You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay "arrinta masiiriga ah ee aan sinnaba looga gudbi karin" ee uu Abiy Axmed ka hor sheegay baarlamaanka dalkiisa
Ka dib muddo kooban oo ay xasilloonayd xiisadda ka dhalatay biyaha Badda Cas, waxaa dhawaanahan soo ifbaxaya hadal haynta la xidhiidha suurtagalnimada dagaal ka dhasha biyaha Badda Cas oo dhex mari kara Itoobiya iyo dalka dariska la ah ee Eriteriya.
Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo maanta hor tagay baarlamaanka dalkiisa ayaa ku celiyay sida ay dalkiisa uga go'an tahay gaadhista biyaha Badda Cas oo ku tilmaamay arrin masiiri oo aan sinaba looga gudbi karin. Khudbad saacado socotay ayaa qaybo ka mid ah waxa uu kaga warramay sida ay isugu xidhan yihiin tirada sii kordhaysa ee dadka Itoobiyaanka iyo helista marin ay ku gaaraan Badda Cas.
"Badda Cas waa arrin masiiri ah. Haddii Xisbigaygu jiro iyo haddii kale. Haddii baarlamaankani dhisnaado iyo haddii kalaba. 130 milyan oo qof oo ku nool dal dhaqaalihiisu kobcayo, kuma sii jiri karaan xabsi dhinacyada oo dhan ka awdan. Cid kasta oo sheegata in ay nabad jeceshahay kama shaqayn karto. Caalamka waxa aan ku wargelinaynaa rabitaanka aan u qabno in dhibaatadayada aan ku xallinno qaab nabadgalyo ah" ayuu yiri.
Abiy Axmed, ra'iisulwasaaraha Itoobiya ayaa ka warramay suurtagalnimada weerar-biyood uu dalkiisu ku qaado waddanka Eriteriya oo dhawaanahan u dambeeyay ay hadal hayntiisu xoogganayd. Waxa uu sheegay in Itoobiya aanay wax xiiso ah u qabin dagaal ay gasho xilligan.
"Dawladda Eriteriya, waxa aan baarlamaanka hortiisa ka caddaynayaa, in aanay Itoobiya xiiso u qabin weerar iyaga ka dhan ah oo la xidhiidha Badda Cas. Waxa keliya ee aan rabo waa in la wada hadlo. Nidaam waxa is weydaarsi ah, wadar-oggol ayaan wax ku xallin karnaa. Haddii aan maanta iska dhaafno berri wax ka xun ayaa ka dhalan kara. Aan wada haladno ma aha aan dagaalanno".
Haddaba, Xirsi Cabdiqaadir (Neero) oo ah falanqeeye arrimaha gobolka Geeska Afrika, horana xildhibaan uga soo noqday dawladda Federaalka ee Itoobiya ayaa ku doodaya in hadalka Abiy ay ka muuqato dabacsanaan marka loo barbar dhigo xilliyadii hore.
"Waxaan u arkayaa nin baahi u qaba bad, laakiin u muuqda in aanu markan xoog ku raadinayn. Waxa kale oo xusid mudan in uu sheegay in caalamku uu garowsaday in dal dadkiisu tiradaas le'eg yahay aanu sii ahaan karin bad la'aan. Waxa kale oo xusud mudan in uu meesha ka saaray dagaal ka dhan ah Eriteriya" ayaa uu yidhi.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa dhinaca kale waxa uu u gooddiyay cid kasta oo isku dayda dagaal ka dhan ah Itoobiya, isaga oo meesha ka saaray hadal-haynta la xidhiidha dagaal ay Itoobiya gasho oo ka dhan ah Soomaaliya ama Eriteriya. Waxa uu sheegay in dalkiisu uu si buuxda u diyaar-garoobay laakiin taasi aanay ka dhignayn in ay iyagu weerar yihiin.
"Itoobiya, marnaba ma qabto cabsi la xidhiidha in dal kale uu weerar ku soo qaado oo uu ka hor istaago hirgelinta riyooyinkeeda ay bilowday. Wax cabsi ah kama qabno. Cidina nagu ma soo dhiirran karto, sababtoo ah waan u diyaargarownay. Taasi kama dhigna in aan innagu weerar nahay. Sida aad la socotaan, waxaa hore loogu celcelinayay Soomaaliya ayay weerarayaan. Waad aragateen sida aan u xallinnay. Isfahan-waagii Soomaaliya iyo Kenya annaga ayaa xallinnay. Labada Suudaan iyo dhammaan dariskeenaba nabadgalyo ayaan la rabnaa".
Xiisadda biyaha Badda Cas ayaa soo bilaabantaya horraantii sannadkii la soo dhaafay ee 2024, kaddib markii isfahan ay wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland. Tallaabadaasi oo gobolka sawaxan ka abuurtay waxaa si gaar ah uga hor timid dawladda Soomaaliya.
Xirsi Cabdiqaadir waxa uu qabaa in aan weli xal rasmi ah loo helin xurgufta ka dhalatay rabitaanka Itoobiya ee Badda Cas.
"Waxay u muuqataa in Eriteriya ay dagaal u diyaargarowday, maadaama ay dhaqdhaqaayo ka samaynayaan dhinaca soohdinta. Waxayse arrintani sidoo kale macne badan u samaynaysaa dalalka aan lahayn dawladaha xooggan in la yidhaahdo nabad ayaan wax ku raadinaynaa".
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa rajo fiican ka muujiyay sida ay ilaa hadda waxa u socdaan, marka laga hadlayo xiisadda muranka dhalisay ee Badda Cas, isaga oo dalkiisa ku tilmaamay in uu joogo marxlad aan ka laabasho lahayn.
"Arrinta Badda Cas waxa loo malaynayay in ay tahay riyo aan rumoobi karin. Dad badan waxa ay is weyddiinayeen sida ay dawladdu ugu fikirtay qorshe noocan oo kale ah. Waxa aan joognaa duni loo baratamayo meeraha Mars. Sidaa daraadeed, masaafo kooban oo aan ka badanayn 60km in gaadhisteeda nala kula yaabo ayaaba la yaab leh. Waxaan nahay rajo ku nool. Rajadeennu waa horumar. Geeddiga barwaaqaduna waa uu sii socon doonaa" ayuu yiri Abiy Axmed.