Maxaan ka naqaan shirkadaha Turkiga ee dowladda Soomaaliya sheegtay inay jabiyeen heshiisyadii ay galeen?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL/FAVORI LLC

Xafiiska Hanti-Dhowra guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirkado laga leeyahay Turkiga oo ka howlgala magaalada Muqdisho gaar ahaan maamula garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle iyo dekadda Muqdisho ay jabiyeen heshiiskii dheef-wadaaga ahaa ee ay la galeen dowladda Soomaaliya.

Shirkadahan kala ah Favori LLC oo maamusha garoonka Muqdisho iyo Al-Bayrak oo maamusha dekadda Muqdisho ayuu Hanti-dhowraha guud ee Soomaliya Axmed Ciise Guutaale, tilmaamay inaysan u soo gudbin xisaabiyaha guud ee dowladda warbixin soo martay baarits hanti-dhowr madaxbannaan marka uu dhammaado sanad qandaraaseed walba.

Wuxuu intaa raaciyey Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya in xafiiska Hanti-dhowrka Soomaaliya ay u suura gali wayday inuu si madaxbannaan u xaqiijoyo in khidmada dheefwadaaga ah ee dowladdu ku leedahay dheef-wadagaa heshiiska.

Guutaale, wuxuu intaa ku daray in xafiiska Hanti-dhowraha ay u suura gali wayday inay si madaxbannaan u xaqiijiyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga dheef-wadaaga ee dowladda Soomaaliya ugu soo aadaya dakhligaa

Labada shirkadood ayuu Hanti-dhowre Guutaale sheegay inay si joogta u jabinayeen uguna xadgudbayeen heshiisyada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya.

Balse shirkaduhu ilaa iyo hadda wax wara kama aysan soo saarin warbixinta ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya.

Guutaale

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Guutaale, wuxuu intaa ku daray in labada shirkadoodba ay si joogta u jabinayeen uguna xadgudbayeen heshiisyada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya.

Labada shirkadood ayaan ilaa hadda wax wara ka soo saarin warbixinta ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya

Maxay yihiin labada Shirkadood ee Favori LLC iyo Al-Bayrak

Shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak, waa shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaas oo muddo laga joogo 10 sano howlahooda shaqo ka bilaabay Soomaaliya.

Xilliga shirkadahi ay ka bilaabeen shaqada Soomaaliya waxay ahayd wax yar ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii.

albayrak

Xigashada Sawirka, SOCAIL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shirkada Albayrak

Albayrak Group, waa shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Turkiga oo fadhigeedu yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Soddonkii sano ee ugu horreeyay shirkadu waxay inta badan ka shaqaynaysay warshadaha dhismaha basle sanadkii 1982-dii ayey shirkadu howlaheeda ku ballaarisay wax soo saarka, gaadiidka, saadka, maaraynta qashinka, warbaahinta, maalgashiga dekedaha iyo hawlaha, kiraynta maraakiibta iyo dalxiiska.

Shirkada ayaa ka dib ballaarisay howlaheeda caalamka kuwaas oo ku saabsan maaraynta hawlaha dekedaha, dhismaha, gaadiidka dadweynaha, maareynta qashinka iyo warshadaha guryaha ee ku yaala wadamo kala duwan oo Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Shirkadan ayaa la asaasay sanadki 1952-dii.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Dhammaadka bishii September sanadkii 2014 heshiis la gashay shirkada Albayrak si ay u maamusho dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirkii dekadaha iyo gaadiidka badda ee xilligaas Yusuf Macalin Baadiyow, oo ka hadlay xil wareejintaas ayaa sheegay inay dowladda heshiis la gashay shirkada Albayrak inay maamusho dekada iyo inay dowladda yeelan doonto boqolkiiba konton iyo shan lacagta soo gasha dekadda. Albayrak ayaa yeelan doonta boqolkiiba afartan iyo shan.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya shirkada Albayrak ayaa kor u qaaday adeega dekada iyo casriyeynteeda.

Shirkada Albayrak, ayaa heshiiska dheef-wadaga ah ee ay kula jirto Soomaaliya wuxuu xaq u siinayaa inay qaadato 62.17% dakhliga ka soo baxa dekadda Muqdisho sida uu sheegay Hanti-dhowraha Soomaaliya Axmed Guutaale.

Marka laga soo tago shirkada Albayrak ayaa sidoo kale ka howlgasha dalal ku yaalla qaarada Afrika

FAVORI LLC

Xigashada Sawirka, FAVORI LLC

Shirkada Favori LLC

Shirkada Favori, waa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ka shaqaysa arrimaha garoomada iyo horumarintooda.

Sanadkii 2013-kii, dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkada Favori LLC taas oo xiiligaas la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shirkada ayaa garoonka ku samaysay casriyey iyo horumarin.

Shirkadda Favori LLC oo ay aasaaseen Çetin iyo Kozuva ayaa adeegga garoonka Muqdisho kala wareegtay shirkadda SKA 15-kii Sebtembar.

Shirkadda Favori LLC ayaa noqotay shirkadda kaliya ee Turkiga ah ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho meel ka baxsan xuduudka Turkiga, iyadoo noqotay shirkadda kaliya ee Turkiga ah ee ganacsigan ka shaqeysa dibadda.

Laba shaqsi ee ku midaysay lahaanshaha shirkada Favori LLc Ahmet Çetin iyo Süleyman Kozuva ayaa sheegay in ujeedada shirkadda Favori LLC ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay garoonka diyaaradaha Muqdisho u gaarsiiso heer caalami ah.

Favori ayaa ah shirkad gacanta ku haysa garoomo kale oo caalami oo qaarkood ku yaalla wadamada Afrika.

Shirkada Favori LLC, ayaa heshiiska dheef-wadaga ah ee ay kula jirto Soomaaliya wuxuu xaq u siinayaa inay qaadato 25% dakhliga ka soo baxa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho sida uu sheegay Hanti-dhowraha Soomaaliya Axmed Guutaale.

Xiriirka dhaqan dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa loo tiriyaa inuu soo jiray muddo dheer oo gaarsiisan xilligii dowladdii Cismaaniyiinta oo Turkidu ka mid ahayd boqortooyooyinkii mar saamayn ku lahaa deegaano dhaca xeebaha badda cas.

Basle xiriirka diblomaasiyadeed ee hadda dhowr iyo tobban jirsaday ayaa soo bilowday sanadkii 2010-kii markaas oo Turkigu Soomaliya garab istaagay xilli dalka ay ka jirtay abaar baahsan.

Gurmadkaas iyo safar uu Muqdisho ku yimi Madaxweynaha hadda ee Turkeyga Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul wasaare ayaa iridaha u furay xoogaysiga xirirka labada dal

Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiya, dhinacyada tababarida ciidamada isagoo saldhig ku leh dalka halka shirkadaha Turkiga laga leeyahay ay maalgalin ku sameeyeen Soomaaliya