Fooxa adduunka kasii dhamaanaya ee laga helo Somaliland

Saleebaan Salaad Muuse wuxuu noloshiisa oo dhan ka shaqeynayeyfooxa udgoon ee luubaanta.

Waxa uu ku noolaa tuulada yar ee Dayaha ee gobolka Sanaag ee Somaliland, wuxuu u shaqeeyaa sidii khabiir khibrad leh oo soo saara xabagta udgoon ee caan ka ah, taas oo kaliya laga helo geedka Boswellia.

Sanad kasta, Salaad Muuse wuxuu ku jiraa saddex ilaa lix bilood god ku yaalla dhul uu leeyahay oo geeddo leh. Maalin kasta waxa uu u baxaa dhul ay qoyskiisu leeyihiin oo ay daryeellayeen fac ka fac. Wuxuu ku dhex socdaa geed ilaa geed, isagoo ka baaro cayayaanka, islam markaasna carro gediya ciidda si uu daryeelo miraha uu beertay horaantii xilligan.

Laakiin masiirka keymahani, iyo guud ahaan nolosha dadka xannaaneeya geedahan luubaanta, ayaa weli halis ku jira. Marka keymahaasi ay guuldarreystaan, warshadaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ku dhisan xabagta luubaanta ayaa lagu qasbayaa inay dib u eegaan sida ay badceedahani kusoo gaarayaan.

Luubaanta waxa loo isticmaalayay kumanaan sano daawooyinka Hindiya iyo Shiinaha, waana mid ka mid ah alaabooyinka ugu horeeyay ee si caalami ah looga ganacsado. Maanta, waxay noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah warshadaha caafimaadka ee $5.6tn (£4.2tn), iyadoo loo isticmaalo soo saarista waxyaabaha udgoon oo foox ah oo loo isticmaalo fekerka iyo bogsashada daawo ahaan, iyo sidoo kale caadooyinka qayb ka mida ah cibaadada diinta Kaatooliga ee qarniyo badan.

Si kastaba ha ahaatee, Salaad Muuse, oo leh xiriirro badan oo dhuleed. Isaga iyo qaar kale oo badan oo ay usoo go'do luubaantu oo ku nool Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan waxay ku tiirsan yihiin xabagta luubaanta si ay u helaan dakhligooda.

Waxay qaadan kartaa 10 sano ama ka badan in geed uu ka bogsado dhaawaca ka dhashay goosashada xad-dhaafka ah

Geeska Afrika waa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee wax soo saarka caalamka, oo ay ku jirto, Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan. Maanta, si kastaba ha ahaatee, xiisadaha gudaha, lacagaha yar ee la siiyo beeralayda, xeerarka aan la hubin iyo baahida caalamiga ah ee sii kordheysa ayaa cadaadis saaraya qaar ka mid ah dadka goosta dalagyada ee dalalkan si ay geedaha ugu isticmaalaan heerar aan waaritaan lahayn.

Duni ka fog sheekada farxadda leh ee ciidaha, badeecadda la raadiyo waxay ka bilaabataa noocyo dhowr ah oo geedka Boswellia, geed ka baxa lamadegaanka oo leh diir khafiif ah iyo caleemo yaryar, badanaana lagu arkaa isagoo ka baxay dhererka buuraleyda qalalan ee Somaliland. Dadka ka shaqeeya Somaliland waxay ka guraan xabgta geedaha Boswellia ee keymaha , badanaa waxay saacado badan ku shaqeeyaan mushaar ku saleysan wax soo saarka xabagta luubaanta, kaas oo hoos yimaada nidaam qiimahu is bedbeddela iyo sisku xirka suuq geyn aan rasmi ahayn. Khubaradu waxay sidoo kale sheegaan inay u nugulaan karaan dad ddalaaleey ah oo ka faa'iidaysta colaadda ka jirta deegaanka iyo maqnaanshaha kormeerka dowladda.

Xabagta dhaqameed waxaa loosoo saaraa si taxadar leh, iyadoo si taxaddar leh loosoo goynayo. Laakiin maanta, geedaha Boswellia inta badan si xad dhaaf ah ayaa loogasoo soo saaraa xabagta, taasoo ku keenta dhaawac muddo dheer ah geedka qiimaha leh. Sida lagu sheegay warbixin 2022, geedku waxa uu qaadan karaa 10 sano ama ka badan si uu uga bogsado dhaawaca ka dhashay goynta xad dhaafka ah.

