Sidee ayay Canada ku noqotay meesha ugu badan ee laga xado gawaarida?

agar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Logan LaFreniere wuxuu 2022-kii bishii Oktoobar soo toostay gaarigiisa oo ka maqan albaabka hore ee guriga.

Ma oolin gaarigiisa Ram Rebel halkii uu xalay kaga tagay. Kaamerooyinka gurigiisa Ontario waxay qabteen labo nin oo madaxa u dabool yahan oo jabinaya gaariga kaddibna si fudud u kaxeysanaya.

Dhowr bilood kaddib gaarigii sida fudud lagu xaday ayey ku arkeen bog lagu iibiyo gawaarida dalka Ghana, waa meel u jirta 8,500 oo km halka uu gaarigooda yaal.

Mr LaFrenie waxa uu BBC-da u sheegay markii uu arkay gaariga in uusan shaki ka gelin in gaariga uu yahay kiisa.

Sheekada Mr LaFrenie ma ahan mid gaar ah. 2022-kii, in ka badan 105,000 gaari ayaa laga xaday Canada. Waxay taas u dhigantaa in shantii daqiiqadoodba la xadayay hal gaari. Dadka gaawirada laga xaday waxaa ka mid ah gaariga wasiirka cadaaladda Canada oo ahaa gaari Toyota Highlander XLE oo dowladdu leedahay. Labo jeer ayey tuugo xaday gaarigaas.

Xatooyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maamulka waxay sheegeen in marka gawaaridan la xado loo adeegsado in wax lagu dhaco ama laga iibiyo dad kale oo u dhashay Canada oo aan ka shakin ama in wadanka laga saaro oo dibadda la geeyo.

Booliska caalamiga ee Interpol waxay sheegeen in ay heleen gawaari ka badan 1,500 oo adduunka kala yaal, kuwaas oo laga xaday Canada ilaa bishii Febraayo. Toddobaadkii, ku dhawaad 200 oo gaari ayaa inta badan lagu qabtaa dekadaha dalal kale.

Xatooyada gawaarida waa wax si xad dhaaf ah ku socda sida ay sheegeen ururka ceymiska ee Canada kuwaas oo sheegay in ay kaga baxday 1.5 bilyan oo doolar si loo siiyo dadka laga xaday gawaarida magdhow.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arintan waxay keentay in booliska dalka oo dhan ay soo saaraan qoraallo ay ka hadlayaan sidii aad gaarigaaga uga ilaalsan laheyd in la xado.

Dhanka kale, dadka reer Canada waxay bilaabeen in ay iyaga wax ka qabtaan dhibaatada. Waxay gawaarida ku rakibeen qalabka lagu raadraaco iyo sidoo kale shirkado gaar ah oo xaafadahooda ilaaliya.

Dadka qaar waxay gurigooda hortiisa ku xireen biro dhulka ka soo baxa oo la mid ah kuwa safaaradaha iyo bangiyada si looga hortago tuugada.

Nauman Khan oo ku nool Mississauga oo ah magaalo ku taal bannaanka Toronto ayaa bilaabay ganacsi guryaha geliya biraha dhulka ka soo baxa kaddib markii isaga iyo walaalkii ay ka mid noqdeen dadka gawaaridooda la dhacayay.

Khan wuxuu sheegay in tuugada ay gurigiisa soo galeen xilli xaaskiisa iyo carruurtiisa ay hurdeen. Waxay raadinayeen furaha gaariga balse way carrareen markii uu ku kacay.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo UK waxaa kordhay gawaarida la xadayo laga soo bilaabo xilligii Covid-19. Heerka gawaarida laga xado Canada waa ka badan kan UK balse waxa uu ku dhow yahay kan Mareykanka.

Xatooyada gawaarida ayaa lagu sheegay in ay timid kaddib markii soo saaridda gawaarida caalamka ay yaraadeen kaddib Covid-19. Sidoo kale waxaa jira in noocyo ka mid ah gawaarida caalamka aad loogu baahan yahay sida uu sheegay Elliott Silverstein oo ah aggaasimaha xiriirka dowladda iyo ururka gawaarida Canada.

dekad

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

Booliska waxaa u suuragashay in qaar ka mid ah gawaarida la xaday ay dib u soo helaan.

Bishii Oktoobar booliska Toronto waxay sheegeen in baaris socotay 11 bilood ay ku soo heleen 1,800 oo gaari oo qiimahoodu gaarayo 60 bilyan oo doolar.

Intii u dhexeysay Desember ilaa iyo bishii Maarso sanadkan waxay booliska iyo ciidamada ilaalada xudduudaha qabteen 600 oo gaari oo la soo xaday kaddib markii ay bareen 400 oo konteenar. Howlgallada ceynkaas ah waa kuwa adag in la sameeyo.

Shaqaalaha dekadaha sharci uma haystaan ay ku baaraan konteenarada, ciidamada xuduudaha iyo kuwa canshuuraha ayaa furi kara konteenarada iyagoo aan u haysan warqad ogolaasho.