Qalfoofta madax bani'aadan oo laga helay cilmi ka yaabiyay seynisyahannada

Cilmi baaris cusub ayaa lagu ogaaday in haraadiga qalfoof bani'aadan oo kasoo jeeda dadkii hore ay aad uga da' wayn yihiin sida markii hore loo malaynayay.

Lafahaas oo uu ka mid yahay madaxa haweeney god laga helay oo lagu magacaabay Mrs Ples, ayaa kumannaan sano ku aasnaa godadka ku yaalla waddanka Koonfur Afrika ee "Cradle of Humankind".

Baaritaanno casri ah oo lagu sameeyay ayaa hadda lagu fahmay in dadkii lafahaas lahaa ay adduunka ku noolaayeen qiyaastii 3.4 ilaa 3.7 milyan oo sano ka hor.

Waqtigan cusub ee laga helay qalfoofta ayaa dib u baddali kara fahamka laga qabay qaabka uu ahaa horumarka bani'aadanka.

Muddo sannado badan ah seynisyahannada adduunka waxa ay aaminsanaayeen in lafahan laga helay meel u dhow magaalada Johannesburg ay lahaayeen dad noolaa wax ka yar 2.6 milyan oo sano.

Godkan dhulka hoostiisa ah ee Koonfur Afrika ayaa laga helay lafihii ugu dhamaystirnaa ee bani'aadankii hore, kuwaasoo ka habboon dhammaan lafaha kale ee laga helay meelaha kale ee dunida.

Qalfoofta ugu aragtida fiican waxaa ka mid ah madaxa haweeneyda lagu naanaysay Mrs Ples oo wajiga labadiisa dhinac uu wada dhammaystiran yahay, kaasoo la helay sanadkii 1947-kii.

Sida laga soo xigtay Madxafka Smithsonian, qalfoofta - oo dadkii lahaa ay dhirir ahaan la ekaayeen 2 dhudhun - waxay aad uga gaaban yihiin bani'aadanka hadda jira.

Raggooda ayuu cel celis ahaan dhirirkoodu ahaa qiyaastii 4 afar dhudhun iyo bar (oo u dhiganta 138cm) halka dumarka ay gaarayeen ku dhawaad 4 dhudhun (oo u dhiganta 115cm).

Qalabka casriga ah ee lagu baaray Mrs Ples iyo lafaha kale ee ku hareereysnaa ayaa hadda uun la ogaaday in ay hal milyan oo sano ka waynaayeen da'dii markii hore loo malaynayay.

Waxaa la rumaysan yahay in bani'aadankan ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee laga soo farcamay.

Tani waxay cilmi dheeraad ah kusoo kordhinaysaa aragtidii hore ee lagu aqoonsaday goorta uu soo billowday isbaddalka horumarka bani'aadanka.

Horay waxa ay aqoonyahannadu isula meel dhigeen in dadkii ugu horreeyay ee la jaan qaaday dunida ay ka mid ahayd haweeney lagu magacaabay Lucy oo la sheegay in ay noolayd waqti lagu qiyaasay 3.2 milyan oo sano ka hor.