Faahfaahin: Ujeedada safarka muranka dhaliyay ee ganacsatada uu hoggaaminayo Danjire Jibriil

Safaaradda Soomaaliya ee kenya

Xigashada Sawirka, Safaaradda Soomaaliya ee kenya

Qoraalka sawirka, Danjire Jibriil iyo mas'uuliyiin dalka Congo u dhashay

Dalka Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo waxaa ku sugan ganacsato Soomaali ah oo meelo kala duwan ka yimid isla markaana uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa lagu yiri: "Safarka ganacsatada ayaa daba socdo kulamo muddo sanad ah u socday Safaaradda dalka DRC Congo ay ku leedahay dalka Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya iyaga oo kaalmeysanaya Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,".

Sidoo kale qoraalka safaaraddu baahisay ayaa lagu sheegay in safaaradda Congo ee Nairobi iyo tan Soomaaliya ay ka wada shaqeeyeen safarka ganacsatadu ay halkaa ku tageen. "Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaarada dalka DRC Congo ee dalka Kenya ayaa si wada jira u soo qaban-qaabiyay safarkaan isugu jira xog-wareeysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaalida iyo dhiirigalinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa'iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed,".

Dhanka kale safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzaniya ayaa barteeda Facebook ku bahaisay qoraal ay ku sheegayso in safiirka dalka Tanzaniya uu dowladda ku matalo dalka Congo isla markaana aan lala socodsiin socdaalka Ganacasatada iyo safiirka Soomaaliya ee kenya ay ku tageen dalkaas.

"Safaarada JFS uqaabilsan dalka Tanzania, waxay cadeeyneysaa in Congo DRC 🇨🇩 ay Dowlada Federalka Soomaaliya iyada masuul uga tahay Danaha Dowlada iyo Dadka, Safarka lasheegey inuu Safiirka Kenya wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaaliyeed kutagey Kinshasa, haba yaraatee Safaarada uusan lasoo wadaagin xogta Safarkiisa iyo Ujeedkooda taas oo ah mid kabaxsan Sharciga Diplomacy yada iyo kan Arimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda,".

Labada safiir oo BBC-du la xiriirtay waa Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle oo Soomaaliya safiir uga ah dalka Kenya iyo Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya ayaa labaduba ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrimahaan iyo sida wax u jiraan.

Hase-yeeshee Sheekh Maxamed Ibraahim (Shakuul) oo ka mid ah ganacsatada safarka ku wehliya danjire Jibriil oo ku sugan dalka Congo ayaa BBC-da u sheegay in safiirka Congo u fadhiya Nairobi, uu ku casuumay dalkiisa si ay u soo arkaan fursadaha ganacsi ee dalkaasi ka jira.

Hoos ka dhageyso waraysiga Sheekha Shakuul oo ka warramaya ujeedada socdaalkooda iyo waxa ka soo baxay.

Qoraalka Codka, Safiirka Soomaaliya u fadhiya kenya ayaa hoggaaminaya ganacsatada