Hargaysa: Shabakad baabuurta xadda oo gacanta lagu dhigay
Ciidanka booliiska ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.
Baabuurta la xado ayaa intooda badan boliisku soo helayey iyagoo qalfoof ah oo wax walba laga furtay.
Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan nooga diyaariyay dhacdadan isagoo la hadlay taliyaha guud ee boliiska general Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo dad laga xaday baabuurtoodii oo boliisku u soo heleen raqdii gaadiidkooda.