri.
"Waxa jirtay qaylo dhaan caalami ah oo ku aadan markii aan aragnay muuqaallada dadka ka soo cararaya dalkaas, in si ka duwan loola dhaqmay dadka ka soo cararaya Ukraine ee aan caddaanka ahayn."
Achiume ayaa sheegtay in danaha istaraatiijiyadeed ee waddan ay sidoo kale qaabeeyaan qaabka ay dalalku u doortaan inay qaabilaan qaxootiga. Tusaale ahaan, waxay noqon kartaa in waddan uu muujiyo dan gaar ah oo ku wajahan ka jawaabista barakaca uu sababay.
"Mararka qaar dalalku waxay muujinayaan inay doortaa qaxootiga nugul, sida haweenka, carruurta ama dadka da'da ah ee la kulma noocyo gaar ah oo cadaadis," ayeey tiri Achiume.
"Laakiin sharciga caalamiga ah wuxuu mamnuucayaa kala-takoorka sida takoorka ku saleysan jinsiyadda, diinta, iyo waddanka uu qofku kasoo jeedo."
Sidee bay jaaliyadaha qaxootiga ee Maraykanku uga jawaabeen dhacdooyinkii dhawaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jaaliyadaha qaxootiga ah ee ku nool daafaha Maraykanka ayaa ka baqaya isbedelada siyaasadda ee degdega ah, ayuu yiri Nils Kinuani, oo ah maamulaha siyaasadda Federalka ee Jaaliyadaha Afrika, kaas oo ah urur taageera soogalootiga Afrikaanka ah ee Maraykanka.
"Dadku ma garanayaan waxa la filayo iyo sida ay noloshooda u qorsheeyaan," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in dadka Afrikaners si degdeg ah loo siiyo aqoonsiga qaxootinimo, halka kumannaan kale ay sanado badan ku qaadato hawshan, waxa ay taasi diraysaa "fariin qallafsan".
"Mareykanka waxa lagu dhisay aasaaska ah in uu yahay waddan soo dhaweynaya oo bixiya ilaalinta dadka khatarta ku jira. Hadda waxa jira mowqifkan cusub ee maamulkan si loo siiyo faa'iidooyinkaas dadka nolosha wanaagsan haysta," ayuu yiri.
Kunani ayaa sheegay in go'aanka maamulka Trump uu yahay mid ay ka danbeyso "cunsurinimo".
Mar la weydiiyay sababta ay dadka Afrikaners ee koonfur Afrika codsiyadooda qaxoontiga uga dhaqsiyaha badan yihiin kooxaha kale, waxa uu madaxweyniuhu sheegay in sabbatu aanay ahayn midabka.
"Beeralayda waa la dilayaa, way dhacdaa inay caddaan yihiin, laakiin hadday caddaan yihiin iyo haddii ay madow yihiin wax farqi ah iima sameyneyso.
Kuani wuxuu intaasi ku daray in go'aanka Trump uu waafaqsan yahay siyaasadda gudaha ee hadda jirta taas oo la arkay isku dayo lagu doonayo in lagu saxo cunsuriyadda Mareykanka.
Tendai Achiume ayaa taas ku raacsan .
"Maamulka Trump wuxuu tixraacay barnaamijyada dib-u-habeynta dhulka, tillaabooyinka fal-celinta ah ee saldhigga u ah in Afrikaners laga saaro," ayay tiri.
"Waxay qeexeeysaa tallaabooyinka ka-hortagga midab-takoorka in ay yihiin cadaadis cunsuriyadeed oo lagu hayo dadka Cadaanka ah.













