You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay shaqada ay qabteen ee lagu ammaanay gabdhaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya ka howlgala?
Gabdho ka tirsan Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ee ka howlgala Soomaaliya ayaa lagu ammaanay in ay muujiyeen awooddooda xilli ay ku guda jireen howlgalkan caalamiga ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
ATMIS oo ka kooban 18,586 oo askari ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto al-Shabaab tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo ay beddesheen magacoodii hore ee ahaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxay ka mid yihiin lixda talis ee waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ay iyagu yihiin taliska koobaad waxayna ka howlgalaan gobolka Benaadir oo caasimadda Muqdisho kamid tahay iyo gobolka Shabeellaha Hoose.
Agaasimaha Arrimaha Dumarka ee Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda Col Betty Musuya ayaa sheegtay in dagaalyahanada gabdhaha ahi ay guteen waajibaadyo kala duwan sida ka qayb qaadashada dagaallada iyo maamulka ciidankaba. Waxay sheegtay in ay leeyihiin gabdho duuliyeyaal ah oo wadaya diyaaradaha dagaalka, kuwo amarrada bixinaya iyo kuwo dhakhaatiir ah.
"Waan ku faraxsanahay shaqadIiina aagga howlgalka. Waxaad ku socoteen hadalka oo aad qaadaatay/[teen] door hoggaamineed, door dagaal sida duuliye dumar ah oo ka mid ah duuliyayaasha helikabtarradayada dagaalka, doorarka taageerada kuwaas oo si togan uga qayb qaatay guulihii laga gaaray aagga howlgalka” ayay tidhi Col Betty Musuya.
Korneyl Betty Musuya, oo ah Agaasimaha Arrimaha Haweenka ee UPDF, ayaa Soomaaliya ku joogta safar shaqo, waxayna booqatay saldhigyo kala duwan oo horudhac ah oo ku yaalla taliska koobaad si ay u qiimeyso diyaargarowga dagaalka, iyo sidoo kale khibradaha iyo caqabadaha ay la kulmaan haweenka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka tirsan ciidamada Uganda.
Kornayl Musuya waxa uu ku dhiiri galiyay in ay mudnaanta siiyaan dhisida kalsoonida iyo wada xidhiidhka furan ee iyaga qoysaskooda iyaga oo sidoo kale wakhti u samaynaya shaqada iyo qoyska. Waxay uga digtay inay ku noolaadaan nolol raaxaysi ah ama hab-nololeed aan taxaddar lahayn, taas beddelkeeda waxay kula talisay inay lacag u kaydsadaan horumarinta iyo horumarinta qoysaskooda.
Agaasinka Arrimaha Haweenka ayaa mas'uul ka ah ilaalinta xuquuqda haweenka dagaalyahannada ah ee UPDF. Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda waxaa ku wehlinayay saraakiil iyo shaqaale ka tirsan agaasinka haweenka.
Ciidama nabad ilaalinta u jooga ee ka socda Midowga Afrika oo ka kooban lix talis ayaa Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2007 iyagoo dagaal kula jira ururka al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama.
Ciidama Uganda oo ah kuwii koobaad ee la keeno Soomaaliya bishii March sanadkii 2007-dii ayay ciidamadoodu ka midyahiin dumar ka qayb qaata dagaalada iyo howlaha kale ee ciidamada. Sidoo kale shanta wadan ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee Burundi, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Djibouti ayay iyaguna ciidamadoodu dumarka kamid yahiin.
Talisyada shantaan wadan ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka howlgala gobolada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya waxayna u qaybsamaan lix talis oo saldhigyo kala duwan ku kala leh gobolada dalka waxayna kala yahiin lixda talis.
Taliska koobaad: Ciidama Difaaca Shacabka Uganda (UPDF)
Taliska Labaad ee ciidamada howlgalka kumeelgaadhka ah ee Afrika waa kuwa Kenya oo taliskoodu yahay magaalada Dhoobley, waxayna ka howlgalaan guud ahaan gobolka Jubbadda Hoose Jubadda Dhexe iyo kan Gedo.
Taliska saddexaad waa ciidamada Itoobiya waxayna ka howlgalaan gobolada Bay iyo Bakool iyo gobolka Gedo.
Taliska Afraad waa midka ka howlgala gobolada Hiraan iyo Galguduud waxuuna awoodda taliskaasi hoos yimaadaa Ciidamada Qalabka Sida ee Djibouti, balse ciidamo ka tirsan kuwa Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa iyaguna ka howlgala meelo kamid ah goboladaas.
Taliska Shanaad waa midka ka howlgala Shabeellaha Dhexe xarunta taliskaasina waa magaalada Jowhar waxaana maamulada Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF)
Taliska lixaadna waxaa si wadajir ah uga howlgala ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) Iyo kuwa Difaaca Kenya (KDF).
Waxaa sidoo kale wadamo ka tirsan Midowga Afrika oo iyaguna Soomaaliya ay ka joogaan booliis ka qaybqaadanaya Howlgalkaan Kumeel-gaadhka ah ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaana wadamaas ka mid ah, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia