Adigoo qashin xaaqa haddaad lacag badan hesho weli qashin-xaaqid ma wadi lahayd?

Haweenka guuleysatay

Xigashada Sawirka, ARUN CHANDRABOSE

Bishii Juun ee la soo dhaafay, 11 haween oo ah shaqaale nadiifiya dhulka oo deggan gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa bilaabay inay aruuriyaan lacag ay ku iibsadaan tigidh bakhtiyaa nasiib ah.

Hase yeeshee nasiib wanaag toddobaadkii hore ayay farxadda weyn la soo deristay kadib markii ay ogaadeen inay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiibka oo dhan 100 milyan oo Rupees, oo u dhiganta 1.2 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Inkasta oo ay noloshooda is badashay haddana maalintii xigtay ayaa waxaa la arkay iyagoo sidii caadiga ahayd shaqadoodii nadaafadda u sii wata.

Haweenkan ayaa qayb ka ah koox uruurisa qashinka laga soo daadiyo guryaha magaalada Parabanangadi ee degmada Malappuram ee gobolka Kerala.

Caadi ahaan waxa ay maalintii ka helaan shaqada qashin uruurinta ilaa 250 rubi taas oo ay ka bixiyaan qaraashaadka qoysaskooda ay ku biilaan, mararka qaarkoodna qayb ka mid ah lacagtaas waxay ka helaan iibinta qashinka ay dib u habeynta ku sameeyaan shirkadaha maxaliga ah.

Haweenkan ayaa ka sheekeynaya xaaladdooda dhaqaale ee adag, iyo in dhaqaalaha ay helaan uusan ku filneyn inuu daboolo kharashaadka ay u baahan yihiin.

Inta badan haweenkan ayaa shaaca ka qaaday in ay lacago amaahdaan si ay ugu suurta gasho in ay caruurtooda waxbarshada uga bixiyaan oo sidoo kalana ay ku daboolaan baahiyahooda kale.

Bakhtiyaa-nasiibka sharci-darro ayuu ka yahay gobollo badan oo Hindiya ku yaalla, laakiin dowladda gobolka Kerala lafteedu waxay waddaa barnaamij bakhtiyaa nasiib ah oo aad loo jecel yahay, bakhtiyaa-nasiibka ay maamulaan shirkadaha gaarka loo leeyahay waa ka mamnuuc gobolka.

Sida ay ku uruuriyeen lacagta ay ku iibsadeen kaarka bakhtiya nasiibka

Kotimalu, oo 72 jir ah, ayaa sheegtay inay aad uga murugootay markii saaxiibadeed,

Xigashada Sawirka, ARUN CHANDRABOSE

Bishii hore, kooxdu waxay go'aansatay inay iibsadaan tigidh 250 Rupees ah kaas oo loogu talagalay bakhtiyaa nasiibka weyn ee la yirahdo Monsoon. Abaalmarinadan waaweyn ama faa'iidada badan waxaa lagu bixiyaa munaasabado gaar ah sida ciidaha.

Kotimalu, oo 72 jir ah, ayaa sheegtay inay aad uga murugootay markii saaxiibadeed, Radha, ay billowday inay lacag u ururiso tigidada, sababtoo ah ma haysan lacag ku filan oo ay ku bixiso qaybteeda qiimaha tigidhada bakhtiyaa nasiibka.

Chiromanil Baby (xubin kale oo kooxda ka tirsan) ayaa BBC-da u sheegtay inay haysatay 25 rupees, ayna iyadoo rabta inay bixiso lacagta ay Kutimulu ka codsatay inay qaar amaahiso lacagta sidaa darteed Chiromanil iyo Kutimalu wuxuu qofkiiba bixiyey 12.5 Rupee si aysan uga harin saaxibadood oo ay u iibsadaan tikidka bakhtiyaa nasiibka halka sagaal kale uu qofkiiba bixiyay 25 rupees.

Radha ayaa tiri, "Tani waa markii afaraad oo aan iibsano tigid bakhtiya nasiib ah gaar ahaan kan lacagta badan lagu helo laakiin markaan afaraad ayuu nasiibka ina caawiyay!"

Xigashada Sawirka, ARUN CHANDRABOSE

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan ku heshiinay inaan heli doono saami siman haddii aan wax ku guuleysano...laakin dhab ahaantii ma aanan fileyn inaan ku guuleysaneyno lacag aad u badan!" ayay yiri Kotimalo.

Haweenka ayaa ogaaday in ay ku guuleysteen bakhtiya nasiibka maalin kadib markii mid ka mid ah ay ninkeeda ka codsatay inuu hubiyo natiijada.

Radha ayaa tiri, "Tani waa markii afaraad oo aan iibsano tigid bakhtiya nasiib ah gaar ahaan kan lacagta badan lagu helo laakiin markaan afaraad ayuu nasiibka ina caawiyay!"

Shiromanil Bibi, oo 62 jir ah, ayaa sheegtay in ay ku adag tahay in ay rumaysato in kooxdu ay ku guuleysatay bakhtiyaa-nasiibka.

"Hore nasiibkan uma helin," ayay raacisay. Gurigeeda waxaa qaaday daadad ba'an oo ku dhuftay Kerala 2018. Waxay hadda qorsheyneysaa inay dhisato guri cusub sidoo kalana ay iska bixiso deymaha lagu leeyahay.

Dumarka kale ee kooxda ku jira waxay leeyihiin qisooyin la mid ah kuwa Chiromaniel.

Ki Bindu, oo 50 jir ah, ayaa ninkeeda ku weyday kal hore xanuun dhanka kelyaha ah. Qoyska ayaa awoodi waayey inay iibsadaan kelyo lagu badbaadiyo.

"Ninkaygu wuxuu tigidada bakhtiyaa-nasiibka ku iibsan jiray lacagtii uu ku bixin lahaa sifeynta kelyihiisa. Wuxuu nooga tagay dhismo aan dhammaanayn, kaas oo ay burburiyeen daadadku, hadda waa inaan dhammeeyaa dhismihiisa," ayay tiri Ki Bindu.

Ki Bindu waxa ay doonaysaa in lacagta ay saami ahaan u hesho ay sidoo kale ku bixiso waxbarashada gabadheeda 15-jirka ah, si ay mustaqbalka shaqo fiican u hesho.