Aabbeyaasha gabdhahooda caawiya xilliga dhiigga caadada

Dhiigga caadada

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Yasmin Rufo
    • Role, BBC News

Markii Helen oo hadda16 jir ah ay heshay dhiigga caadada markii ugu horreysay, wuxuu ahaa aabbaheed qofkii ka caawiyay inay maareyso maaddaama uu yahay waalidkii markaas guriga joogay.

In gabdhaha da'da yar lagala sheekeysto dhiigga caadada waxay noqon kartaa wax laga xumaado, xitaa haddii aadan laftaadu la kulmin, laakiin Helen waxay sheegtay in aabbaheed uu had iyo jeer si furan uga hadli jiray waxa laga filayo taas oo markii ugu horreysay aad u fududaysay inay la tacaasho xaaladdaas ku cusub.

Aabbayaashu "kuuma sheegi karaan sida ay dhab ahaantii u muuqan karto xaaladdan ama sida ay u saameyn karto noloshaada mararka qaarkood, laakiin weli waxay ku siin karaan talo oo ay kaala hadlaan," ayay tiri.

Haddana ka hadalka dhiigga caadada ayay dad badan weli u tahay wax laga yaqyaqsoodo iyo xitaa maanta la joogo, badanaa waxaa loo daayaa hooyooyinka inay wax ka qabtaan umuurahaas.

Helen aabbaheed John Adams waa mid ka mid ah tirada sii kordheysa ee aabbayaasha kuwaas oo u halgamaya ka hortagga dhaleeceynta aan salka lahayn ee arrimaha ku gedaaman dhiigga caadada.

John wuxuu ahaa waalid guriga jooga markii labadiisa gabdhood - oo hadda jira 16 iyo 12 - ay ka yaraayeen intaas, wuxuuna sheegay in waaliddiinta qaar oo uu la hadlay ay aad u dhibsadeen inay carruurtooda kala hadlaan dhiigga caadada.

"Waxay sugayeen inay wax ku bartaan dugsiga, laakiin ma rumaysni inay tahay shaqada macallinka in laga hadlo arrintan."

John wuxuu kala hadlay labada gabdhood waxa ay la kulmi karaan, heerka xanuunka ay dareemi karaan iyo fursadaha kala duwan ee alaabta nadaafadda.

John, oo hadda ka shaqeeya waxbarashada, ayaa qirtay inuusan ahayn khabiir, laakiin wuxuu kala hadlay xaaskiisa iyo hooyadii isagoo adeegsanaya buugaag iyo agab online ah si uu u hago.

'Kama dhuuman kartid'

Gabar yar oo gacanta ku hyesa tampon

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isaga ahaan, dhiigga caadada waa arrin caafimaad, maaha ceeb iyo iyada oo fikradda aabbayaasha ka hadlaya caadada weli lagu kala qeybsan yahay, John wuxuu leeyahay waa muhiim inaad "joogto oo aad u dhowaan karto carruurtaada".

Sida aabbe carmal ah, Roy ma lahayn doorasho. Waxa uu korinayey gabadhiisa kaligiis ka dib markii xaaskiisa ay u dhimatay kansarka.

Waxa uu bilaabay in uu kala sheekeysto xilliyada ay sagaal jirsatay, isaga oo la wadaagay buugaag ku saabsan waxa laga filayo.

"Markii hore midabka wejigeeda ayaa beddelmay, laakiin si furan ayaan uga hadalnay."

Ka dib, wuxuu tusay gabadhiisa suuf oo wuxuu tusay sida ay ugu dhejin lahayd surwaalkeeda hoose wuxuuna u soo jeediyay inay tijaabiso.

"Arrimuhu waa cabsi marka aanad garanayn waxa socda.

"Waxaan gabadheyda u diyaarinayaa nolol, waxaana qayb ka ah caadada, galmada, saaxiibbada, xiriirka, dhammaan waa adag tahay laakiin ma qarin kartid."

Dumar badan, xusuusta dhiigga caadadooda ugu horreeya aad ayay u yar tahay in lagala hadlay si furan.

