Ayaan Kaaba: Waxaan jeclahay inaan shukaansado nin meel fog iga jira

Kaaba Axmed Caydiid

Xigashada Sawirka, Kaaba Axmed Caydiid

Abwaanad Ayaan Axmed Caydiid, oo ku magac dheer Ayaan Kaaba, ayaa wareysi ay siisay BBC-da ku sharraxday heesaha ay curisay iyo taariikhaha jacaylka ee ku hoos duugan.

Ayaan Kaaba oo ka mid ah hal-abuurrada loogu jecel yahay Soomaalida ayaa soo saartay heeso iyo gabayo badan oo ay ku cabireyso arrimaha bulshada, dhaqanka iyo jacaylka.

Si gaar ah waxay uga hadashay qisooyinka ay heesaheeda caan baxay ku saabsan yihiin. Sidoo kale maxay ka fikirkeeda uga hadashay shukaansiga dhex mara dadka masaafe ahaan aad u kala fog.

Shukaansiga qof kaa fog

Kaaba Axmed Caydiid

Xigashada Sawirka, Kaaba Axmed Caydiid

Ayaan ayaa sheegtay in iyadu ay xiiseyso in ay haasaawe la wadaagto rag masaafe ahaan ka fog.

“Inta badan waxyaabaha an anigu aadka u jeclahay waxaa ka mid ah inaad la hadashid qof kaa fog. Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxay taasi ahayd marxalad aah ku jiray oo qofba qofka uu kasii fog yahay ayaan xiriir la sameynayay,” ayey tiri.

Iyadoo la guursan ayey soddohdeed u heestay

Qoraalka Codka, Abwaanad Ayaan Kaaba oo ka hadashay waayaheeda fanka

Mar sii horreysay oo baraha bulshada ay qabsatay hadal-heyn ku saabsan soddohda iyo xuquuqda ay ku leedahay qoyska wiilkeeda ayay Ayaan Kaaba soo saartay tix ay ku taageereyso soddohda, iyadoo aan weli la guursan.

“Dabcan aniga soddoh ma lihi, ma garan karo [qofka noqonaya soddohdey] laakiin waxaan rajeynayaa in uu Alle nolol isku kaaya tuso,” ayey tiri.