You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Arrimaha Soomaaliya ay ka mid tahay ee ay ka shireen madaxda Masar iyo Eritrea
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Sabtidii shalay u ambabaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.
Madaxweynaha ayaa booqasho saddex maalmood ah ku joogi doona dalkaasi, kadib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Masar, Cabdul Fattaax al-Sisi.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ay hoggaanka Masar kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba.
Madaxweynaha Masar oo u sii maraya wasiirkiisa arrimaha dibadda, Asseed Sameh Shukri, oo bishii hore booqasho ku tagay Eritrea, ayaa Madaxweyne Isayas ku casuumay inuu booqdo Qaahira si uu ugala hadlo arrimaha gobolka.
Shukri ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea waxa uu kulamo la qaatay madaxda dalka Eritrea, isagoo kala hadlay dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole diblamaasiyadeed oo xooggan oo uu ku doonayo in uu meesha uga saaro heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna si cad uga biyo diideen.
Al-Sisi ayaa ku casuumay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka wada hadlaan arrintan.
Kulankii Madaxweyne Al-Sisi iyo dhiggiisa Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacay Masar 21-kii Janaayo, 2024, Al-Sisi ayaa waxa uu yiri “Masar uma dulqaadan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo ammaankeeda”, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu barbar istaagi doono Soomaaliya haddii laga codsado inay soo farageliso.
Markii 1-dii bishan uu soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhanka badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, ayaa tallaabadii ugu horeysay ee dhanka dublamasiyadda ee uu qaaday Madaxwayne Xasan Sheekh waxay ahayd in u xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyay dhiggiisa Masar.
Madaxwayne al-Sisi ayaa xilligaas u xaqiijiyay sida ay Masar u garab taagan tahay dowladda Soomaaliya ayna ku baaqayaan in la xushmeeyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid muddo dheer soo taxnaa.
Khubarrada arrimahan darsa ayaa sheegaya in xiriirka labada dal uu soo bilaabmay qarniyo ka hor kaasi oo inta badan ku dhisnaa ganacsiga iyo tacliinta.
Taariikhda xusidda mudan ayaa ah in Masar ay kamid ahayd saddex dal oo Qaramada Midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogteeyaan madaxbannaanida Soomaaliya sanadkii 1954-tii.
Dowladaha kale ee ay Qaramada Midoobey arrintan u xilsaartay waxaa ay kala ahaayeen Colombia iyo Filibiin.
Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa k mid ah Kamaalu-diin Saalax oo ahaa diblumaasi Masar u dhashay islamarkana ka mid ahaa wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xilligii Talyaaniga uu joogay koofurta Soomaaliya.
Dhinaca kale danjire Redwaan Xuseen ayaa sheegay in heshiiska is afgarad ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland uusan wax khatar ah ku ahayn Soomaaliya, isla markaana rabitaanka qaar ka mid ah hoggaanka gobolka uu yahay sidii ay dhibaato uga abuuri lahaayeen Geeska Afrika.
War saxaafadeed ka soo baxay Eritrea isla markaana lasoo saaray kadib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Eritrea 9-kii Janaayo ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen “in dhowr ajande oo muran dhaliyay loo xallin doono si dulqaad leh oo wax dhiseysa halkii ay jawaab degdeg ah ka bixin lahaayeen.
Bishii July 2023-kii, Madaxweyne Isaiah waxa uu ka qeybgaley shirkii deriska ee Suudaan ee Qaahira, oo Masar ay ku baaqday. Booqashada hadda ayaa la filayaa in ay diiradda ku saarto heshiiska dekedda Itoobiya iyo waxa ka dhalan kara.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ku jira olole weyn oo u uku doonayo in lagu burburiyo heshiiskii is afgarad ee dhex maray Addis Ababa iyo Hargeysa.
Soomaaliya ayaase garab istaag ka heshay dalal badan oo caalamka katirsan iyada oo Addis Ababa ugu baaqday in ay ka laabato heshiiskan oo ay ku micneysay mid sharciga baal marsan.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu wada hadal la yeelan karo kaliya marka Itoobiya ay ka tanaasusho rabitaankeeda ay ku dooneyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.