Wararkii u dambeeyay: Maraykanka oo eryanaya markab shidaal oo u ku dhow Venezuela

Ciidamada badda Marayknaka ayaa ku jira dabagalka markab kale oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee u dhow Venezuela, iyada oo xiisadda gobolkaasi ka taagan ay sii kordhayso.

Maraykanka ayaa horay u qabsaday laba markab oo shidaal qaada, iyada oo mid ka mid ahna la qabtay Sabtidii.

Dabagalka Axaddii dhacay ayaa la xiriiray "markab ka tirsan maraakiibta qarsoon ee cunaqabateynta ay saaran tahay ee qaybta ka ah ka fogaanshaha sharci-darrada ah ee cunaqabateynta Venezuela," sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. "Waxa uu sitaa calan been ah, waxaana u jaran amar maxkamadeed soo qabashadiisa."

Washington ayaa ku eedeysay Venezuela inay lacagta ka hesho shidaalka u adeegsato maalgelinta dambiyada la xiriira daroogada, halka Venezuela ay ku tilmaantay qabashada maraakiibta shidaalka "xatooyo iyo afduub."

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkii hore amar ku bixiyay "xannibaad" lagu sameeyo maraakiibta shidaalka ee cunaqabateynta saaran ee galaya kana baxaya dalkaasi.

Venezuela ayaa leh kaydka shidaalka ee la xaqiijiyay ee ugu weyn dunida, waxaana ay ku eedeysay maamulka Trump inuu isku dayayo inuu xado kheyraadkeeda.

Maamulka Mareykanka weli si rasmi ah uma xaqiijin dabagalkii Markabka ee dhacay Axaddii, mana cadda weli goobta saxda ah iyo magaca markabka ee la xiriira arrintan.

Ilaa toddobaadkii hore, in ka badan 30 ka mid ah 80 markab oo ku sugnaa biyaha Venezuela ama ku soo wajahan dalkaasi ayaa ku jiray cunaqabateyn Mareykan ah, sida laga soo xigtay xog ay diyaarisay TankerTrackers.com.

Qabashadii Sabtidii ayaa ahayd markab shidaal qaada oo wata calanka Panama, kaas oo ay fuuleen koox xeeladaysan oo gaar ah, iyada oo ay ku sugnaayeen biyaha caalamiga ah.

Markabkaas kuma jiro liiska maraakiibta cunaqabateynta saaran ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, balse Mareykanka ayaa sheegay inuu siday "shidaal PDVSA ah oo cunaqabateyn ay saaran tahay " Shan sano ee la soo dhaafay, markabku wuxuu sidoo kale ku safray calamada Giriigga iyo Liberia, sida ku cad diiwaanno ay aragtay BBC Verify.

"Falalkan ma noqon doonaan kuwo aan ciqaab lahayn," ayay dowladdu Venezuela ku tiri jawaab ay ka bixisay dhacdadii Sabtidii. Waxay intaas ku dartay inay qorsheyneyso inay cabasho u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo "hay'adaha kale ee caalamiga ah iyo dowladaha dunida."

Venezuela waxaa ay ku tiirsan tahay dakhliga ka soo gala dhoofinta shidaalka si ay u maalgeliso kharashaadka dowladdeeda.

Toddobaadyadii u dambeeyay, Mareykanka ayaa kordhiyay joogitaankiisa militari ee Badda Caribbean-ka, wuxuuna fuliyay weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday doonyo lagu eedeeyay inay daroogo ka tahriibiyaan Venezuela, kuwaas oo lagu dilay ku dhowaad 100 qof.

Cunaqabateyn ayaa sidoo kale lagu soo rogay qaar ka mid ah ehelada Madaxweyne Maduro iyo ganacsiyo la xiriira waxa Mareykanku ku tilmaamo xukunkiisa sharci-darrada ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa Jimcihii wariyeyaasha u sheegay: "Way caddahay in xaaladda hadda jirta ee la xiriirta nidaamka Venezuela ay tahay mid aan la aqbali karin." Wuxuu intaas ku daray in hadafka maamulka Trump uu yahay in la beddelo xaaladdaas.

Hadalladiisa ayaa waxaa dhaleeceeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Venezuela, kaas oo ku eedeeyay Rubio inuu Mareykanka ku jiidayo waddada "isbeddelka nidaamyada dowladeed."

Ma jirto caddeyn dadweyne oo la soo bandhigay oo muujinaysa in maraakiibtan ay siday daroogo, waxaana militariga saaran cadaadis sii kordhaya oo kaga imanaya baarlamanka oo la xiriira weerarradaas.

Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro inuu hoggaamiyo urur loo aqoonsaday argagixiso oo la yiraahdo Cartel de los Soles, arrintaas oo uu Maduro beeniyay.