Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah geynaya xadka Mexico

Mareykanka ayaa 1,500 oo askari u diraya si ay u xoojiyaan xadka koonfureed ka hor filashada muhaajiriin kusoo badaneysa xadka Mexico iyo Mareykanka, waaxda difaaca ayaa sidaasi tiri.

Waxa ay kamid noqon doonaan 2,500 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka kuwaasi oo horraan joogay si ay u taageeraan shaqada wakiillada xudduudaha.

Qorshihii 42 ee siyaasadda xilligii Trump oo dowladda siinaya awood ay si toos ah dalka uga saarto muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo 11-ka May.

Saraakiishu waxay filayaan koror xoog leh oo soogalootiga ah.

Askarta dheeraadka ah ee militariga ayaa la geyn doonaa muddo 90 maalmood ah si ay u kabaan shaqada saraakiisha ilaalada xuduudaha ee Mareykanka ee (CBP), sarkaal Mareykan ah ayaa sidaasi u sheegay BBC-da Talaadadii.

War qoraal ah oo ay goor dambe soo saartay Wasaaradda Difaaca, ayay wakaaladdu ku sheegtay in shaqaalaha dheeriga ah ay buuxin doonaan dhinacyada awoodeed ee bannan isla markaana halista ah.

Afhayeenka Pentagon-ka Janaraal Patrick Ryder ayaa Talaadadii u sheegay warbaahinta in hay'addoodu ay taageertay Waaxda Amniga Gudaha ee xadka koonfureed 18 ka mid ah 22-kii sano ee la soo dhaafay, iyo sannad kasta tan iyo 2006-dii.

Ciidamada ayaa xadka tegi doona horraanta 10-ka May, ayuu yiri Janaraal Ryder.

Hawlgalka ayaa loola jeedaa in lagu yareeyo cadaadiska sii kordhaya ee wakiillada xudduudaha xilli ay isku diyaarinayaan koror xoog leh oo soo galootiga ah gaar ahaan dhinaca xudduudda koonfureed.

Tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga galay Mareykanka sanadkii 2021 ayaa ahayd tii ugu badneyd ee la diiwaan geliyo tan iyo ugu yaraan 1960.

Sanadkii la soo dhaafay, tiradaasi waxay kor u dhaaftay 2.76 milyan taasoo ka dhigeysa rikoor kale.

Troy Miller, oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee CBP, ayaa u sheegay Congress-ka bishii hore in hay'addiisu ay isu diyaarinayso in, in kabadan 10,000 oo muhaajiriin ah si ay uga gudbaan xadka maalin kasta ka dib marka uu dhaco qorshaha 42 taasoo ka dhigeysa in kabadan labalaab celceliska maalinlaha ah ee Maarso galayay mareykanka.

Markii ugu horreysay horraantii 2020 billowgii masiibada Covid-19, Ciwaanka 42 waaxa uu u oggolaaday dawladda Mareykanka inay si dhakhso ah u erido muhaajiriinta isku dayaya inay ka gudbaan xadka Mexico oo ay ku jiraan magangalyo doon iyadoo ujeeddadu ahayd ka hortagga coronavirus-ka inuu ku faafo Mareykanka.

Maamulka Biden ayaa daaha ka qaaday qorshe ku adkaynaya soo galootiga in ay magangalyo dalbadaan iyaga oo ka dalbanaya dadka waaweyn ee magangalyo doonka ah in ay adeegsadaan app si ay ula shiraan saraakiisha Maraykanka ama marka hore ay magangalyo ka dalbadaan waddan kale ka hor inta aysan gaarin Maraykanka.

App-ka, oo loo yaqaan CBP One, ayaa la soo saaray Janaayo wuxuuna sii jiri doonaa iyada oo aan loo eegin qorshaha 42.

U hoggaansanaan la'aanta waxay ka dhigaysaa soo galootiga kuwo aan u qalmin haddii ay dabadeed gaaraan xudduudda waxayna ogolaan doontaa in muhaajiriinta aan sharciga haysan si degdeg ah loo tarxiilo.

Qorshaha iyo dedejinta ka saarista qaar ka mid ah muhaajiriinta, oo ay ku jiraan magangalyo doonka ayaa dhaleeceeyay kooxaha xuquuqda aadanaha.

Bishii la soo dhaafay, Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu dhisi doono xarumo lagu lagula hadlayo dadka socdaalka ah ee dhinaca Latin America, taasoo ah dadaal kale oo lagu dhimayo tirada muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee u gudbaya Mareykanka.

Xarumaha, ayaa ka billaabanaya dalalka Colombia iyo Guatemala, waxaana ay baari doona soogalootiga oo ay go'aamin doonaan inay u qalmaan gelitaanka Mareykanka iyo in kale.