Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran

Shirka wadatashiga qaranka

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Waxaa dhawaan War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka golaha wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo maalmihii u dambeeyay ka socday aqalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa laga Heshiiyay dhowr qodob oo laga dooday.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in intii u shirka socday la faaqiday arrimo badan oo ay ka mdi yihiin amniga, siyaasadda iyo shuruucda dalka.

Waxaa sidoo kale sida warmurtiyeedka lagu xusay ay golaha wadatashiga qaranka bogaadiyeen ansaxinta baarlamaanka federaalka ay ansixiyeen afar cutub oo dastuurka ka mid ah.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in intii uu shirka socday warbixinno laga dhageystay hogaamiyaha maamulka kumeelgaarka ee Khaatuma oo ka warbixiyay xaaladda deegaanadaasi.

Waxaa xusid mudan in kulankan aysan goob joog ka ahayn mamul goboleedka Puntland oo iyagu shirka horey u qaadacay.

Qaar ka mid ah madaxda shirka ak qeyb galay

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka ak soo baxay

1. Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Madaxda ka qeyb gashay shirka wadatashiga qaranka ayaa si wayn u falanqeeyay arrimaha amniga oo ay sheegeen inay udub dhaxaad u yihiin howlaha dowlad dhiska Soomaaliya.

Sida ku cad warmurtiyeedka laga soo saaray shirka waxaa ay madaxdu ku heshiyeen in laga wada qeyb qaato la dagaalanka Al-shabab, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo.

Waxaa sidoo kale ay bogaadiyeen dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula-wareegayaan mas'uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabab ayaa waxaa muddooyiinkii u dambeeyay ay ku jireen hakad islamarkana qeybo ka mid ah meelihii ay ciidamada dowladda horay u qabsadeen ayaa waxa dib ula wareegay Shabab.

Qaar ka mdi ah madaxdii shirka ka qeybgashay

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

2.Dhameystirka dib- u- eegista Dastuurka

Qodabada kale ee muhiimka ah e shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah arrimaha dhameytirka Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomalaiya.

Qodobkan ayaa muddooyiinkii u dambeeyay waxaa ka taagnaa dood ka dib markii ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen qodobo wax looga badalayay dastuurka fedaraalka Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaranka ayaa isku afgartay islamarkana ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

Si dalka ay uga taaba gasho doorasho qof iyo hal cod ah, waxaa warmurtiyeedka lagu sheegay in xukuumada Federaalka iyo hay'adaha sharci dajinta ay dardargaliyaan sharciyada, xeerarka iyo hay'adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka

Arrimaha bani'aadamnimada

Sida ku cad warmurtiyeedka golaha wadatashiga qaran waxaa laga wada hadlay arrimaha bina'aadanimada.

Waxaa si gaar ah ay madaxda isula soo qaadeen saameynta ay Soomaaliya ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da'ay qaybo ka mid ah dalka.

Hay'adaha dowladda federaalka iyo kuwa gargaarka ayaa waxaa loogu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaadaha iyo roobabka saameeyeen.

Si kastaba ha ahaateen waxaa uu shirkan ku soo beegmay xillii uu meel adag marayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntlan oo aan iyagu shirka ak qeyb galin.

Sidoo kale Puntland horey ugama qeyb galin kulamadii hore ee madashada wadatashiga qaran.