Hannah Routledge, oo u shaqeysa kooxda aan faa'iido doonka ahayn Hey Girls (Haye Gabdho), oo ka shaqeysa arrimaha xilliga dhiigga caadada, xusuus fiican kama heysato teeda.

"Waxay igu bilaabatay anoo da'yar, waxaan ahaa kaliya 10 jir," ayay tiri. "Waxaan aaday iskuul aan lahayn wax alaabta nadaafadda, xitaa aan lahayn meel aad ku ridi karto suufta."

Caadada

Xigashada Sawirka, Hannah Routledge

Qoraalka sawirka, Hannah Routledge waxay sheegtay in ururka Pads for Dads uu ka caawinayo aabbeyaasha inay ka hadlaan dhiigga caadada

Hey Girls waxay bilaabeen ololahooda Pads for Dads 2019 (suuf la siiyo aabbeyaasha 2019), iyagoo siinaya hagitaan bilaash ah iyo agab si ay uga caawiyaan aabbayaasha inay gabdhahooda arrimahaas kala hadlaan.

"Waxaa loo qorsheeyay in lagu jebiyo takoorka xilliga caadada ee aabbayaasha iyo waaliddiinta guud ahaan," ayay sharraxday. "Ha sugin wadahadal weyn, waxay ku saabsan tahay qaar badan oo yaryar, inaad hubiso inaad alaabta xilliga caadada dhigtay guriga iyo kaliya inaad caawiye noqoto."

Hannah waxay sheegtay inay sidoo kale lama huraan u tahay waaliddiintu inay wiilashooda kala hadlaan caadada si ay uga warqabaan.

Dr Nighat Arif, oo ku takhasustay caafimaadka dumarka, ayaa billowday inay la hadasho wiilkeeda oo lix jir ah, markii uu musqusha ka helay mid ka mid ah suufkeeda.

"Waxaan iri 'Tani waa waxa ay hooyada isticmaasho sababtoo ah way dhiig baxaysaa'". Markii hore, tani waxay ku abuurtay welwel, laakiin waxay u sheegtay inay caadi tahay oo ay ku dhacdo dhammaan haweenka bil kasta.

Hannah waxay sheegtay in dabeecadaha ay si degdeg ah isu beddelayaan oo ay xitaa dareentay isbeddel ku yimid aabbaheed oo mar ka fogaan lahaa ka wada sheekeysiga xilliga caadada laakiin hadda "haddii ay awoowyaashiisu u baahdaan wax ama ay rabaan inay wadahadalkaas la yeeshaan, waxaan u maleynayaa inuu aad u furfurnaan lahaa".

Yareynta takoorka ka jira goobaha shaqada

La-taliyaha dhakhtarka haweenka ee Dr Christine Ekechi, oo ka shaqeysa waaxda caafimaadka UK ee NHS, ayaa sheegtay in inta badan ay jirto munaafaqnimo marka ay timaaddo in waaliddiintu kala hadlaan caruurtooda xilliga qaan-gaarnimada.

"Waxaa jira hooyooyin aad u badan oo leh wiilal, mana u sheegno inaysan wiilashooda kala hadli karin qaan-gaarnimada iyo qaan-gaarka iyo wax ku saabsan galmada.

"Haddaba waa maxay sababta aan weli u haysanno tan haddii ay tahay dhinaca kale?"

Kor u kaca furfurnaanta guriga ayaa sidoo kale leh saameyn ballaaran, Dr Ekechi wuxuu aaminsan yahay in aabbayaasha arrintan ku baraarugsan ay sidoo kale noqdaan saaxiibbo wanaagsan iyo hoggaamiyeyaal.

Tani waxay kaa caawin kartaa yaraynta takoorka ku aaddan dhiigga caadada ee goobta shaqada iyo hagaajinta sinnaanta ee goobaha shaqada.

Si kastaba ha ahaatee, "waa hab caiib ah oo lagu wanaajin karo xiriirka ka dhexeeya aabbaha iyo gabadha," ayay tiri.