Tilaabooyin cusub oo ay qaadayaan dalalka Latin Ameerika ee loo sii maro Mareykanka

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Boqolaal tahriibeyaal ah ayaa ku go'doonsan Costa Rica.

Dalalka dhaca Koonfurta iyo bartmaha qaaradda Amerika oo ay Soomaalida Maraykanka u tahriiba sii maraan, ayaa tallaabooyin ka qaadaya qulqulka muhaajiriinta oo sida ay sheegeen ay ku “qarqameen”.

"Tirada dadka imaanaya waxay ka badan tahay awoodda dowladda. Waan hafannay," ayuu yiri wasiir ku xigeenka madaxtooyada Costa Rica Jorge Rodríguez.

Sida laga soo xigtay Jorge Rodríguez, awoodda waddankiisu uu ku maareynayo qulqulka joogtada ah ee sii kordhaya ee muhaajiriinta dalkiisa sii mara ee ku wajahan Mareykanka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay.

Tanina waa sababta uu madaxweynaha Costa Rica, Rodrigo Chaves, talaadadii amarka ugu bixiyey ku dhawaaqida "xaalad degdeg ah oo qaran" taas oo uu ku doonayo inuu ku helo ilo dhaqaale oo badan si loo xoojiyo awoodaha hay'adaha u xilsaaran wax ka qabashada xaaladdan.

Tallaabadan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii todobaadkii hore 25 tahriibayaal ah lagu qabtay xadka koonfureed ee dalkaas ka dib markii ay isku dhaceen askar boolis ah oo isku dayay inay ka hortagaan waratada waddooyinka ee aaggaas, taas oo qalalaaso xooggan ka abuurtay waddanka.

Sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee mas'uuliyiinta xuduudaha, tan iyo bilowgii sannadkan illaa 23kii bishan Sebtembar, in ka badan 390,000 oo muhaajiriin ah ayaa ka gudbay kaymaha khatarta ah ee Darien kuwaas oo kala qaybiya Colombia iyo Panama. Tani waa tiradii ugu badneyd ee abid la diiwaan geliyo waxayna aad uga badan tahay 248,000 oo qof ee halkan ka gudbay guud ahaan sannadkii hore.

Kaddib marka laga gudbo Panama, Costa Rica waa dalka ku xiga ee marrinka u ah muhaajiriinta.

Tan iyo bishii Juun, oo qiyaastii 900 oo muhaajiriin ah ay maalintii soo galayeen dhulka Costa Rica iyaga oo sii mara xudduudda koonfureed, ayuu bishii Agoosto qulqulku gaaray saddex jibbaar gaaraya 2,600 ilaa 2,700 maalintii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Xaaladdani waxay marka hore dammaanad qaadaysaa in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo heer qaran ah, taas oo ay ugu wacan tahay tirada dadka maraya dhulkeenna," ayuu yiri Chaves.

Marka Costa Rica, muhaajiriintu waxay raacaan bas si toos ah ugu qaada Los Chiles, oo ku taal xudduudda waqooyi ee Nicaragua.

Gaadiidkan waxaa hirgaliyay maamulka Costa Rica si ay isugu dayaan in ay ka fogaadaan tirada badan ee soogalootiga ah ee ku sugan dhulkooda, laakiin boqolaal iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale xayirma maadaamay aysan iska bixin Karin $ 30 oo baska lagu raaco.

Xeeladda oo loo yaqaan "qulqulka xakamaysan," ayaa sidoo kale ka jira Panama, halkaas oo muhaajiriintu ay hore u raacaan baska si ay si toos ah ugu safraan xudduudda Costa Rica.

Marka ay yimaadaan waqooyiga Costa Rica, muhaajiriin badan ayaa u weecda waxa loo yaqaan adeegga "Talibans", sida gaadiidleyda loo yaqaanno kuwaas oo geynaya meelaha ka ilduufan dawladda ee xuduudaha Nicaraguan maadaama aysan iska bixin karin $ 150-ka doolar ee Managua ay ku soo rogtay si marin ammaan lo marsiiyo. . iyada oo loo marayo barta soohdinta ee Las Tabillas.

Tilaabooyinka ay qaadayaan dalalka kale ee marinka u ah tabriibeyaasha

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kumanaan tahriibeyaal ah oo ay Soomaali ku jirta ayaa maalin walba sii mara Costa Rica iyaga oo ku socda Mareykanka.

Tan waxay kusoo aadaysa iyadoo ay soo kordhayaan hirarka ajnabiga nacaybka ee qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka kale ee Latin Amerika sida Peru iyo Chille.

Khudbad ay ka jeedisay maalinta madax-bannaanida Peru ee 28-ka Luulyo, madaxweyne Dina Boluarte waxa ay ku tilmaantay qaar ka mid ah soogalootiga dalkeeda soo galaya kuwa “dambiilayaal ah” waxayna ku baaqday in wax laga beddelo xeerka sharciga qaranka si loo fududeeyo masaafurinta.

Waxa kale oo ay sii xoojisay, marka uu dhamaado wakhtiga hadda la joogo ee codsiga joogtada ah ee ku meel gaarka ahi oo ku eg 28-ka Oktoobar, in aanay jiri doonin dib-u-eegis joogto ah, dalkuna uu bilaabi doono in la tarxiilo

Si la mid ah Peru, dalka Chile ayaa sidoo kale la kulmay mowjado ajnabi naceyb ah oo uu hor kacayo musharaxa midig ee xagjirka ah ee José Antonio Kast, kaas oo guuldaradiisa doorashadii 2021 ay ka horreysay mowjad rabshado muhaajiriinta ah oo ka dhacday magaalada Iquique.

Musharaxa garabka bidix ee Gabriel Boric ayaa ku guuleystey doorashada waxaana uu xukunka la wareegay 2022 balse waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay in uu adkeeyo sharciyada socdaalka. Tan iyo bishii Febraayo, dowladda ayaa ciidamo geysay xudduudaha ay la wadaagto Bolivia iyo Peru si ay uga hortagto soo galootiga aan sharciga lahayn.

Bishii Abriil, dowladda Peru ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah waxayna amartay in ciidamadeeda qalabka sida la geeyo xuduudka ay la wadaagto Chile, go'aankaas oo ay dhaleeceysay hay’adda Amnesty International, kaasoo sababay in boqolaal muhaajiriin ah oo u badan kuwa markaas ka yimid Venezuela ay ku xayirmaan saxaraha Atacama.

Muhaajiriinta Soomaalida ah ee marka hore gaara dalalka Koonfurta Amerika sida, Barsil iyo Columbia ayaa ku qasban inay sii maraan Costa Rica iyo Panama.