Ingiriiska oo sii adkaynaya sida lagu yimaado dalkiisa iyo in deganaasho laga helo intaba

Raysalwasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanyo nidaamka socdaalka ee burbursan. Qorshihiisa waxaa ka mid ah in la adkeeyo imtixaanada luuqada ee qofka fiisaha dalbanaya iyo qofka kale ee ku tiirsan.

Mudada qofka uu ku qaadanayo daganaashaha dalka ayaa la qorsheynayaa in ay noqoto 10 sano. Nidaamka hadda lagu qaato daganaashaha ayaa ah 5 sano.

Xeerarka socdaalka xisbiga shaqaalaha ee mudada la sugayay ayaa dhawaan la daabici doonaa.

Chris Philp oo ah xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaradka ayaa ku tilmaamay qorshaha Sir Keir wax "kaftan ah", wuxuuna ballanqaaday in baarlamaanka uu ku riixayo in la xadido soogalootiga.

Raysalwasaaraha ayaa ka hor inta uusan soo bandhigin qorshahiisa soogalootiga waxa uu ku eedeeyay ganacsiyada in ay shaqaalo jaban dibadda ka keenayaan halkii ay ka maalgelin lahaayeen dad xirfad leh oo halkan jooga.

Wuxuu si gaar ah u tilmaamay shaqooyinka injineernimada isagoo sheegay in fiisooyinka ay kordheen halka tababarada iyo jaamacada isla socdana ay hoos u dhaceen.

Raysalwasaaraha waxa uu sheegay in nidaamka hadda jira uu joojinyo "rajada dhallinyarada" kuwaas oo waayay tababaro suuragal ahaa.

Xisbiga shaqaalaha waxa ay sheegeen in qorshahan ay ku jiraan nidaam lagu adkeynayo heerka luuqada Ingiriiska ee laga doonayo qeyb kasta oo socodaalka UK ah inkastoo weli si faahfaahsan loo sheegin.

Markii ugu horeysay ayaa dadka fiisooyinka dalbanaya qoysaskooda laga doonayaa in ay yaqaan luuqada Ingiriiska si ay dadka u dhexgalaan, una helaan shaqoyin.

BBC waxaa loo sheegay in isbeddelan u baahan yihiin in wax laga badalo sharciyada aasaasiga ee dib u dhigaya hirgelinta.

Raysalwasaaraha waxaa hadalkiisa ku jiray "marka ay dadka yimaadaan dalkeena, waa in ay isdhexgal sameeyaan oo ay bartaan luuqadeena".

Dadka dhaliila waxay ka digeen in qeynuunadaan ay kala qeybinayaan qoysaska, xaasaska iyo waalidiinta ku adkeyd in ay bartaan luuqada Ingiriiska.

Balse cilmibaaris ayaa muujineysa in muhaajiriinta qudhoodu u arkaan luuqada in ay muhiim tahay.

Sanadkii 2021-kii 9 ka mid ah tobankii qof ee soogalooti ah waxaa la sheegay in ay si fiican Ingiriisi ugu hadli kareen sida laga soo xigtay Jaamacada Oxford.

Hal boqolkiiba dadka soogalootiga ayaa sheegay in aysan ku hadli kari af-ingiriisi. Dadka ay luuqadoodu hooseyso ayaa la sheegay in ay adag tahay in ay helaan shaqooyin sida cilmibaarista jaamacada lagu sheegay.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay dadaallo lagu adkeynayo wax uu raysalwasaaraha ku tilmaamay nidaamka socdaalka ee "burbursan.

Nidaamkan ayaa sidoo kale Meesha ka saaraya muhaajiriinta haysta noocyo ka mid ah fiisooyinka in ay si toos ah u qaataan daganaasho marka ay dalka joogaan shan sano kaddib. Badi muhaajiriinta waxaa looga baahan yahay in ugu yaraan ay dalka joogaan 10 sano ka hor inta aysan helin deganaasho, ayna bilaabin jidkii ay ku noqon lahaayeen muwaadiniin.

Sidoo kale waxaa loo sameynayaan deganaasho "degdeg ah" kalkaaliyayaasha, injineerada, khubarada garaadka macmalka (AI) iyo kuwa kale oo wax ku biiriya kobaca dhaqaale ee Britain iyo bulshada.

Marka ay qaataan deganaashaha, muhaajiriinta waligood way joogi karaan UK iyagoo wax ku baran kara dalka, ka shaqeysan kara, ama heli kara taageero. Waxay sidoo kale bilaabi karaan sidii ay ku heli lahaayeen in ay noqdaan muwaadiniin Britain ah.

Nidaamka 10-ka sano lagu qaadanayo deganaashaha waxa uu ka dhigayaa UK "dal ka adag dalalka kale ee dhaqalahoodu sareeyo," sidaasina waxaa BBC u sheegay Madeleine Sumption oo ah madaxa qeybta muhaajiriinta la socota ee jaamaada Oxford.

Dowaladihii soo maray UK waxay sameeyeen iskudayo aan guuleysan oo lagu yareynayo tirada muhaajiriinta. Tirada saxda ee soogalootiga waxay gaartay 906,000 bishii June ee sanadkii 2023-kii halka sanadkii la soo dhaafay ay noqotay 728,000.

Cilmibaaris bilooyin socotay oo ay wadeen dowlada ayaa lagu saleeyay qorshaha socdaalka ee xisbiga shaqaalaha kaddib markii xisbiga Reform oo soogalootiga diidan guul ka gaareen doorashadii la soo dhaafay ee UK.

Fiisooyinka la siinayo shaqaalaha xirfada leh ayaa la doonayaa in ay heer jaamacadeed gaarsiisan yihiin halka ay hadda ka tahay ilaa iyo dugsiga sare.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK, Yvette Cooper, ayaa shalay daboolka ka qaaday in xisbiga shaqaalaha uu baddelayo shuruucda si loo xaqiijiyo in shaqaalaha daryeelka aan dibada laga keenin. Waxay sheegtay in shirkadaha laga doonayo in ay qaataan dadka u dhashay Biritan ama ajnabiga hore dalka u joogay ee fiisooyinkooda la kordhiyay.

Xisbiga muxaafadka ayaa sheegay inkastoo ay ku raacsan yihiin qorshaha lagu joojinayo shaqaalaha daryeelka ee dibadda laga keenayo hadana ay doonayaan in cod loo qaado.

Ku xigeenka madaxa xisbiga Reform UK, Richard Tice, ayaa sheegay in guulaha xisbigiisa ee doorashadii England ay ka timid carada ay dadka ka qabaan muhaajiriinta sharciga ku yimaada dalka iyo kuwa sharcidarada ah.