You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faahfaahin ka soo baxaysa howgal ka dhan ah ajaaniibta oo ka socda Boosaaso
Magaalada Boosaaso iyo qaybo kale oo ka mid ah deegaannaada Puntland waxaa ka socda raaf ka dhan ah dadka ajaaniibta ah ee halkaas ku nool.
Tallaabadan oo maamulku ku micneeyey mid lagu sugayo amniga, ayaa si gaar ah loogu beegsanayaa "dadka sharcidarrada ku jooga Puntland".
Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Shaardoon oo BBC la hadlay ayaa sheegay in puntland lagu soo "Duulay" oo ajaaniib "argagixiso" ah ay ka soo duuleen.
"Anaga qabqabashada dadka ajaaniibta ah waxaa ka horreysay Puntland waa lagu soo duulay, waxaa ku soo duulay ajnabi argagixiso ah ka kooban dalal badan oo nagu sameeyay qaraxyo badan, buurahii bariga oo dhan dagay, taasaa ka horreysay qabqabashada ajaanibta " ayuu yiri Mr Cabdirisaaq.
Mr Cabdirisaaq ayaa intaa raaciyay in dadka ajaaniibta ah ay kala saarayaan isla markaana baaritaanka arrintaasi ay wali wadaan.
Waxaa uu xusay in ajaaniibta sharciga ku joogta iyo kuwa kale ay kala saari doonaan.
"Ajnabigana hadda waa la kala gurayaa haddii allah idmo maadaama ay yihiin waxa nagu soo duulay ajnabi, waxaa loo kala gurayaa ajnabi dalka sharci ku jooga oo viisooyiin leh oo damiin leh oo aan wax dambi ah dalka ka galin waa la sii daynayaa kuwaas"ayuu yiri Mr Cabdirisaaq.
Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Shaardoon ayaa farta ku fiiqay in ajaaniibta uu dal-kugalku ka dhacay iyo kuwa dambiyada galay la tarxiili doono.
"Ajnabi viisadu ka dhacday dambi haduu galana maxkamadda ayaa la geynayaa haddii uusan dambi galinna waa la musaafurinayaa, ajnabiga dalka sharci darrada ku soo galay sharciga socdaalka ayaa la marinayaa" ayuu intaa ku daray.
Mr Cabdirisaaq oo aan wax ka waydiinay dhalashada dadka ilaa iyo imika la qabqabtay ayaa ka gaabsaday dalalka ay ka soo jeedaan.
Balse waxaa uu carabka ku dhuftay in dadkan ay isugu jiraan dalal kala duwan oo Afrika iyo meelo kale oo ka baxsan ka kala yimid.
"Dalal badan weeye oo aduunka oo dhan ka tirsan, laakiin kuma kala sheegi karo oo Afrika iyo Eeshiya iyo Carab mid kasta way leeyihiin" ayuu yiri Mr Mr Cabdirisaaq.
Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Shaardoon oo aan waydiinay sababta ay u kala saari la'yihiin dagaalka ka dhanka Daacish iyo dadka ajaaniibta ah ee ku sugan magaalooyinka Puntland ayaa sheegay in ay hubin doonaan dadka ay qabqabteen.
"Waa la hubinayaa, waxaan caddeyn u haynaa waxa dharjaale isku qarxiyay ajnabi ayay wada ahaayeen, qaraxii u dambeeyay ee dhacay 24 bisha wixii fuliyay ajnabi bay ahaayeen , buuraha waxa ka dagaalamaya ajnabi bay ahaayeen sidaa awgeed maadaama xudduuduhu furin yihiin dadka ajnabiga ah waa la hubinayaa cidii aan dambi lahayna dambi ma leh," ayuu yiri.
Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Shaardoon ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Puntland ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada, balse aysan wax dhibaato ah u geysan doonin ajaaniibta ku nool magaalooyiinka Puntland.
"Shacabka dagaalka argagixisada way ku jiraan laakiin qof ajnabi ah shacabka dhibaato uma geysanayaan dowladdana dhib uma gaysanayso, qofka ajnabiga ah waa la soo qabanayaa, hay'adaha ammaanka ayaa soo qabanaya, waa la baarayaa dadka waxa qabqabanayaa hay'adaha ammaanka" ayuu xusay.
Dhawaan ayay ahayd markii maamul goboleedka Puntland ay soo saareen amarro culculus oo ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee halkaas sharcidarrada ku jooga, iyadoo go'aankan lagu sheegay mid lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulkaas.
Howlgalkan lagu qabqabanayo ajaanibta ku sugan deegaannada Puntland, waxaa soo dadajiyay sida ay wararku shegayaan dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, oo nin shisheeye ahaa ay laamaha ammaanku qabteen xilli sida la sheegay uu dhabbe mashquul badan ku aasayay miino, kaasoo ciidamadu ay toogteen.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in ninkaas oo markii dambe dabagal lagu sameeyay la ogaaday inuu ajanabi ahaa, isla markaana uu iska dhigi jiray nin ganacsade ah oo magaalada tusbaxyo iyo waxyaabaha carfa ku wareejin jiray.
Mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland waxaa ay ku doodayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeya dagaalka Daacish iyo howgallada lagu beegsanayo ajaanibta ee ka socda qaybo ka mid ah Puntland.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur, oo BBC-du waydiisay su'aashaan ayaa ku jawaabay.
"Waxaa ka dhaxeeya saddex arrin oo muhiim ah: Kow waa isku xisbi oo waa ninmankii Daacish, sida ay sheegteen iyo calaamadaha aan haynoo idil. Laba waxaa lagu hayaa fal-dambiyeedkii uu ku jiray ninkii la dilay, waxaa loogu dul tagay isagoo miino aasaya,".
Inkastoo aan si dhab ah loo haynin tirada dadka ajnabiga ah ee ku sugan deegaannada maamulka Puntland, haddana mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in kumanaan qof ay joogaan deegaannadaas, kuwaas oo qaarkood ka shaqeysta gudaha magaalooyinka iyo deegaannada maamulka.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur ayaa sheegay in Puntland ay ku sugan yihiin tiro badan oo dad ah oo ka yimid dalalka Yemen, Suuriya iyo Itoobiya oo ay xuduud wadaagaan dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dad kale oo iyaguna ka soo jeeda dalal ka tirsan Afrika hase yeeshee aanu magacaabin ay sidoo kale ku sugan yihiin deegaannadooda.
Dadkaas ayaa u badan qaar xoogsato ah iyo qaar kale oo ka sii tahriiba Puntland.