Dhibaatada Maandooriyaha ee Muqdisho iyo hadalheyntii qabsatay TikTok

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay dhibaatada sii xoogaysanaysa ee uu maandooriyaha ku hayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo dhallinyaro iyo dad da' dhexaad ahba ay ku isticmaalaan.

Mas'uuliyiinta maamulka magaalada ayaa isla xiriiriyay falalka amni darrada iyo maandooriyaha oo kusii xoogeysanaya caasimadda Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan oo ah taloyaha Hoggaanka Diinta iyo Dhaqanka ee Booliska Soomaaliya BBC-da u sheegay in arrintan caqabad wayn tahay.

"Isticmaalka maandooriyaha aad iyo aad ayuu ugu badanayaa waqtigan xaadirka ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dhallinta isticmaashana maalinba maalinta ka dambaysa way sii kordhaan, waana dhibaato run ahaantii aad iyo aad bulshada dhib ugu haysa," ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay sii bateen noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada Muqdisho, kuwaasoo sabab u noqda falal amni darro.

"Dhallinyaradu waxay istcimaalaan kuwo dabiici ah, sida xashiishka, kuwo la sameeyo, oo ah calaqa, daawooyin kala duwan, sida kaniini, cirbad la isdurayo ama sharoobo.

"Waxyaabaha kale ee ay isticmaalaan waxaa ka mid ah geed jinka, oo mirihiisa ay ka samaystaan maandooriyaha iyo xayawaanka yaryar ee la yiraahdo Jiraca."

Horay ayay saraakiisha boolisku uga hadleen jiraca maandooriye ahaanta loo istcimaalo, oo dadka qaar markii ay kululeeyaan ay isku guuriyaan.

Hase yeeshee dhallinyarada oo kaliya kuma koobna dadka maandooriyaha isticmaala ee ay walaaca ka muujinayaan saraakiisha laamaha amniga.

'Saddex ayay u kala qaybsan yihii dadka maandooriyaha isticmaala'

Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan ayaa waraysiga gaarka ah ee uu siiyay BBC-da ku sharraxay sida ay u kala qaybsan yihiin dadka ay haysato dhibaatada daroogada, oo uu ku tilmaamay "inaysan ka war qabin wax xun iyo wax fiican".

"Kuwa ay da'doodu u dhaxayso 7 ilaa 15 wax dhib ah ma sameeyaan marka ay daroogada isticmaalaan. qayb ka mid ah way seexdaan, qaybna waxay billaabaan dagaal.

"15 jir ilaa 30 jir waxay mar walba sameeyaan dhibaato, marka uu ka maqan yahayna waxay raadiyaan qaabkii ay ku heli lahaayeen, si kastaba ka hoqotee, sida inay wax dilaan, inay wax dhacaan, inay wax xadaan, sababtoo ah in ay helaan maandooriyahaas ayaa uga muhiimsan naf ay goo'aan. Marka way isticmaaleen oo maankoodi ma joogo.

"Wixii 30 jir ka wayn, inta badan way qarsadaan oo bannaanka lama imaadaan. Waxay ku talogalaan in aysan cidna dhibaatayn, lana ogaanin," ayuu yiri taliyaha Hoggaanka Diinta iyo Dhaqanka ee Booliska Soomaaliya.

Eedda ku saabsan sababta uu maandooriyaha usoo batay ayuu u jeediyay dhallinyarada dibadda laga keeno ee Soomaaliya loogu celiyo si dhaqan celin loogu sameeyo.

Sidoo kalena waxay uu sheegay in dad beeraley ah oo dalagga xalaasha ah beeran jiray laga dhaadhiciyay inay ku baddalaan xashiishka qaybta ka ah daroogada dhibaatada keentay.

Booliska Soomaaliya ayaa leh sharci ay ku wajahaan dadka isticmaala maandooriyaha iyo kuwa ku caawiya labadaba.

Arrintii qabsatay TikTok

Tan iyo horaantii isbuucii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok si wayn loogu hadal hayay gabar caan ka ah TikTok oo sheegtay in lagu dhibaateeyay muuqaal laga duubay.

Gabadhaas dhallinyarada ah ayaa sheegtay in nin uu siiyay maandooriye kaddibna uu muuqaal anshax xumo ah ka dubay, kaasoo la sheegay in la faafiyay.

Dadka ka falceliyay ayaa isugu jiray kuwo taageeray iyo kuwo dhaliilay gabdhaas labadaba.

BBC-du ma xaqiijin wararka baraha bulshada la iskula dhex marayay, oo hadalheynta bulshada aad u qabsaday.

Jiraca

Dhowr bilood ka hor marka ay soo baxday qaylodhaanta ay booliska kasoo saareen sida xayawaanka jiraca loogu adeegsado maandooriye ahaan, dad badan waxay la noqotay arrin cusub.

Haddaba maxaan ka garanaynaa jiraca iyo sida uu u leeyahay maaddo wax u dhinta maanka.

Jiraca oo magaciisa seyniska afka qalaad loogu yaqaanno uu yahay "tapinoma sessile" ayaa caan ka ah dunida, waxayna khubarada caafimaadka sheegeen in ay jirkiisa ku jirto sun aashito ah.

Waxa uu ka mid yahay bahda quraanjooyinka ee ka kooban afarta qaybood, oo kala ah: Quraanjada guriga ee udugga leh, Quraanjada sokorta oo ay Soomaalidu u yaqaannaan Macaan jecel, Jiraca iyo quraanjada qumbaha.

Bahda quraanjada ee uu ka mid yahay Jiraca aan ka hadlayo ayaa ka mid ah xayawaannada ugu adkaysiga badan ee la qabsata cimilo walba, sida lagu qoray bogga ka faallooda arrimaha xayawaannada ee "Animal Diversity".

Jiraca marka la taabto ayuu kasoo baxa qurmuun, kaasoo ka imaanaya sunta aashitada ee jirkiisa ku jirta oo uu hub ahaan u adeegsado.

Dhulka uu qabowga xad dhaafka ah iyo kulalyka daran ka dhaco ee Waqooyiga Ameerika ayay quraanjadu si caadi ah ugu nooshahay, waxayna ka mid tahay nooleyaasha ma guuraanka ah.

Waqtiga qaboobaha ayay dhalaan ukumaha ugu badan, sida lagu sheegay xogtan.

Horay waxay seynisyahannada u ogaadeen in maaddooyin maandooriye ah laga heli karo jiraca, kuwaasoo lagu fahmay daraasado lagu sameeyay.

Waxaa sidoo kale jiray in la arkay shimbiro u muuqda "inay saqraansan yihiin" kaddib markii ay wax badan ka cuneen quraanjooyin uu ka mid yahay jiraca.

Booliska Soomaaliya ayaa hadda sheegaya in jiraca uu ku yaraaday meelaha qaar, maadaama aad loo raadinayo si loogu isticmaalo daroogo ahaan.