You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay cabsida la soo gudboonaatay qaar ka mid ah shacabka dalka Kenya?
In ka badan 80 qof oo dhaleeceeyay dowladda ayaa la waayay lixdii bilood ee la soo dhaafay, taasoo keentay caro ballaaran oo shacabka Kenya ay qabaan.
Garsooraha maxkamadeed ayaa ka digay in taliyaha booliiska dalka lagu soo ogi doono kiis amar diido maxkamdeed Isniinta hadii ay mar sadexaad ka jawaabi waayaan eedeymaha afduubka ah ee dhawaan loo jeediyay.
Kiiskan ayaa la xiriira in la waayay meel ay jaa iyo cirib dhigeen muwaadiniin kala duwan sida uu iftiimiyay guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya tan iyo markii mudaaharaadyada qaran ee looga soo horjeedo canshuur kordhinta ay bilaabeen bishii June ee sanadkii hore.
Ilaa 24 qof ayaa la sheegay in wali la la'yahay.Booliska iyo dowladda ayaa inkiray afduubka iyo in si sharci darro ah loo xiro dadka mudaaharaadaya, balse dalka ayaa taariikh ku leh afduubyo ay dowladdu soo abaabushay, waxaana dadka Kenya qaarkood ay ka cabsi qabaan in qaranku uu dib ugu laabto nolol mugdi ah.
taliyaha guud ee booliska Douglas Kanja iyo agaasimaha dambi baarista Maxamed Amiin ayaa lagu amray inay maxkamada horkeenaan todobo qof oo saameyn ku leh baraha bulshada kuwaasoo la waayay bishii December.
Shan ka mid ah dadka la la'aa ayaa si lama filaan ah horraantii bishii Janaayo uga soo muuqday meelo kala duwan oo dalka ah.
Qareenada Mr Kanja ayaa maxkamada ka codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo si ay warbixin u soo gudbiyaan.
Billy Mwangi waa mid ka mid ah shanta. 24-sano jirkaan ayaa waxaa meel cidlo ah uga tagay koox la sheegay in ay afduubteen meel 75 KM u jirta magaalada uu ka soo jeedo ee Embu, ee bartamaha Kenya, falkaas oo u muuqday mid cabsi gelin ah.
Aabaha dhalay Billy, Gerald Mwangi Karicha, ayaa BBC-da u sheegay in wiilkiisa uu aad naxay.
"Wiilku wax badan ma sheegin," ayuu yiri. "Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa markii uu yimid, ma ahayn mid caadi ah, wuxuu u muuqday mid naxsan."
Billy, oo ah arday jaamacadeed, si weynna uga dhaleeceeya dowladda baraha bulshada, ayaa la waayay 21-kii December, 2024, xilli uu ku sugnaa goob timo-jare ah oo ku taalla Embu.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, rag wejiyada soo qarsaday ayaa ku yimid gaari Toyota Fielder ah iyo gaari kuwa xamuulka qaada ah, waxayna ku xireen mid ka mid ah gaadiidkaasi, waxayna ku dhaqaaqeen xawaare aad u sareeya.
Dhawr saacadood ka dib, waxa soo shaac baxay baqdintii ugu weynayd ee qoyskiisa."Inta badan dhamaadka todobaadka, waxaan si wada jir ah u daawanaa kubada cagta, kooxdiisa waa Chelsea, anigana waa Arsenal," Gerald ayaa sidaa yiri.
Milkiilihii Timo-jaraha ayaa markii dambe ku wargeliyay qoyska afduubka, taasoo keentay in la baadi-goobo.
Billy hooyadeed markii ay warkaas maqashay way miyir doorsoontay toddobaadyadii xigayna waxay ahaayeen kua murugo badan.
Markii la helay, Billy waxaa loo qaaday isbitaalka si baaritaan loogu sameeyo. Qoyskiisa ayaa sheegay in uu wali ka soo kabanayo dhibkii soo gaaray, balse sii deyntiisa ay u keentay xoogaa nafis ah.
Sida qaar badan oo dib u soo laabtay ka dib markii lagu eedeeyay afduub, Billy wax yar ayuu ka sheegay dhibaatadiisa, waxaana laga yaabaa inuu baqayo.
Jamil iyo Aslam Longton sidoo kale way aamuseen ka dib markii la sii daayay bishii Sebtembar ka dib 32 maalmood oo afduub loo haystay.
Jamiil ayaa sheegay in looga digay in haddii ay warbahainta la hadlaan la dili doono.Saddex bilood ka dib, sarkaal ka tirsan dawladda ayaa si cad kiiskooda ugu tilmaamay xarig sharci ah.
Jamil iyo Aslam Longton arrintan waxay u qaateen inay caddayn u tahay in hay'ad dawladeed ay masuul ka tahay wixii ay la kulmeen oo ay ku dhiiradeen inay ka hadlaan.
"Dastuurka Kenya aad buu u cad yahay," ayuu yiri Jamil. "Waa in 24-saac gudahood maxkamad lagu geeyaa, annagu 32-maalmood ayay ahayd, waligeen nalama siin qareen noo dooda.
"Nalooma ogolayn inaan aragno qoyskayaga ama aan la xiriirno qoyskayaga. Markaa kani maaha xarig, ee waa afduub."
Walaalahan ayaa BBC-da u sheegay in Aslam uu gacan ka geystay abaabulka dibadbaxyo looga soo horjeedo canshuur kordhinta oo ka dhacay magaalada Kitengela ee u dhow caasimadda Nairobi, waxaana saraakiisha ammaanku uga digeen inuu joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.