Qoddoba kale oo badan ayaa sidoo kale saameeynaya geedaha. Isbeddelka cimilada ayaa durba saameyn ku yeeshay meelaha qaar. Faafitaanka cayayaanka, goynta alwaaxda ayaa sidoo kale ah mid aad u xun. Bulshooyinka B. Papyrifera, oo ah isha ugu weyn ee fooxa laga helo Itoobiya iyo Suudaan, ayaa hadda hoos u dhacaya guud ahaan aagga juqraafiyeed, sida lagu sheegay daraasad 2019 ee dhanka dabeecadda. In ka badan 75% bulshooyinka daraasadda lagu sameeyay ma laha geedo da'yar, sida la ogaaday, iyo dib-u-soo-nooleyn dabiici ah "ma jirto muddo tobanaan sano ah", sababtoo ah isku darka "daaqasashada lo'da, gubashada joogtada ah iyo goosashada aan fiicnayn".

Daraasadda ayaa xustay in noocyada kale ee Boswellia ay wajahayaan halis la mid ah (ganacsiga luubaanta udgoon weli wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay geedaha keymaha ah halkii laga beeri lahaa). muddo 20 sano gudaheed ah, daraasadu waxay saadaalisay in wax-soosaarka xabagta udgoon ay kala bar hoos u dhici doontoo.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen dhibaatada ku jirta qiimeynta geedaha deegaanka sababtoo ah xiisadaha maxalliga ah.

Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu ka dhigi karaa dadka xabagta guranaya inay la kulmaan heshiisyo ganacsi oo ah hadda iibso hadda bixi oo ay ku lug leeyihiin dallaaliin badan, ayuu yiri Andy Thornton, khabiir suuqyada xabagta udgoon iyo lammaane maamule ah oo ka tirsan Silvan Ingredient Ecosystem, oo ah la-talin isku xirka sahayda oo adkaysi leh.

Markii ay xabagtu gaarto shirkadaha qeybiyaa udgoonka ee Galbeedka, waxa la iibin karaa ilaa $60-100 (£45-75) kiilo garaamkiiba, ayuu ku daray, laakiin goosadeyaasha Somaliland waxay sida caadiga ah helaan kaliya $2-5 (£1.50-3.70) kiilo garaamkiiba, taasoo ah kaliya 3% qiimaha ugu dambeeya.

"Dadka samaynaya qiimaha dhoofinta waa kuwa haysata lacag ku filan si ay u ururiyaan isku xirka badeecada ka dibna ay ku qaadaan khatarta ku saabsan gudbinta," ayuu yiri Thornton.

Suuqa luubaanta ee caalamiga ah waxaa lagu qiyaasay $363m (£271m) sannadkii 2023, iyadoo laga ganacsanayo qiyaastii 6,000-7,000 tan sannadkiiba, waxaana la saadaalinayaa in qiimahiisu ku dhawaad labalaabmi doono oo uu ka badan doono $700m (£520m) sanadka 2032. Dhammaan 24 nooc oo geedka Boswellia oo ka kala baxay dunida, labada nooc ee muhiimka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa leh astaamo iyo udug aad loo qiimeeyo. Baahida Boswellia Frereana, oo asal ahaan ka soo jeeda waqooyiga bari Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa aad u xooggan, waxaana iibsadayaasha caalamigaa u bixiyeen "boqorka xabagta udgoon".

Natiijooyinka ka soo baxay barnaamijyada tijaabada ah ee hor dhaca ah ee ee app loogu talagalay in lagu gaaro kuwa shaqeeya luubaanta laga bilaabo Janaayo 2023 ilaa Juun 2024, ayaa muujiyey in in ka badan 8,000 oo luubaanta ka shaqeeya lagu gaadhay. DFEC sidoo kale waxay sheegtay inay taageertay ku dhawaad 1,400 oo ah dadka ay usoo go'do luubaantu ay ka taageertay barnaamij ah sidii ay ula qabsan lahaayeen isbedelka cimilada iyada oo loo marayo aqoon-isweydaarsiyo iyo tababarro si looga caawiyo daryeelka geedaha. Todobo tan oo luubaan ah ayaa ilaa hadda laga soo iibsaday bulshooyinka maxalliga ah iyada oo loo marayo app-ka, iyadoo in ka badan 3,000 geed oo xabagta luubaanta ah laga diiwaan geliyey beero dhowr ah.

Inkastoo ay suurtagal tahay in la isticmaalo barnaamijyada appka , qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa ku doodaya in weli ay jirto baahi loo qabo in shaqo dheeraad ah la sameeyo si loo dhiirrigeliyo baahida loo qabo dhirta udgoon ee luubanta laga guro iyo iibkeedaba.