Daawo: Sida tahriibayaal badan loogu dilo Sacuudiga
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga lagu eedeeyay inay dad badan ay ku laayeen xadka dalkaasi uu la wadaago Yemen.
Warbixintu waxa ay sheegtay in boqolaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah kana tallaabay xadka dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan la toogtay. Dadkaan ayaa doonayay in ay gaaraan Sacuudiga.
Muhaajiriinta ayaa BBC-da u sheegay in ay xabaddu ka naafeysay kana gooysay qaybo ka mid ah jirkooda sida lugaha, ayna arkeen meydad waddooyinka yaalla. Sacuudi Carabiya ayaa horay u diiday eedeymaha dilalka qorsheysan.