Bishii August maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadood lagala baxay gurigooda, waxaana la saaray baabuur, koofiyado iyo katiinado lagu xiray, waxaana la geeyey meel aan la garanayn, waxaana lagu xiray qolal yar yar oo mugdi ah.
Aslam waxa uu sheegay in si isdaba joog ah loo garaacay, isaga oo la jir-dilay isaga laga dalbanayay in uu sheego cidda maalgalisay mudaharaadyada.
"Aad ayaan u baqay," ayuu yiri. "Markii albaabka laga furay ninkii waday ayaa la soo baxay fiilo iyo bir."
"Waan baqay sababtoo ah maan garanayn inuu i garaaci rabo iyo in kale amaba uu i dilo - waxaa jiray laba doorasho oo keliya: inuu i garaaco ama i dilo."
Jamil waxa uu ku tilmaamay kuwa gacanta ku dhigay inay ahaayeen kuwo aad u hubaysan, awoodna u leh inay la socdaan taleefanadooda gacanta, isla markaana ay ku kalsoon yihiin inay af-duubtaan maalin cad, iyagoo u shaqaynaya cabsi la'aan, arrintaasi oo ay marar badan ka warbixiyeen kooxaha xuquuqul insaanka.
Laakiin tani macnaheedu maaha inay yihiin saraakiil amni oo rasmi ah, ayuu yiri afhayeenka dawladda Isaac Mwaura, isagoo beeniyay in dawladdu ay ku lug leedahay afduubka.
"Amniga la soo agaasimay wuxuu kaloo qayb ka noqon karaa dembiyada abaabulan," ayuu u sheegay BBC-da.
"Waxay sidoo kale noqon kartaa sababo siyaasadeed ... Siyaasiyiinta naga soo horjeeda waxay sameeyeen buuq badan oo ku saabsan arrintan, hubaal waxay u adeegsanayaan inay nagu weeraraan siyaasad ahaan."
Mr Mwaura ayaa diiday in uu ka hadlo kiiska wasiirka howlaha guud Justin Muturi oo ka mid ah dadka eedeymaha ugu daran u jeediyay laamaha ammaanka Kenya.
Muturi ayaa sheegay in wiilkiisa ay kaxeysteen hay'adda sirdoonka qaranka ee NIS kadibna la sii daayay kadib markii uu si toos ah codsi ugu gudbistay madaxweyne William Ruto.
"Taasi waa arrin u baahan baaritaan, sababtoo ah taasi waa dhinaciisa sheekada," ayuu yiri Mr Mwaura. "Laakin waa maxay tahay jawaabta ay ka bixinayaan laanta Sirdoonka Qaranka?
"Waxaan rabaa inaan si cad u sheego in madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya oo ah madaxa dowladda uusan fasaxin wax afduub ah, sababtoo ah waa qof aaminsan sharciga".
Runtii, Ruto waxa uu si cad u ballan qaaday in uu soo afjari doono afduubka, laguna qasbay in uu ka jawaabo carda dadweynaha, iyo walaaca ka imanaya xulafada reer galbeedka.
Dad badan ayaa ka walaacsan in dadka loo waaynayo sida joogtada ah gaar ahaan dadka wada ololaha dawladda ka soo horjeeda ay tahay mid dib dadka u xusuusinaysa qaab la mid ah wixii dhaci jiray xilligii hoggaankii kali-taliska ahaa ee Daniel arap Moi sannadihii 1980-meeyadii iyo 1990-aadkii.
Gitobu Imanyara, oo ahaa saxafi iyo dhaqdhaqaaqe u ololeeyay nidaamka xisbiyo badan horaantii sagaashamaadkii, ayaa la xiray oo waxaa garaacay taliskii Moi. Shaki kama qabo inuu arko "wax la mid ah ciyaarta Moi" iyo howlihiisii.
Laakiin, wuxuu yiri, wakhtiyadu way is beddeleen. Wax ka beddelka dastuurka ayaa keenay habab badan oo isla xisaabtan iyo "waxaa jira qayb weyn oo ka mid ah bulshada Kenya oo aan la cabsi gelin doonin".
"Meesha dimoqraadiyada ayaa balaartay oo gaartay heer aysan dowladdu iska indho tiri karin codadka dimuqraadiga ah ee mucaaradka," ayuu u sheegay BBC.Baraha bulshada, "warka isla markiiba wuu ku faafaa", ayuu yiri.
"Ma nala socon karo sidii naloo ilaalin jiray waagaas oo aan isticmaali karno oo keliya telefoonnada guryaha."
Warbixinnada dadka la la'yahay ayaa hoos u dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.Laakiin inkasta oo lagu dhawaaqay baaritaanka booliiska, ma jirto cid lagu eedeeyay ama lagu xukumay fulinta falkaas.
Dhowr hay'adood oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa u gudbiyay dacwad xeer ilaaliyaha guud oo ay ku codsanayaan in kiisaska afduubka loo gudbiyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah (ICC).
Qoysaska ay ka soo jeedaan kuwa aan weli la helin, waxaa weli sii socda walaacooda.
"Aad ayaan u qalbi jabnay," ayay tiri Stacey Mutua, oo la dhalatay Steve Mbisi, oo ka mid ah toddobadii qof ee la waayay bishii December.
"Waxaan rajaynaynaa inay siidaayaan. [Inta badan] dadkii la afduubay waa la sii daayay, laakiin weli waa la la'yahay, waxaan ka baryaynaa in la helo."